HALKAN KA AKHRI: Xoghayaha Ururka SOLJA Oo Ku Baaqay In Xorriyadiisa Loo Soo Celiyo Muwaadin Jaamac Cilmi Jiir

0
33

waxa ay u saareen mikiroofoono Dawladii Daahir rayaale Waxaanay ku yidhaahdeen soo dhaadhac.

Hargeysa (Hubaal) Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax ayaa ugu baaqay Xukuumadda Somaliland in ay dib xorriyadiisu ugu soo celiso Aqoonyahan Jaamac Cilmi Jiir.

maxamed-rashiid solja

Waxa uu sheegay in aanu muwaadinkani wax dambi ah gelin isla markaaan xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Sidaasna waxa uu ku sheegay mar aanu goor dhaweyd khadka Telefoonka kula xidhiidhnay, waxaanu yidhi  “Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumada in ninka maqaalka u xidhan ee la yidhaahdo Jaamac Cilmi jiir xukunkii sharci darada ahaa ee lagu xukumayna la laabo.

Ninkaasi waxa uu qoray maqaal uu ku leeyahay madaxweyne hadii aad ku fashilantay xilkii umadu kuu dooratay iska casil, iyaguna (Kulmiye) waxa ay u saareen mikiroofoono Dawladii Daahir rayaale Waxaanay ku yidhaahdeen soo dhaadhac.

Markaa waxa aanu xukuumdda ugu baaqaynaa in ninkaas maqaalka u xidhan la sii daayo oo faraha laga qaado” ayuu ku soo gabagabeeyay guddoomiyaha ururka Solja Maxamed-rashiid Muxumed Faarax

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here