Hargeysa (Hubaal) Qaar ka mid ah Wax-garadka, Aqoon-yahanka iyo Dhallinyarada Beesha Deegaanka Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa ayaa Maanta eedo u jeediyay Guddida Horumarinta ee Shirkii Agabar go’aankii ay dhawaan ku sheegeen in ay ku kala saareen Seddexda Murashax ee Xisbiga Kulmiye. Dhallinyaradan oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ayaa sheegay in Guddidu ay baal mareen Hawshii loo xil saaray oo ahayd Horumarinta Beesha, hasa yeeshee Muddadii la doortay aan waxba ka qaban baahiyihii loo igmaday, talaabadan ay ku kaceena ay ahayd mid aan looga fadhiyin. Qaar ka mid ah Dhallinyaradaasi oo ka hadlay shirkaasi jaraa’id, ayaa ku dheeraaday in go’aankaasi uu ahaa mid ay liqi kari waayeen, Seddexda Murashax kala saaristooduna ay tahay hawl u taala Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye arintoodu ay tahay mid kala fogaynaysa Beesha.
Ugu horayn, waxa shirkaasi jaraa’id ka hadlay, Axmed Ciisood Axmed, waxaanu yidhi “ Guddidani waxay ahayd Guddidi loo doortay Horumarinta Beesha Sacad Muuse, waxaanu u haysanaa markaa Guddidaasi in ay ka leexdeen hawshii loo doortay ee Horumarinta oo ay ku Mashquuleen Siyaasad iyo in ay Beesha dhexdeeda ay Madaxa isku galiyaan “ waxaanu Axmed Ciisood fariin u diray Guddidaasi “ waxaanu u sheegaynaa Guddidaasi, iyaga oo imika shaqeeyey Muddo ilaa Laba Sanno ah, in ay Maalin kaliya sammaynin wax Horumar ah, iyadoo ay sidaasi jirto in Maanta Tallaabadii ugu horaysay ee ay qaadeen noqotay in ay Beesha isku diraan oo ay Madaxa isku galiyaan, iyaga oo sheegaya in ay Hal Murashax wataan.”
Aqoon-yahan Axmed Ciisood Axmed, waxa uu tilmaamay in Beesha Sacad Muuse ay tahay Beel ka balaadhan Hal Murashax oo Murashaxiinta Beeshu ay tiro badan yihiin “ iyagu in ay cid gaar ah Calaamadiyaan oo inta Nin Ganacsade ahi uu wax ku soo shubto ay Masiirkii Ummada iibiyaan, Anagu Guddida kuma raacsanin “ ayuu yidhi Axmed Ciisood, Murashaxiinta kala saaridooduna ay tahay Hawl u taala Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Sidoo kale isaguna Madashaasi ka hadlay iid Ismaaciil Cabddi, isaga oo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “ Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waa Muuse Biixi Cabdi, markaa Muuse Biixi, Somaliland oo dhan ayuu Guddoomiye u yahay ee ma aha Guddoomiye Reer. Xisbiga uu gacanta ku hayana Qaranka oo dhan ayuu ka sharaxan yahay. Masuuliyiinta kalena waa la mid oo Qaranka oo dhan ayay Xilka u hayaan. Shaqada ay Qaranka u hayaana, Qaranka oo dhan ayay u hayaan ee Reer uma hayaan. Nin walloowba Shaqadaada qabso ayaaanu leenahay “ ayuu yidhi iid Ismaaciil Cabdi. Waxaanu Guddida Horumarinta Beesha Sacad Muuse u diray Fariin balaadhan, waxaanu yidhi “ Run ahaantii, Maanta waxa jira Boqolaal Qoys oo aad u dhibaataysan oo ay ahayd in aad ka hadashaan ama daryeeshaan. Reer kasta oo Somaliland ahiba waxay leeyihiin, Guddi Horumarineed. Wali maynu Maqal Reer ka hadlaya Siyaasad oo Reer kastaa arimahan oo kale Hoostiisa ayuu ku watay. Manay ahayn wax muuqda oo Warbaahinta ka soo baxaya. Somaliland intaasoo Madaxwayne ayaa soo maray, wali ma aynu Maqal Reer Warbaahinta la hadlaya oo leh, Ciddaasaan wadanaa iyo Ciddaasaan soo sharaxnay.”
Waxa ugu dambayntii Shirkaasi jaraa’id ka hadlay Mu’min Daahir Kaahin, isaga oo ka sheekeeyey Hawsha Guddida loo xil saaray, hasa yeeshee Go’aanka ay ku kala saareen Seddexda Murashax uu yahay Hawl u taala Xisbiga Kulmiye “ Odayaasha Guddida ah waxa laga doonayay in ay ka shaqeeyaan Horumarinta Reerka laakiin, may ahayn in ay Reerka soo dhex dhigaan siyaasad. Siyaasada iyo arimahan ay ka hadleen waxa weeyi Hawl u taala Xisbiga Kulmiye” waxaanu intaasi ku sii daray “ iyaga hawl intaasi ka badan ayaa laga sugayay oo ah in ay Reerka isku ururiyaan oo ka shaqeeyaan Horumarintiisa ka shaqeeyaan iyo arimaha isku xidhaya Reerka dhexdiisa” Mu’min Daahir, waxa uu sheegay in ay Dhallinyar ahaan ay taageersan yihiin Koox Culimo ah oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu yidhi “ Anagu hadaanu Dhallinyar nahay, waxaanu taageeraynaa wax kasta oo ka shaqaynaya Danta Reerka, laakiin, taageeri mayno cid dan gaar ah wadata.”
Shirkan jaraa’id ee Dhallinyarada, wax-garadka iyo Aqoon-yahanka Beesha Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysi ay Maanta qabteen ayaa daba socday hadal ka soo yeedhay guddida Horumarinta Shirkii Hoodaale oo sheegay in ay kala saareen Seddexda Murashax ee Reerka uga sharaxan Xisbiga Kulmiye.