Maydad la raseeyey Degaanka Kenya ah oo Al-shabaab weeraray + argagaxa ka dhacay Ciraaq + odayaal laga jaray farihii ay ku coddeeyeen dalka Afganistan
Nairobi (Hubaal)- Dagaalyahannada Al-shabaab, ayaa hawlgal uu ka fuliyey degaanka Mpeketoni oo ku yaal xeebta dalka Kenya ku dilay ugu yaraan 50 qof, kadib markii ay weerar qorshaysan ku qaadeen saldhig boolis, meherado kala duwan iyo goobo lagu daawanayey tartanka kubadda cagta adduunka ee ka socda waddanka Brazil.
Sida lagu baahiyey wakaaladaha kala duwan ee wararka caalamka, kooxda Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaas, waxaanay dad goob-joogayaal ah tilmaameen in dagaalyahannada weerarka qaaday ay xaafad-xaafad u dhexmareen, dadkana weydiiyeen inay muslim yihiin iyo inay Afsoomaali ku hadlaan, iyadoo qof kasta oo labadaas su’aalood ka jawaabi waaya dhegta dhiigga loo daray, waxana la soo bandhigay sawirro muuqaal argagax leh wata oo muujinaya qaab rasooyin ah oo la isu dul-saaray maydadka dadkii la dilay.
Masuuliyiinta ammaanka iyo madaxda dawladda Kenya, ayaa weerarkaas ku sifeeyey mid argagax leh oo si axmaqnimo ah loo fuliyey, iyadoo sidoo kale dagaalyahannada Al-shabaab dab qabadsiiyeen hudheelo, bangiyo iyo xarrumo dawladeed, kuwaasoo markii ay hawlgalka fuliyeen u baxsaday dhinaca baadiyaha ee degaankaas weerareen.
Dagaalyahannada weerarka fuliyey oo tiradooda lagu qiyaasay ilaa 50 qof, ayaa la sheegay inay bartilaameed ka dhigteen ragga kiristaanka ah, laakiin aanay dhibaato u gaysan dumarka, carruurta iyo qoysaska muslimka, waxana goobaha ay weerarka ka fuliyeen lagu arkay sawirrada dhismayaal iyo gaadiid gubtay, maydad badan oo daadsan iyo qaar la is dul-raseeyey.
Kooxda Sunniga ah ee lagu magacaabo ISIS, ayaa maalinba maalinta ka dambaysa qabsada magaalo iyo degaanno cusub oo ku yaal dalka Ciraaq, kuwaasoo ku socda xawaare aad u sarreeya, kuna hubaysan saanad millatari iyo hub ay ka qabsadeen ciidanka dawladda, waxayna soo bandhigeen sawirro iyo muuqaalo ay dhinaca borobagaandhada ugu tallogaleen oo muujinaya hawlgalo askar ka tirsan ciidanka Ciraaq iyo dad kale oo ay ku tuhmeen inay dawladda la shaqeeyaan oo inta meel god ah lagu xidhxidhay rasaas ooda lagaga qaaday, halkaas lagu khaarajiyey dhammaantood.
Sawirro kale oo ISIS soo bandhigeen, ayaa muujiyey rag aad u tiro badan oo sida xoolaha looga buuxiyey gaadiid u qaaday halka lagu toogtay, kuwaasoo inta meel lagu ururiyey ay rasaas ku fureen dagaalyahanno wejiyada qarsaday, isagoo ururkaasi degaannada iyo magaalooyinka uu qabsado ka fuliyo dilal axmaqnimo ah.
Nin lagu magacaabo Prof Lee Marsden oo aqoon u leh hawlgallada ururrada xagjirka ah, ayaa xusay in sawirrada iyo muuqaallada argagaxa leh ee ay soo bandhigaan ISIS oo qabsaday degaanno badan oo dalka Ciraaq yihiin qaar muujinaya heerka axmaqnimo ee ururkaas, kuwaasoo sidoo kale sawirrada iyo muuqaalada ku faafiyey boggaga internet-ka si ay ugu noqdaan borobogaadho lagu cabsi geliyo cid kastoo isku dayda inay dagaal kaga hortimaad.
Ururka ISIS oo mabda’iisu yahay sidii uu dawlad islaami ah uga samayn lahaa dalalka Ciraaq iyo Suuriya, waxa ku jira dagaalyahanno sunni ah oo ka soo kala jeeda dalalka Sucuudiga, Jordan iyo waddamo kala duwan oo Carbeed ahiyagoo doonaya inay afgambiyaan dawladda Shiicada ah ee Ciraaq.
Ururka Daliban, ayaa faraha ka jar-jaray 11 qof oo ka qaybgalay codbixinta doorashadii madaxtooyada ee dalka Afganistan ka dhacday Sabtidii toddobaadkan, kuwaasoo ciqaab uga dhigay codka ay bixiyeen iyo doorashada ka qaybgaleen, iyadoo sawirrada raggaas faraha laga jaray yihiin qaar iyaguna argagax leh.
Dadka faraha laga jaray oo u badan odayaal waayeel ah, kuna nool Gobolka Galbeed ee Heart ee dalka Afganistan, ayaa xaaladooda caafimaad xilligan fiican tahay, balse nin waliba waxa uu waayey fartii uu ku coddeeyey.
Ururka Daliban ayaa hore u soo saaray digniin la xidhiidha in ciqaab adag la marin doono qofkasta oo ka qaybgala doorashada ka dhacday dalka Afganistan oo ahayd mid lagu dooranayey cidda dalkaas madaxweyne ka noqon doonta, iyadoo digniintaasina sababtay in dad badan faraha laga jaro.
Ciidammada dalka Afganistan, ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 47 qof oo kale ay ku dhinteen hoobiyeyaal ururka Daliban ku weeraray goobo dadweynuhu ka caddeeyeen, isla markaanna khasaare kala duwan ka dhasheen weeraro kale oo ururkaasi ka fuliyey degaanno badna oo ka tirsan Afganistan.
Wasiirka Arrimaha Gudaha Afganistan Mr. Maxamed Unmar Daudzai, ayaa sheegay in dad shacab u badan iyo shaqaale doorashadda la laayey, halka 60 dablay hubaysan ahna ciidammadu dileen, iyagoo hawlgalo fulinaya.
Ururka Daliban ayaa amar ku bixiyey in aan dadku ka qaybgelin codaynta doorashada, haddii kale ay la kulmi doonaan ciqaab ay qoomameeyaan.