Hargeysa (Hubaal)- Maxkamadda degmadda Hargeysa ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday dad lagu soo eedeeyey inay xaalufinayeen deegaanka.
Maxkamadda waxa ku sugnaa dadkan la soo eedeeyey eheladoodii, wasaaradda deegaanka oo usoo gacan galisay degmadda Hargeysa, waxaanu gudoomiyaha degmadda Hargeysa Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed Mawliid ku dhawaaqay xukunkii maxkamadda ku xukuntay.
Garsoore Cabdiraxmaan Maxamed ayaa sheegay inay eedeysanayaashu yihiin toban qof, isla markaana lagu soo eedeeyey xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta taas oo ay u cuskadeen xeerarka dastuurka Somaliland.
Maxkamaddu ayaa saddex ka mid ah ragaasi la soo qabtay ku xukuntay sagaal bilood iyo hal milyan oo shilling Somaliland, halka toddoba ka mid ahna lagu xukumay lix bilood oo xadhig ah iyo hal milyan oo shilling Somaliland ah.
Agaasimaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga ayaa soo dhoweeyey go;aankan maxkamaddu ku xukuntay dad lagu soo qabqabtay xaalufinta deegaanka, waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in la joogteeyo.
Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horeysay ee dad lagu soo eedeeyo xaalufinta deegaanka la xukumo taas oo u ah guul, iyadoo baryahan dambe wasaaradda Deegaanku dagaal kula jirtay dadka dhirta jara..