HALKAN KA AKHRI: XOGO DHEERAAD AH OO KA SOO BAXAY CIDDA FUDUDAYSAY WEERARKII LAGU QAADAY MADAXTOOYADA SOOMAALIYA

0
39

Weerarkii Al-shabaab ku qaadday Villa Somalia oo galaaftay Taliyeyaashii Nabad-sugidda iyo Booliska ee Soomaaliya

 

Muqdisho (Hubaal)- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mr. Mustafe Sheekh Cali Dhuxulaw, ayaa xaqiijiyey in xilalka laga qaaday shalay taliyeyaashii booliska iyo nabad-sugidda dawladdiisa, lana magacaabay wasiir cusub oo loo xilsaaray amniga qaranka, kadib markii dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan weerar ku qaadeen xarunta madaxtooda ee magaalada Muqdisho habeenkii Arbacada.

Wasiirku waxa uu sheegay in Taliyihii Booliska Soomaaliya jenaraal Cabdixakiim Saacid iyo Taliyihii Nabad-sugidda jenaraal Bashiir Goobe, halka Taliyihii hore nabad-sugidda Gobolka Banaadir Mr. Khaliif Axmed Ereg loo magacaabay Wasiirka Ammaanka Qaranka.

vila somalia

Waxa kaloo Taliyaha cusub ee booliska Soomaaliya loo magacaabay Maxamed Sheekh Xasan, iyadoo Taliyaha Nabad-sugiddana laga dhigay Maxamed Cabdillaahi Xasan Xaamud, kuwaasoo ujeeddada xilalka cusub loogu magacaabay tahay sidii looga hortagi lahaa, waxna looga qaban lahaa amni-darrada ka taagan Muqdisho oo gaadhay heer xarunta madaxtooyada Soomaaliya iyo goobaha kale ee muhiimka si dhib yar Al-shabaab u weeraraan.

Dhinaca kale, warar dheeraad ah oo ka soo baxay weerarkii iyo qaraxyadii lala beegsaday madaxtooyada Soomaaliya, ayaa sheegay in ninka dagaalyahannada Al-shabaab u suurtogeliyey inay gudaha u galayaan xaruntaas uu ahaa shaqsi ay isku reer yihiin, isla markaana aad isugu dhaw yihiin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaasoo la sheegay in magaciisu yahay Xasan Muxuyadiin Baastoolad-weyne, kana mid ahaa hawlwadeennada madaxtooyada, gaar ahaan dhinaca isgaadhsiinta, isagoo ninkaas is-qarxiyeyna aabbihii imam ka yahay masjidka madaxtooyada, halka adeerkiina ka tirsan yahay saraakiisha tababarayaasha ciidanka ilaalada xarunta Villa Somalia.

 

Sida wararka Muqdisho laga helay tibaaxeen ninka ay isku qoyska yihiin madaxweynaha Soomaaliya, waxa uu baabuurkiisa ku qaaday rag ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab, isagoo si dhib yar u geliyey xarunta madaxtooyada, halkaasoo ay ka fuliyeen weerarro kala duwan oo sababay khasaare xooggan oo aan ilaa hadda si sax ah loo ogayn, sababo la xidhiidha xogta khasaaraha weerarkaas oo aad loo qariyey, iyagoo masuuliyiinta dawladdu sheegay in afar nin oo Al-shabaab ka tirsan dileen, mid kalena isagoo dhaawac ah gacanta ku dhigeen, halka ilaa 2 askari oo ciidankooda ahna ku dhinteen falkaas, balse sida ilo-wareedyadu sheegeen, khasaaruhu intaa aad ayuu uga badan yahay, maadaama ragga hubaysan gudaha madaxtooyada galeen.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here