Gar-naqsigii Biixi + Gulufkii Samaale + guddoonkii Baloria iyo Guul-daradii Heshiiska
Hargeysa(Hubaal)-Warar laga soo xigtay ilo-wareedyo u dhuun-dalloola ama ku dhadhow, Xayndaadbka Xukuumadda, ayaa tibaaxay in loollan dhaqaale-urursi kooxaysani uu ka dhex-dilaacay xubno ka wada tirsan Golaha Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, kuwaasoo kasokow xafiiltanadooda-siyaasadeed oo hore uga dhexeeyey, uu markii u horreysay hirddankooda dhaqaalena si cad usoo shaac-baxay Toddobaadkii ina dhaafay, kaddib markii laba garab oo danno dhaqaale isku hayaa,kulan fool-ka-fool ah, sidoo kale-na, weerar iyo weerar celin ah ku yeesheen Hoteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Kulanka dhinacyada danaha dhaqaale ku hirdamayaa yeesheen, oo ahaa mid qarsoodiya oo aanay saxaafaddu si rasmiya ula socon, waxa sida lagu sheegay xogo Wargeyska Yool ka helay,ay daboolka ka qaadeen in shirka labada Garab ee Xukuumadda ay ku weheliyeen Saraakiil ka socday shirkadda laga leeyahay dalka Faransiiska oo lagu magacaabo Baloria, taasoo muddo badan ku taamaysay gacan-ku-dhigista Maamulka iyo Maaraynta Dekedda Magaalada Berbera, ilaa hadana aan ku guulaysan qorshaheeda, balse sida la tibaaxay Wufuuda metelaysay qayb-galkooda shirku uu saldhig kulanka u ahaa.
Waxa kaloo, wararku intaa ku darreen in Labadda geesooda ee Golaha Xukuunmadda ka wada tirsan, hase-yeeshee xafiiltanka dhaqaale urursiga ahi uu ka dhexeeyey, ay kala hoggaaminayey Wasiirka Arimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, oo isagu horkacayey garabka gadh-wadeenka u ah masuuliyiinta shirkadda Baloria, halka xubnaha kalee garab-huunbaalaynayey-na ay kamid ahaayeen Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Ganacsiga Muuse Qaasin oo lidi ku ah Hindisaha kooxda kale.
Geesta kale, xubnaha garabka kale, oo ay xubno ka ahaayeen Wasiirka Qorshaynta Sacad Cali Shire, Wasiir Xirsi X. Cali iyo Maareeyeyaal, ayaa sida iluhu tibaaxeen kasokow difaaca afkaarahooda qumman, waxa dooddahoodu ahaayeen kuwo taxadir badani ka muuqday, isla markaana ku salaysan in surto-gelinta heshiiska shirkadda Baloria uu noqdo mid waafaqsan waxyaabaha mac-quuliyaadda taabanaya, gaar ahaan marka laga hadlayo ku talo-galka muddada dhow, iyo dhanka waxqabadka mustaqbalka ee shirkaddu ka leedahay Dekedda Berbera.
Sidoo kale, waxa wararku intaa darreen in geba-gebadda iyo guntii kulanku uu ku dhammaaday laba weji, oo isugu jirey guul iyo guul-darro, labada qolo la kala hulleelshay.
Sida xoggaha kulankan ka soo baxay daboolka ka qaadeen, waxa laga adkaaday garabkii uu hormoodka u ahaa Wasiir Maxamed Biixi, kuwaasoo sida la sheegay xidhiidh hoose ka dhexeeyo, iyaga iyo madaxda shirkadda Baloria, waxaana wararka qaarkood tibaaxayaan in Wasiir Maxamed Biixi balanqaadyo hoose oo qarsoodi ah uu kula jiro shirkadda Baloria, kuwaasoo sida dadka arimahan u dhuun-daloolaa tilmaamayaan isugu jira in marka uu suurto-geliyo heshiiska iyo Xukuumadda Somaliland uu shirkada ku yeelan doono saami dhan 13% (Boqolkiiba, Saddex iyo Toban), iyo kan labaad oo ah in shirkaddu Mood iyo Maal-ba wixii awoodeedu tahay ku bixin doonto mustaqbalka, haddii Md. Maxamed Biixi isu soo taago Musharaxnimada Kursiga Madaxweynaha.
Dhanka kale, shirkadda Baloria, oo iyadu gacanta ku haysa ama maamusha Dekeddo badan oo ku yaala qaaradda Afrika, ayaa kasokow faddeexadaha maamul iyo kuwa dhaqaale ee ay ka dhaxashay dalalka ay hadda ka hawlgasho, waxa ay si weyn u diidan tahay, kana mid ah qoddobada Somaliland ay isku mari la’yihiin inay caddayso ama soo bandhigto qorshaheeda ku aadan waxyaabaha ay ka qaban doonto Dekedda Berbera, taasoo marka waxyaabihii kulanka lagu dersay hoos loogu daadego ay daarranayd Doodda dhinaca Wasiir Samaale iyo Muuse Qaasim ee libinta tirsaday.
Ma cadda in Loollankani uu sidaas ku dhamaan doono iyo in kale, balse waxa wali taagan yooyootan aan ficil ku lamaanayn oo labada dhinac xagga madaxtooyada ku gujjo-gujaynayaan, iyadoo qolo waliba isku dayeyso inay xagga Madaxweynaha ka hesho Taageero.
source:wargeyska yool