HALKAN KA AKHRI: Xisbiyadii Somaliland Ka Hana Qaaday Oo Ku Soo Ururay Shakhsiyaad Dano Leh!!!!.

0
149

Tan iyo markii dalka laga aas aasay hanaanka xisbiyada badan waxa abuurmay sadex dii xisbi qaran ee ugu horeeyey oo kala ahaa Kulmiye UDUB iyo UCID labada xisbi ee kala ah UDUB iyo Kulmiye waxay nasiib u heleen inay talada dalka hogaamiyaan halka uu xisbiga UCID laba jeer tartamay oo aanu ku soo bixin doorashada, bal hadaba aynu mid mid u kala qaadno sida uu u dhaqmay markii uu khilaafku dhexdiisa ka curtay,

UDUB,

Xisbiga UDUB waxa aas aasay madaxweynihii hore Maxamed Xaaji Ibraahin cigaal IHN isaga oo diyaarsaday oo shuruudii xisbiga dhamaystiray oo uu u culan yahay si uu doorashada ugu galo ayay tii alleh ku timid IHN,

Amin arts iyo Hoggaamiyeyaasha siyaasadda Somalialndwaxa ka dhaxlay xisbigii iyo kursigii uu ku fadhiyayba madaxweyne ku xigeenkiisii oo ahaa mudane daahir rayaale kaahin, daahir rayaale waxa uu isku helay xisbi diyaarsan iyo kursi diiran mudo yar kadib waxa uu ku galay xisbigii diyaarka ahaa ee UDUB doorasho qabsoontay 2003 dii waanu ku guulaystay doorashadii isaga oo la tartamy labada xisbi ee kale sida Kulmiye iyo UCID oo ay kala hogaaminayeen madaxweyne siilaanyo iyo gudoomiye faysal cali xuseen (waraabe),

markii daahir rayaale ay ka dhamaatay mudadii xilka kursiga madaxtooyada loo doortay waxa uu isku dayay inuu ka war wareego inuu doorashada madaxtooyada dalka ka qabto in kasta oo uu suuro geliyay mudadii uu xilka hayay in ay dalka ka qabsoonto doorasho deegaan iyo ta baarlamaanka ( aqalka wakiilada) waxa loo kordhiyay xilka laba jeer si uu dalka u gaadhsiiyo doorasho,

Markii ugu danbeeysay ee loo diyaargaroobayay doorashada ee xisbigii UDUB soo sharaxanaayay qofka uga qaybgelaaya tartanka madaxtooyada ayuu madaxweyne rayaale diiday in raga xisbiga ka midka ah ee hanka siyaasadeed leh iska dhex sharaxo xisbiga si ay damacooda u meel mariyaan waxa xisbiga laga saaray ragii hungurigooda siyaasadeed muujiyay halka qaar kale xisbiyada mucaaridka ah kubiireen,

madaxweyne daahir rayaale ismuu odhan adiguba xisbigan tacab kaagama bixin oo xisbi diyaarsan iyo xukuumad isku habaysan oo rag ku soo tacbay ayaad dhaxashay oo ilaahay SWT iyo xeerkii dalka u yaalay ku dhaxal siiyee bal adigana umada dhaxal uga tag si raga kaa danbeeya ee kula soo shaqeeyay ee mudada badan sacabka iyo mashxarada kula daba joogay jaanis iyo fursad u sii sid ay iyana hankooda siyaasadeed uga midho dhaliyaan,

Nasiibdaro wuxuu talo mooday oo ay kaga soo ururtay yaan xisbiga cidi kaaga danbayn oo yaan waxba lagaaga aayin! hadii aad doorashada ku soo bixi weydayna xisbiga ha wareejin si aan loo helin dad cusub oo dardar geliya xisbiga si uu uga hadho tartanka ururada doorashooyinka ee dalka ka qabsoomay!,

Waxaanu gaadhasiiyay ilaa isaga iyo kuxigeenkiisii axmed Yusuf yaasiin laba garab u kala jabeen oo sidaas xisbigii ku guul daraystay oo doorashadii ururadana uga hadhay! xisbigaas tacabka badani ku baxay lama badbaadin waayo wuxuu ahaa hanti qaran oo umadu leedahay oo mudo hoosta laga soo dhisaayay sidaasaanu ku aakhiraystay,

UCID

Xisbiga UCID waxa uu ahaa xisbiyadii ugu horeeyay ee dalka ka hanaqaaday waxa uu ahaa xisbi ay ku bahoobeen aqoonyahan u badnaa qurbaha laba jeer ayuu tartamay oo uu musharax u ahaa faysal cali waraabe wuuse ku guuldaraysatay labadaba, doorashadii ugu danbeysay markii ay dhamaatay ayaa gudoomiye faysal layidhi laba jeer ayaad tartantaye hadaba xisbiga wareeji si loo helo dad cusub oo hogaamiya xisbiga oo dardargeliya siyaasad cusubna la yimaada,

Mudane Faysal arinkaas wuu liqi waayay xisbigiina wuxuu u arkay tukaan isaga u furan waxaanu hadlkiisii ku soo ururay xisbiga waxaa igaga baxay tacab badan oo dhayal dhalay ugaga tegimaayo!,

Wuxuu xisbigii u kala jabay laba garab oo ay kala hogaaminayeen gudoomiye faysal iyo gudoomiye C/raxmaan Ciro oo markaas ahaa xisbiga UCID ahaana ragii Faysal lasoo aas aasay xisbiga,waxa laysla galay maxkamada dastuuriga ah ilaa markii danbe loo xukumay Faysal Cali Waraabe xisbiga siduu isagu tukaan kasoo iibsaday loomana baydhin shuruucdii xisbiga u taalay waxaana lagu dhameeyey xeer mastuur iyo waar u daaya,

Dhamaan intii badnayd ee golaha dhexe iyo hogaanka xisbigu waxay isku bahaysteen xisbiga Waddani oo markaas ahaa ururadii tartanka asxaabta ka qaybgalay waxaana la odhan karaa waa UCID oo dhankan u soo guurtay,

Kulmiye

Xisbiga Kulmiye waa xisbiga hada talada dalka gacanta ku haya waxaa aas aasay oo hogaaminayay madaxweyne Siilaanyo waxa uu tartamay laba jeer mar waa laga adkaaday markii danbena wuxuu nasiib u helay inuu talada dalka gacanta ku dhigo, markii uu madaxweyn siilaanyo taladii dalka loo dhaariyay ee uu xukuumadiisii soo dhisay waxa uu cidla kaga dhaqaaqay ragii xisbiga hogaanka u ahaa ee tacabka soo geshay ee isaga la soo dhintay wuxuu meesha keenay rag aan xisbiga wax tacab ah gelin aqoona u lahayn oo badankoodu dibada ka yimid! Somalidu waxay tidhaah daa kitaab gurigiisii loo diiday sayax Allaa baday!,

Markaasba waxa kala baxay xukuumadii iyo xisbigii oo laba dhinac kala noqday waxaana cidla lagaga guuray hogaankii xisbiga waxa yaraatay wada shaqayntii ka dhaxaysay, tuhun meesha soo galayna kama madhnayn waxa layidhi caano jiilaal canba can dareen!, weligeed caalamka kamay dhicin intii lasameeyey hanaanka xisbiyada badan xisbigii talada hayay iyo xukuumadii uu dhalay oo kala xidhan oo talada dalka waxba kala socon aan tan kulmiye maanta soo kordhiyay ahayn!,

Dareenka labadan dhinac ka dhashay wuxuu sabab u noqday in xisbigii talada dalka hogaaminayay laba garab oo fiintu dhex miranayso u kala qaybsamo iyada oo aamu mudadii xilka loo dhaariyay dhamaysan madaxweynihii dalku ayaa waxaa laysku hayaa anigaa musharax ah iyo anigaa musharax ah!,

Somalidu waxay tidhaah daa wadaanta faylka ka xumaataa isha ayay la tagtaa! khilaafka xisbiga iyo xukuumada dhex yaal ma aha mid hada biloowday laakiin waxa uu soo bilaabmay markii ay arkeen hogaanka xisbigu inuu madaxweyne Siilaanyo ka maarmay oo aanu xukuumadiisii ku soo darin, hadii aanay taasi dhici lahayn wuxuu madaxweyne Siilaanyo maanta fursad u heli lahaa inuu hogaanka xisbiga uu ugu horeeyo Muuse biixi ka dhaadhiciyo inuu markale hunguri siyaasadeed hayo nasiib daro taas way ku kala dhinteen oo wuxuu muuse u arkay in siilaanyo awrkiisa ku kacsaday kadibna cidla kaga dhaqaaqay!,

Hada waxa dhex boodaya labada dhinac ergo ka socota guurtida oo dhex dhexaadin ka wada loomana baydhin shuruucda xisbiga iyo xeerka u yaal waxa la rabaa in lagu dhameeyo xaal mastuur kaas oo xisbiyadii kale soo dilay,

Hore ayuu gudoomiye saleebaan gaal khilaafka xisbiga u dhex galay isaga oo si beelaysan u kala reebay Muuse Biixi iyo wasiirka maaliyada C/casiis Samaale oo hogaanka xisbiga isku qabtay! shirweynihii 3 aad ee xisbiguna waxa uu ku qabsoomay hab beelnimo iyada oo ergedii xisbiga lagu qaybsaday taas oo iyana sharciga xisbiga meel kadhac ku ahayd,

Hadaba mala odhan karaa xisbiyada siyaasada ee Somaliland ka hano qaaday waxay ku soo afmeermeen xisbiyo ku suntan qolooyin gaar ah iyo shakhsiyaad iyagu leh anagaa samaysanay! mase la odhan karaa waa xisbiyo qaran oo lawada leeyahay loona siman yahay markay sidaa yihiin?! jawaabta umadaa iska leh,

Mohamed Ahmed Nuur

khuurshe11@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here