HALKAN KA AKHRI:Siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga Oo Ka Hadlay Xaalada Ka taagan Gobolka Awdal

0
41

Hargeysa (Hubaal) Siyaasiyiinta madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalku marayo,waxaana ay ka hadleen hadaladii dhawaan kasoo yeedhay suldaan ka tirsan salaadiinta gobolka Awdal iyo maayirkii hore ee magaaladda Boorama,kuwaas oo ay sheegeen inay yihiin qaar ku kooban fikirka labadaas shakhsi islamarkaana aanay ku matali Karin dadweynaha reer Awdal.

Shirjaraa’id oo ay xafiiskooda ku qabteen maanta oo ay kasoo saareen warsaxaafadeed arrintan ay kaga hadlayeen ayaa u dhignaa sidan:

Madasha Wada Tashiga Iyo Toosinta Qaranka waxay ka xuntahay xiisada cusub ee ka iloosantay Gobalka Awadal waxaanay Madashu ku baaqasaa in xaalada la dajiyo dowlad iyo shicibba.

 

Xilka weyne se waxa uu saaranyahay Dowladda waayo iyada ayey waajib ku tahay in ay dadka iyo dalkaba isku wado si miyir, caqli iyo miisaanba ku jiro.

 

Waxa Odayaal ka soo jeedaa Gobalka Awdal Madasha u sheegeen in hadaladii ka soo baxay Suldaan ka tirsan Gobalkaa iyo nin kale oo Maayar ka ahaan jirey Magaalada Boorma ay ahaayeen kuwo ku kooban fikradda labadaa shakhsi oo keliya oo aanay ku matali karin dadweynaha reer Awadal ama Boorama midna.

Fikrad ku kooban nin ama laba ama seddex ama seddex kun, Somaliland waxba ma yeeli karto. Hore ayey u dacday; Somalilandna weli wey jirtaa waanay jiri doontaa Ilaahay Fadligii.

 

Ayadoo Odayaashu iskood ku tashaday kuna howl jira in ay Suldaankaa usoo caqli celiyaan ayey Xukuumadu ku talaabsatay ficilo qalafsan oo ay ka mid ahaayeen in ay Ciidamo dul toobto deegaamo ka tirasan Gobalka Awadal.

madasha-wadatashiga1

Waxaad moodaa in markasta oo ay dacado xaalad yar oo Xukuumadu aaney jecleysan ku dhaqaaqo talaabooyin dabka sii owga. Sida adeegsiga Ciidamada ama tabooyin siyaasi ah oo arrinka cakira. Hore ayey Xukuumadu taa u sameesay waxna kama faa’idin.

 

Hadaba, haddii aanu nahay Madasha, waxaanu ku talinaynaa sida hoos ku qoran:

 

In Dowlad iyo dadweyneba xaaladda la dejiyo.

 

In ay Dowladdu hormood arrintaas ka ahaato oo Ciidamadana ku soo celiso saldhigyadoodii.

 

In Odayaash reer Awadal loo daayo xalinta arrintan ka taagan Gobalka.

 

Waxa aanu ku kalsoonahay in odayaasha reer Awadal guul ka soo hoon doonaan arrinta. Haddii, laa samaxa Laah, taasi dhici weydo, shaqadaa waxa leh Guurtida Qaranka. Waa waxa aynu Guurtidaba u sameesanay.

 

Wa billaahi tawfiiq.

 

Xasan Guure Jamac:  Gudoomiyaha Madasha

 

 

Axmed Ibraahim Xaaji Xasan: Xoghayaha Guud ee Madasha

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here