HALKAN KA AKHRI: Xukuumadda Somaliland Oo Mar Kale Ballan-qaaday Inay Isku Xidhayaan Khadadka Kala Qoqob-ban Ee Shirkadaha Adeega Telefoonnada Somaliland

0
46

Hargeysa (Hubaal)- Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, ayaa mar kale ballanqaaday inay isku-xidhayso adeegyada kala qoqoban ee telefoonnada ee shirkadaha kala duwan ee isgaadhsiinta dalka ka hawgalaa bixiyaan.

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Md. Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa sheegay inay dib u bilaabayaan hawlaha isku xidhka wadahadalka shirkadaha kadib markii uu xalliyey khilaaf ka dhashay qorshe ay arrintaasi hore isugu dayeen.

“Intaynaan isku mashquulin Soomaaliya horta in aynu dariiq kale heli karno oo aynu waxeenna gaar u samaysano ayaanu aad iyo aad u doonaynaa. Mashiinkii isku xidhayey shirkadaha Somaliland inay ku wadahadli karaan saaka wasaaraddayda ayuu yaalaa. Hore ayaa loo keenay, laakiin dadkii hawshaa lahaa ee ganacsatada ahaa ayaa waxoogaa khilaaf ahi dhexmaray, waanan dhammeeyey. Iminkana Isha Allaah shaqadiisu way socotaa,” ayuu yidhi Wasiir Abgaal oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa.

Waxa kale oo Wasiirku beeniyey hadal ka soo yeedhay Wasiirka boosaha u qaabilsan dawladda Soomaliya oo uu ku sheegay in ay dad wakiillo u ahi uga shaqeeyaan gudaha Somaliland.

“Somaliland ma jiro qof Soomaaliya leedahay oo halkan wakiil uga ahi, Wasaaradda Bosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland ayaan xataa u ogolayn in dadka muwaadiniinta reer Somaliland ay iska furtaan xafiisyo ilaa sharciyadii Wasaaradda ee qaabka dawliga ah u samaysnayd la fuliyo,” ayuu yidhi Maxamed Jamac Abgaal.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here