Maanta waa 21. Oktoobar. Waa maalin caan ah ka ah Soomaalida dhexdeeda, isla markaana inta garanaysa uu qofba si u xusuusan karo 45 sano ka hor, markii u horaysay ee ay diiwaanka taariikhda Soomaalida gashay iyo sidii ay ku gashay. Waxa aan qarsoonayn in qofba si u milicsan karo, murrugo iyo farxadba, dhawr iyo labaatan sanadood oo ay 21-Oktoobar ahayd maalin billigeedu sareeyo. Waa maalin farxaddii dhalashadeedii hore ee ay taariikhda Soomaaliya ku gashay 1969-kii ku sagootiday dhaxal-xumo iyo karah kala dhaqaajiyay bulshadii farxada ku soo dhawaysay dhalashadeedii.
Way jiri karaan inyar oo weli xusuusan noloshii macaanayd ee maalintaasi u horseeday, kana quusan la’ hibashada wixii ay hore u daadiyeen. Hase ahaatee, waxa badan inta marka ay maqasho 21-Oktoobar, murrugada iyo cadhada ka qaada ee ay ku kiciso doogihii iyo dakharadii ka gaadhay. Sidaa daraadeed, waxaynu odhan karaa waa maalin qofba si’ ku ah. Marka la eego waxa muuqata inay jiraan jiilal badan oo Soomaali ah oo da’yarta kacday u badan, kuwaasoo aan wax badanba ka garaynin ama garanaynba maalintan. Sidaa aawadeedna aanay dareenkoodaba raad ku lahayn. La yaab ma laha kuwaasi oo waxa dhici karta inaan waxba looga gudbin dhacdooyinkii iyo waayihii maalintani Soomaaliya la soo martay. Taana waxa eeddeeda leh intii dhitaynta dhaxalka taariikhda laga rabay oo aan sida muuqata qalinkaba ku suuraynin wixii ay u soo joogeen ee la soo maray, kuwaasoo ah kuwa la rabay inay jiilasha ka dambeeya ku habaan jirtadii hore, iyaga oo ka durkaya caadifad iyo marin-habaabin aan haboonayn.
“OKTOOBAR WAA TEE? WAA TUMA?” Sanado badan baa la lahaa “WAA TAAYADII.” Laakiin maanta akhriste, maxay Soomaalidii muddada badan hoos joogtay ku jawaabaysaa, taasi wa qof iyo maankii, mid kasta ama qayb kasta oo dadkii sanadaha badan hoos joogay ka mid ahina wuu garan karaa saamayntii ay ku lahayd iyo waayihii ay soo marisayba. Sidaa darteed, waxaanu filaynaa in dhinac kastaaba isu jawaabay oo aanu caad ka saarnayn aragtidiisii maalintaas (21-Oktoobar) la xidhiidha. Mar haday sidaas tahay akhriste, ha ku daalin fikirka falanqayntaa ee hore u soco oo indhaha sii maqaalkan.
Ka dib markii ay dalkii Soomaaliya ka dhacday doorashooyinkii baarlamaanka ee 1969-kii oo aad laysugu khilaafay, isla markaana musuqmaasuq baahay khalkhal wayn keenay, ayaa waxyaabahaas waxa lagu eedeeyay xukuumadii waqtigaas dalka ka talinaysay. Ciidamada milatariga oo dadku taageero xoog leh u hayeen, ayaa la wareegay awooddii dalka, ka dib markii uu mid ka mid ah ilaaladiisii dilay madaxweynihii dalka ee Cabdirashiid Cali Sharma’arke. Ciidamadii dalka inqilaabka ku qabsaday oo uu hogaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre, waxay soo af-jareen sagaal sannadood oo xukuumado shicib ahaa ay Soomaaliya ka soo talinayeen.
Wixii loo yaqaanay golihii sare ee kacaanka (SRC), ayaa u doortay Siyaad Barre inuu noqdo madaxweynihii dalka. Golahaas oo ka koobnaa 27 xubnood, ayaa balantoodu waxay ahayd in ugu yaraan shantii ugu sareeyay oo Siyaad Barre ku jiraa midkoodba mar qabto hogaaminta dalka. Balse, Siyaad Barre wuu ka talaabsaday taas oo dhexduu ku duubtay masuuliyaddii kursiga. Markii ay arkeen in balantii uu ka baxay Siyaad Barre ayay saraakiil ka mid ahaa golahaasi ka horjeesteen nidaamkaas, balse nasiib darrada dhacday waxay ahayd in dilkii saraakiishaas badiba dadweynuhu u arkeen rag cadow ku adeeganayay, taas oo ahayd borobagaandihii dowladu hadoodilaysay. Midowgii Soofiyeetiga oo horeba xidhiidh ula lahaa Soomaaliya ayay xukuumaddii Siyaad Barre-na heshiis dhow la yeelatay, ka dib markii ay SRC-du qaadatay nidaamkii Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan, iyada oo aanay Soomaaliya qaadan karayn inay hanaankaas ku dhaqanto. Ujeedooyinka xukuumadii Siyaad Barre, waxa ugu horayntii ka mid ahaa in dadka lagu jeediyo wax soo saarka dhinacyada beeraha iyo kaluumaysiga. Waxa kale oo meesha laga saaray goboladii hore ee uu dalku ka koobnaa, waxaana la magacaabay gobolo cusub, iyada oo isla markiiba loo kala diray badhsaabyo cusub oo milatari ahaa. Si loo hirgaliyo mabda’a uu Siyaad Barre qaatay waxa la sameeyay ciidamo loo yaqaanay “Guul-wadayaal”, kuwaasoo macne ahaan looga dan lahaa inay bedelaan hogaamiyeyaal dhaqameedka. Siyaad Barre waxa uu meesha ka saaray shuruucdii xaqa u siinayay in qabiilooyinka uu u kala soocnaado dhul beereedka, daaqsinta iyo biyuhuba. Wuxuu cirka ku laalay magta la kala qaato marka uu dil yimaado. Dhamaan waxyaabahaas wuxuu ku burburinayay jiritaanka hogaamiyeyaal dhaqameedka, waxaanu ku doonayay in isaga uun lagu xidhnaado, sidoo kalena wuxuu ku wiiqayay awoodaha diinta Islaamka.
Inkasta oo uu Siyaad Barre qaatay hanaankii dhagaraysnaa ee Hantiwadaaga Cilmiga ku dhisan oo aad uga soo horjeeda shuruucda Islaamka, ayaa haddana wuxuu isku dayay inuu majare habaabiyo Diinta Islaamka. wuxuu bilaabay horaantii 70-naadkii inuu abuuro shabakad wadaado ah oo loo yaqaanay Suufiyo, kuwaas oo uu kaga hortagayay koboca aqoonta diinta Islaamka. Waqtiyadaas waxa uu sare u qaaday buunbuunin badana lagu sameeyay taariikhdii Maxamed Cabdule Xasan. Ka dib markii lagu guulaystay qoraalkii Afka Soomaaliga, ayay xukuumaddii Siyaad Barre, waxay olole balaadhan ku qaaday cidhibtirka jahliga, waxaana dalka laga hirgaliyay dhismaha dugsiyo hoose, dhexe iyo sareba iyo waliba Jaamacad. Hase yeeshee, talaabo kasta oo uu u arkayay horu-kac waxay qasantay markii dagaal indho la’aan ahaa oo uu ku qaaday Itoobiya ka dib ay ciidamadu ka soo horjeesteen. Isla markaana laga soo bilaabo horaantii sideetanaadkii waxa aad u xoogaysanayay mucaaradad xoog leh oo kaga imanysay dadweynaha. Ka dib jabhad uu hogaaminayay Cabdillaahi Yuusuf oo awood badan oo dhaqaale oo la siinayay ka faa’iidayn wayday, waxa gobolladii waqooyiga oo imika Somaliland ah laga hirgeliyay Jabhaddii SNM, taasoo marka laysku soo duubo noqotay tii soo gunaanaday inay ilkaha ka saaraan jiritaanka dawladii keli-taliska ahayd ee Siyaad Barre.
Haddaba, Maalinta 21-ka Oktoobar oo lagu xusuusto inay tahay mid horseeday taariikh madow, siday ku timi? “26 sarkaal ayaanu ahayn markii aanu ku tashanay inqilaabka millateri, hase ahaatee, waxba iskaga maanaan ogayn kuu noqonayo cidda hogaanka qabanaysaa,” sidaa waxa laga reebay marxuum Jeneraal Barre. Saraakiishan oo uu ugu horeeyo Siyaad Barre waxa lagu sheegaa inay ahaayeen kuwii shuraakada ku ahaa inqilaabkaa,
Gen. Maxamed Siyaad Barre
Gen. Jaamac Cali Qorsheel
Gen. Maxamed Caynaanshe Guuleed
Gen. Xuseen Kulmiye Afrax
Gen. Salaad Gabeyre Kediye
Gen. Maxamed Cali Samatar
Gen. Cabdalla Maxamed Faadil
Cali Mataan Xaashi
9 Col. Axmed Maxamuud Cadde
Col. Maxamuud Mire Muuse
Col. Ismaaciil Cali Abokar
Col. Axmed Suleymaan Cabdalla
Col. Maxamed Sheekh Cusmaan
Col. Maxamed Cali Shire
Col. Maxamuud Geele Yuusuf
Col. Faarax Waceys Dhuule
Col. Axmed Maxamuud Faarax
Col. Axmed Xasan
19 Cabdirisaaq Maxamed Abuukar
Bashiir Yusuf Cilmi
Cadulqaadir Xaaji Maxamed
Maxamed Cumar Jees
Cusmaan Maxamed Jeele
Muuse Rabiile Good
Cabdi Warsame Isaaq
Darajadoodu may ahayn sidan markii ay inqilaabka sameeyeen, balse waa kadib. Hase yeeshee waxa la sheegay markii inqilaabku dhacay inay jananadu ahaayeen afar, kuwaasoo kala ahaa, Siyaad Barre, Maxamed caynaanshe, Liiqliiqato iyo Qoorsheel.