Berbera (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta markab kuwa dagaalka ah dushiisa kulan kula qaatay saraakiil ka socotay dawladda Ingiriiska kuwaas oo tababar kooban u soo xidhay ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland.
kulankaas kadibwaxa uu sidoo kale maanta kormeer balaadan ku soo maray Mashaariic horumarineed oo laga wado Dekeda Berbera, laguna balaadhinaayo.
Waxaana faahfaahin dheeraada ka siiyey madaxweynaha oo lug ku soo kormeeray guud ahaan hawlihii halkaasi ka socday oo ahaa kuwo qaranka iyo shacbiga faaiido u leh dalkuna uu hiigsanaayey in badan.
dekedan cusub ayaa noqonaysa deked ka weyn tii hore, hawlaha qaranka ay u qabanaysaana ay noqon doonaan kuwo ka baaxad weyn hawlihii ay hore u qaban jirtay dekedu.
waxaana faahfaahin ka bixiyey oo xog-dheeraada ka siiyey madaxweynaha Mareeyaha Dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor) oo u sheegay madaxweynaha in ujeedada uu ka leeyahay balaadhinta Dekedu ay tahay sidii dalku u yeelan lahaa deked la tartanta dekedaha Geeska Africa, Dawlaha jaarkuna ay isku halayn karaan oo ay wax kala soo degi karaan kana dhoofin karaan.
Madaxweynaha oo isaguna ku amaanay Maareeyaha Dekeda hawsha baaxadaasi leh ee uu u badheeyey kuna dhiiraday ayaa yidhi waxa aan alle kaaga baryayaa inuu kula qabto oo uu inagu simo iyada oo markan marka xigta aynu xadhiga ka jaridoono Insha allaa, tiiyoo aad ku guulaysatay dhamaystirkeeda.
intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu uga sii gudbay dhinaca Madaarka Berbera isaga oo soo kormeeray dhismayaal balaadhan oo halkaasi ka socda oo noqon doona mashruucii ugu balaadhnaa ee garoonkaasi laga hirgeliyo tan iyo intii dhidibada loo taagay garoonkan, waxaana madaxweynaha ku soo wareejiyey Wasiirka Duulista iyo hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida uu u barbartaagan yahay horumarka dalka iyo dib u dhiskaba.