HALKAN KA AKHRI:Madaxtooyada oo Dhimbiil Dab ah Mar kale Daaqadda Laga Geliyay

0
47

Guurtida oo Xeerkii Diwaan-gelinta Kusoo Maleegay Muddo-kordhinta Xukuumadda Iyo Go’aanka Mucaaridka

“..Liiska Diiwaan-gelinta Codbiyeyaasha Waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Lix Bilood (6) ka hor Xilliga Doorashada..” …Mase Dhacaysaa Bishan December ?

Hargeysa(Hubaal)-Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland  ayaa shalay mar kale dib ugu codeeyay  Wax-ka-bedel iyo Kaabis Golaha Guurtidu ku sameeyeen Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha oo ay hore aqlabiyad ugu ansixiyeen..

Xeerkan oo wax ka-bedelka Guurtidu uu saameeyey laba qodob oo muhiim ah, ayaa Golaha Wakiilladu dib ugu meel-mariyeen Fadhigoodii shalay oo uu Shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golahaasi Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), kana soo xaadireen 44 Mudane oo ka mid ah 82 Mudane ee Golahaasi.

siilaanyo39 Xildhibaan, ayaa ogolaaday in sida Guurtidu ku soo gudbisay lagu ansixiyo wax-ka-bedelka lagu sameeyey Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah, waxaana diiday 1 Mudane, halka ay ka aamuseen laba Xildhibaan, guddoomiyuhuna aanu coddaynin.

Waxaana fadhigaasi ku yaraa oo aan badankoodu ka soo qayb-gelin Mudaneyaasha  Mucaaridka ah  oo aan sida muuqata xog-gaal u ahayn saameynta ay leeyihiin qodobada wax ka bedelka Xeerku, sida uu Wargeyska Yool u sheegay Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa oo ka tirsan Golahaasi.

“..Haa runtii may joogin Xildhibaanada Muxaafidka badankoodu, waxa yimi xubno aan gaadhayn tobaneeyo oo aan badankoodu xogogaal ahayn, aniguna waxaan ka mid ahaa xildhibaanada diiday”ayuu ku doodday Mudane Buubaa oo Wargeyska Yool wax ka waydiiyay sababta loo marsiiyey qodobada ay mucaarid ahaan ka soo horjeedeen ee wax ka bedelka lagu soo geliyay xeerka.

Laffo-Gurka kaabista Xeerka iyo doodda Mucaaridka

Haddaba, Xeerkan oo Bishii September Golaha Wakiillada kaga baxay aqlabiyad gole oo ay ugu coddeeyeen 64 xildhibaan, ayaa golaha Guurtidu ku sameeyay wax-ka-bedel hab sharci ah muddo kordhin loogu samaynayo Xukuumadda iyo dabcan Golaha xeer-dejinta oo doorashooyinkooda laysa saaray,  sida ay dhigayaan heshiisyada sharci ee laga gaadhay qabashada Doorashooyinka soo socdaa.

Wax-ka-bedelka Golaha Guurtidu ku samaysay, ayaa si toos ah xilligan meesha uga saaraya in Doorasho dalka ka qabsoonto lix bilood kaddib oo ku began 26 bisha June 2015, marka la eego sida loo dhigay xeerkan,  xilliga la joogo iyo Duruufaha is-barkan ee ku gedaaman howlaha laf-dhabarta u ah qabsoomida doorashadaasi.

Golaha Guurtida ayaa wax ka bedelkooda ku saleeyay in Liiska Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha la soo saaro, lix bilood ka hor muddada Doorashada, taasoo marka dhinac laga eego khalad weyni ku jiro, isla markaana si aan mugdi ku jirin looga dhadhansanayo inay Golaha Guurtidu dariiqa u xaadheen dib u dhac ku yimaada Doorashada, sida ay ku doodayaan sharci-yaqaanada iyo ku Xeel-dheerayaasha  arrimaha Siyaasadda ee dalku.

Geesta kale, marka isbar-bar dhig lagu sameeyo qaabkii Golaha Wakiiladu ku ansixiyeen qodobada khuseeya Diwaan-gelinaha iyo habka ay Guurtidu u soo bedelen, ayaa waxa u dhexeeya farqi aad u weyn, oo taabanaya in xudunta Khilaafkii Golaha Wakiillada ee Xeerkan ka dhashay  uu salka ku hayay doonis dhinaca Muxafidka ah ee muddo kordhinta Golaha Guurtidu soo jidaysay.

Farqiga u dhexeeya qarraarada labada Gollle ee qodobada tilmaamaya ku dhawaaqista Wakhtiga Diwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha iyo soo saarista Liiska codbixiyeyaasha??

Qodobka 26-aad ee Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga iyo codbixiyeyaasha oo uu Ciwaankiisu yahay:- “habka Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha”, ayaa farqadiisa 2-aad oo ka hadlaysa wakhtiga la qabanayo tiro-koobka codbixiyeyaasha, waxa ay Golaha wakiilladu ku ansixiyeen:  “..In diwaan-gelinta codbiyeyaasha lagu qabto lix-bilood gudahood kahor wakhtiga Doorashada..”.

Hase ahaatee qodobkaasi waxa ay Golaha Guurtidu u bedeleen sidan:- “..Liiska Diwaan-gelinta Codbiyeyaasha waxa soo saaraya Komishanka Doorashooyinka Qaranka Lix bilood (6) ka hor Xilliga Doorashada..”.

Sidoo kale, Qodobka 28 ee Xeerka Diwaan-gelinta medeniga iyo Codbixiyeyaasha Farqadiisa 1-aad oo qeexaysa cidda awoodda u leh ku dhawaaqista xilliga ay bilaabmayso Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu, ayaa waxa Wakiilladu ku ansixiyeen “..In Komishanka Doorashooyinka Qaranku ku dhawaaqayaan xilliga ay dalka ka bilaabmayso Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu”. Waxaayse qodobkaasna Golaha Guurtidu isna u bedeleen sidan:- “..Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya xilliga ay la bilaabayo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha, isagoo ku soo saaraya xeer Madaxweyne, kaddib marka uu helo soo-jeedinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka muddo shan iyo toban maalmood gudahood ah oo ka bilaabanta marka uu helo soo jedinta”.

Labadan qodob ayaa dhinac kasta oo laga istaago, waxa ka muuqda inay meesha ka saarayaan qabsoomida Doorashada ee wakhtiga uu ku eegyahay muddo xilleedka Xukuumadda oo ah 26-ka Bisha June ee Sanadka 2015-ka.

Waxaanay ugu yaraan labadan qodob jidaynayaan muddo-kordhin Xukuumadda loo sameeyo bilaha soo socda, sida ay aaminsanyihiin  dadka ka faalooda arrimaha Siyaasadda Gobolka oo Wargeyska Yool dhinacyo kala duwan ka xog-waraystay.

Muddo-kordhintaasi ayaa noqon karta Lix bilood, sanad ama wax ka badan, iyadoo mar walba Dooashadaa rajadeedu ku xidhantahay hadba sida loo dedejiyo qabashada Diwaan-gelinta codbiyeyaasha iyo ku dhawaaqista xilliga ay bilaabmayso oo lafteeda Golaha Guurtidu u gacan-geliyeen go’aan ka gaadhisteeda ugu dambeysa Madaxweynaha, sida uu dhigayo wax-ka-bedelka iyo Kaabista ay ku sameeyeen qodobka 28-aad ee Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga iyo codbixiyeyaasha farqadiisa 1aad.

Si kastaba ha ahaatee Qaabka ay Golaha Guurtida u dhigeen qodobadan uu sameeyay Wax-ka-bedelkooda, ayaa waxa aan ku diirsan Xisbiyada Mucaaridka ah, Golaha Wakiillada ee Mucaaridka ah iyo waliba daneyayaasha Doorashooyinka Dalka, sida uu sheegay Afhayeenka Xisbiga Waddani, ahna Mudane ka tirsan Aqalka Wakiillada oo Wargeysku wax ka waydiiyay dareemada ku lifaaqan xeerkan shalay Golaha Wakiilladu go’aanka kama dambeysta ah ee xeer-dejineed ku meel-mariyay.

Afhayeenka Xisbiga Waddani Md. Ibraahim Mahdi Buubaa tacliiq ka bixinaya arrimahaasi ayaa yidhi “..Wax-ka-bedelka lagu sameeyay labadan qodob-ba waxay muujinayaan Taatiko muddo kordhin loogu samaynayo Xukuumadda, waxaanan u sheegayaa shacbiga Somaliland inay muddo kordhintaa ka masuul yihiin Madaxtooyada, Golaha Guurtida oo iyaguna la soo saftay iyo Xildhibaanadan Muxaafidka sheeganaya ee Golaha Wakiilladu..”.

Mudane Buubaa wuxuu intaasi ku daray “..Sababta labadan qodob ee  xeerka looga dhigay :-waan in Guddida Doorashadu soo saaraan Liiska Codbixiyeyaasha lix bilood ka hor  Madaxweynaha loola soo doontay ku dhawaaqista xilliga ay bilaabmayso Diwaan-gelinta codbixiyeyaashu 15 kaddib soo jeedinta Komishanka,  waxaanu u aragnaa inay  wakhti lumis iyo inaanay Doorashadu qabsoomin 26 June iyo ilaa December toona ee dib u dhac uun lagu jiro”. Ayuu yidhi.

Geesta kale waxa uu afhayeenka Xisbiga Waddani farta ku fiiqay in Khilaafkii Golahooda ka dhex curtay ee dalka oo dhan gil-gilay uu ka kacay qorshe gocasho ku dhalad ahaa oo ay  xukuumaddu ku doonaysay inay labadan qodob sida Guurtidu ka soo dhigtay u bedesho, maadaama ay haysteen aqlabiyada Golaha xeer-dejinta .

Waxaanu yidhi: “..Umadda Somaliland waxaanu u sheegaynaa inay fahmaan horta wixii nagu haystay ee Qaranka dhan lagu haligi gaadhay inay ahayd labadan qodob ee Guurtidu ka soo bedeleen Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ee Muddo kordhinta lagu jidaynayo, oo markii  hore ee Golaha Wakiilladu ansixiyeen ay qoladan Muxaafidku ogolaadeen, balse markii lagu canaantay ay ka daba-tageen, Dadku inay midhkaa fahmaan ayaan u sheegayaa, oo waxa kaliya ee la doonayay ee waxaasoo qaylo ah loo sameeyay  tahay sidii Muddo kordhinta guurtidu samaysay xaggan looga sii hir-gelin lahaa”.

Mudane Buubaa, waxa uu ugu dambeyn daboolka ka qaaday inay khasbanyihiin inay xeerka aqbalaan ka mucaarid ahaan, wuxuuse ku baaqay in deg-deg loo sameeyo Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha. “..Annagu waanu ku khasbanahay inaanu aqbalno Xeerarka sharci ee Goleyaasha Qaranku ansixiyeen, waanan kula shaqaynaynaa, balse waxaan Komishanka Doorashooyinka ee ay iminka Xukuumaddu dhaarintoodii marba dib u riixayso, Bulshada caalamka iyo cid kasta oo ay khuseeyaan Doorashooyinku  ugu baaqayaa in deg deg loo qabto diwaan-gelinta cod-bixiyeyaasha, si dalkan Doorasho xal u ah qaranku uga dhacdo”. Ayuu yidhi.

wargeyska Yool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here