HALKAN KA AKHRI:Qaybtii Saddexaad Ee Xidhiidhkii Dhexmaray Madaxwayne Silaanyo Iyo Madaxwaynihii Hore Ee Daahir Riyaale Muxuu Daaranaa?

0
35

Hargeisa{DN/Hubaal} Waxaan halkan idinku soo gudbinayaa qaybtii saddexaad ee xidhiidhkii dhex maray labada Madaxwayne ee is uur xaadhashada ahaa oo aad moodo in intii hore la isaga soo dhawaaday in kasta oo weli afkaarta lagu kala fog yahay.

Madaxwaynihii hore Daahir Riyaale baa la soo xidhiidhay madaxwayne Axmed Silaanyo,haddaba muxuu xidhiidhkaasi daaranaa

 silnayo vs rayaale

Daahir Riyaale;

Mudane Madaxwayne waan ku salaamay, bal dalkii ka waran iyo xaalada gobolka awdal baa beryahan shidnaayee halka xaal marayo?

Axmed Silaanyo;

Mudane Madaxwayne waan ku soo salaamayaa, dalkii iyo dadkuba way nabdoonyihiin oo waa khayr, waxaad mooda in arimahu u socdaan sidii loogu talagalay,

Arintii Awdalana waa sidii aan ku sheegay oo Saylic baa ku goolaftamayay markii aanu wadahadal dheer ka bacdi waa kii u ambabaxay awdal ee soo afjaray suldankina waa kii isaga iyo reer awdal qaran dumis ku xukumeen oo arintaasi way degtay, ilayn markii horeba xagayaga buu ka ambabaxay ee taa waxaa igaga daran yarkan Xildhibaanka ah ee ina shiikh cali Ayaanle yaa ka dhex hadlayaa, ilayn mujaahidka Xirsi bay isku fiicnaayeen tolow xaggee bay sartu ka qudhuntay anigu yaabayee.

Daahir Riyaale;

Berigii aad mucaaridka ahayd ee Dawldii aan hogaaminayay ee NAASA BADAN waadigii o dhan jiray marka uu dhoofayo waddooyinka loo xidhaa ee maxaa dhacay waxaa la yidhi waddadii madaxtooyada hor mari jirtay geebi ahaanteedba waa la xidhay sanqadha gawaadhida baa Madaxtooyadu ka cabatay?

Axmed Silaanyo:

Adeer ninkan INA WARANCADE ee leh bilicda iyo quruxda magaalooyinka ayaan hagaajinayaa ayaa dadka igu kicinay oo kolba waddo xidhay oo aanaan ilaa iminka garanaynin cida uu u u shaqeeyo, bal maxaa iska galay waddooyin la xidho iyo bilicda magaalada.

Daahir Riyaale:

Qudbadii Sanadka cusub ee aad jeedisay dadwaynuhuu aad iyo aad bay u saluugeen weedhaha aad isticmaalaysay waxay ahaayen hadalda suuqa laga isticmaalo oo aan ku haboonaynin Madaxwayne iyo jawaabta suldaan wabar naa waxaa haboonayd inaad arinta awdal guud ahaan uga hadashid si guud.

Axmed Silaanyo;

Adeer mid yar oo magaciisa ma qabtee DHUXUL IYO MADOOBE ( Afhayeenka madaxtooyada ) ayaa soo qoray, aniga waad i taqaanay oo waanig ku qarxin jiray ee aan ceebina iga raaci jirin dalkan khibrad uun baan ku wadaayee haddii aan heli lahaa 5 ka mid ah 10 kii wasiir ee DIE HARD ka ahaa ee dawladaadi NAASA BADAN waddanku cirkaa buu mari lahaa ee RAKAAB XUMA AYAA DAWLADAYDU LA DEGAYSAA.

Daahir Riyaale;

Qolooyinkii Wasiirada ahaa iyo Mujaahidkiiba hogaankaad u gooysay ee damacu hayay,damacoodina ceel dheer baad ku riday BOQORKUNA ( Buur Madaw )

aad buu kugu canaantay arintaas ee bal ka waran?

Axmed Silaanyo;

Adeer arintaasi Wasiirada iyo mujaahidka dhawr goor baad i waydiisay markaa waxaan ku leeyahay siyaasadeeda bay leedahay waan laga gaadhay ujeedadii laga lahaa dhawaan baan aydun arki doontaan midhaheeda, Boqorku waa lambar 5 adag oo aan la marin si fiican buuna noola shaqaynayaa mar mar buu meel kale ka far kudinayaa mooyane.

Daahir Riyaale;

Mudane Madaxwayne Siyaasadeed bay leedahay ma Mujaahidka uun baa xaskii uu dabada la galay lagaga saarayay, oo waxaad leedahay dhawaan mujaahidka butahiisu waa debada.

Axmed Silaanyo;

Adeer LIXDAN BAAN JIRAY EE INDHAHA YAANA LAYDHI KAA MARIN, ma oga inamadan yar yar inaan KACAANKII BARAKAYSANAA LA SOO SHAQEEYAY MACALINKINA LA SOO QAAD QAATAY iyo qaar kale oo badan wayna igu lugayaan ee yaa runta u sheega inaan dushayd la isu qabqabsanin ee ujeedo kale laga leeyahay.

Daahir Riyaale:

Waxaa la hadal hayaa inaad isku shaandhayn samaynaysid oo wasiro culusi ku jiraan oo Xirsi ugu horeeyo ay la kacayso ee bal arintaa ka waran?

Axmed Silaanyo;

Adeer waxaan ka hor degayaa qolooyin Wasiiro ah oo xagga Waddani u jaleecaya oo doonay inay iscasilaan marka doorashadu soo dhawaato, rag baa maanta anigii ii dhoob dhoobay tii anu samaynay wakhtigaagi NAAS BADAN, markaa waxaan rabaa inaan kuwa meelahaas ka yidhaahda markay soo dhawaato baanu u goynaynaa inaan kaga horeeyo ee wax kale oo looga jeeda majiro madaxwaynana isku shaandhayn ma sameeyo iyada oo doorasho soo dhawdahay haddii ay doorashadu qabsoontoba.

Mujaahid Xirsi kuma jiro oo isagu hawl wayn buu hayaa oo intii Somaliland aniga igu mashquuli lahayd xirsi bay ku mashquulsanyahin oo aniga ima haleeyaan, haddi aan xirsi ka takhaluso sow forantu igu badanmayso.

Daahir Riyaale:

waxaa beryan danbe soo kordhaya socdaalada Jabuuti ee Macaarid iyo Muxaafidkuba kula kulmayaan Ismaaciil C. Geele ee ma wadahadaldii baa jabuuti loo soo rarayaa mise Muddo kordhintii Xukumada Isu boga baa halkaas ka hilaacday?

Axmed Silaanyo;

Jabuuti waa dal aynu jaarnahay xidhiidh qoto dheerina wuu inaga dhexeeyaa wana dal aynu walaalo nahay ku darsoo labada Madaxtooyana hoosta bay isaga daloolan, markaa haddii wadahadalada Somali iyo Somaliland jabuti loo soo raro waa waxaaga wax lagugu dar, ta muddo kordhintan NO COMMENT.

Daahir Riyaale;

Ururkii suxfiyinta ee soja laba garab uu kala jabay,ururkii dhalinyaradana laba gudoomiye buu leeyahay, barlamaanka maalintii dhawayto wuxuu ku sigtay inuu laba gudoomiye yeesho arimahaas iyo qara kale oo badanba Xukumada Isu boga ayaa wax laga saarayay ee ilaahay inaguma keeno ee ma laga yaaba inuu dalkani yeesho laba Xukumadood iyo laba madaxwayne intaad xilka hayso.

Axmed Silaanyo:

Adeer dalkan aniga Madaxwayne ka ah oo la doortay taladiisan iyo hogaankisana anigaa la ii daba fadhisanayaa ee ciddii wax kale la timaadana waxay is heli doonaan cidamada, RRU, SDU, BIRMADKA QARANKA, ILAALADA GAARKA AH EE MADAXTOOYADA, IS XABAAL [ WAA CIDAN SHIDAALKA } IYO QAR KALE OO BADAN OO AANU DABADAA SAMAYNAY.

Daahir Riyaale;

Mudane Madaxwayne bal ila dhegayso heestii maanta

Cakuiye barashada mid baa cudur ee, midba cod cod caano iyo nabadee, cishadaan ku arkay baan canaantaayee

ee waan cil kaambiyaa codkaygiyee codkaygiyee.

LA SOCO QAYBAH KALE EE XIDHIIDHKAN LABADA MADXWAYNE DHEX MARAY.

ALLA MAHAD LEH NINKII AAMINA AWOOD LEH

Faisal Farafidiye

waddaniga dhabta ah

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here