Hargaysa (Hubaal)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha, Cilmi-baadhista iyo Tiknoolajiga Somaliland Md. Aadan Axmed Warsame oo xilka ku wareejiyey wasiirka cusub ee Madaxweyne Siilaanyo dhawaan u magacaabay xilkaas, ayaa sheegay in xukuumaddu hagratay shaqada wasaaraddaasi oo uu xusay in aan waxba lagu tarin intii uu madaxda ka ahaa.
Mr. Aadan Axmed Warsame oo hadal ka jeediyey munaasibad uu xilkii Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha kula wareegay wasiirka cusub Cali Xaamud Jibriil oo lagu qabtay xarunta wasaaraddaas maanta, waxa uu sheegay in shaqada wasaaradda ay hortaagnaayeen dhaqaale la’aan iyo hagrasho kaga timi dhinaca xukuumadda.
“Xukuumaddu way garan wayday wasaaraddan oo dalka maanta muhiimadda gaar ah u leh. Waxay ururisaa dhammaan wixii xeer ka soo baxa golaha Baarlamaanka Somaliland. Waxay shacabka reer Somaliland si isku mid ah ugu fudaydisaa danaha ka soo gala qasriga Madaxtooyada, taas oo shacabka farriimaha soo dhexmariyaan wasaaraddan. Muhiimadda ugu weyn waxay ahayd wasaaradda marka ay doonayso inay baadhis samayso waxa ku baxaysa lacag xaddi badan, markaa xukuumaddu waxay nagu tari jirtay may jirin, waanan gacmo-xidhnaa, wax aan qaban karayeyna may jirin.”
Waxa kaloo uu ka sheekeeyey waxyaabaha u qabsoomay intuu xilka hayey oo uu ku dooday inuu ku hirgeliyey dadaal culays uu badan geliyey, “Waxaanan odhan karaa maanta waa maalin weyn, waxaanan xasuustaa markii Madaxwaynaha Somaliland xilka ii magacaabay oo aan hurday, markii uu iga qaadayna waan hurday,” ayuu yidhi Aadan Axmed Warsame