HALKAN KA AKHRISO: “ Cabsidii Dadka Qaar ka Qabeen Go’aamadii ka Soo Baxay Shirkii halkan ka dhacay waa la waayay” DAAWO Wasiir Cadami Oo Ka Hadlay Qodobadii Ka Soo Baxay Shirka Beesha Warsangeli

0
24

“Dawladda Somaliland waxay si buuxda u soo dhaweynaysaa go’aamadii ka soo baxay Shirkii Xiin-galoo” Wasiir u dawlaha X. Xoolaha Somaliland

“ Cabsidii dadka qaar ka qabeen go’aamadii ka soo baxay Shirkii halkan ka dhacay waa la waayay waa la waayay”Wasiir Cadami
cadami iyo cabdiXiin-galool(Hubaal)-Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami iyo wefti uu hogaaminayo, ayaa maanta gaadhay Magaalada Xiil-galool ee bariga Gobolka Sanaag, halkaasoo uu muddo dhowr maalmood ah ka war wareegayay inuu tago ,kaddib markii looga digay inuu cagaha soo geliyo Shir Beesha Warsan-geli uga socday oo shalay la soo gabagabeeyay.
Wasiir Cadami iyo weftiga uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay halkaasi, waxaanu noqonayaa Wasiirkii labaad ee Somaliland ka socda oo Deegaamadaas booqda tan iyo markii shirka soo gabagaboobay furmay.
Hore waxa Deegaamadaas socdaal ugu tegay Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Baddaha Cali Jaamac Buureed oo isku dayay inuu saameyn ku yeesho Shirka, hase ahaatee looga dhaartay xataa inuu ka soo qayb galo.
Shirka Warsan-geli waxa laga soo saaray lix qodob oo aan intooda badani wax xidhiidh ah la lahayn arrimaha Siyaasadda ee Gobolka, waxaase ku jiray qodob xaasaasi ah oo meesha lagaga saarayo Gobolka Badhan oo ay Somaliland sanadkii 2005-kii Gobol u magacowday.
Xukuumadda Somaliland ayaa mowqif ahaan ka soo horjeeda daadifeynta Beesha ee Gobolka Badhan. “go’aankaasi waa mid xaasaasi ah, laakiinse dawladda ayay u taalaa waxay ka yeelayso” sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay masuul hore oo Deegaanka u dhashay.
Weftiga Wasiirka Gaashaan-dhiga waxa ka mid ah Wasiir u dawlaha Xannaanada Xoolaha iyo xubno kale, waxaanay bulshada deegaankaas kala kulmeen soo dhaweyn diiran.
Maayirkii hore ee degmada Xiin-galoo Iiman Warsame Cirrowe, oo ka hadlay soo dhaweynta Weftig, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan weftiga “soo dhawaada ayaanu leenahay weftiga ka socda dawladda Somaliland” ayuu yidhi.
Wasiir u dawlaha Xanaanada Xoolaha oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeyay ayaa sheegay inay muddo ka maagayeen inay yimaadaan deegaankan, sababo salka ku haya Shirkii socday awgood.
“annagu muddo ayaan joognay Mandaqada, waxaanu halkan u iman waynay si aanay xaasaasiyad ugu noqon shirkii socday.” “ annagu waxaanu ogayn inuu Shirku si wanaagsan u socdo, markaa waxaanu ka ilaalinaynay siyaasadda, waayo Siyaasi meeshuu tago wax iska dhacda in xaasaasiyadi ka dhalato” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle wasiir u dawlaha Xannaanada xoolaha Somaliland.
Cabdiraxmaan Cabdalle ayaa intaasi ku daray inay Xukuumaddu si rasmiya u soo dhaweynayso go’aamadii ka soo baxay Shirkaas . “ hadii aanu nahay Xukuumadda Somaliland shirkaa go’aamadii ka soo baxay waanu soo dhaweynaynaa”ayuu sii yidhi Wasiir u dawlaha Xannaanada Xooluhu.
Wasiirka Gaashaan-dhiga Axmed Xaaji Cali Cadami oo isna la hadlay Dadweynaha reer Xiin-galool, ayaa ku nuux-nuuxsaday inay xukuumad ahaan derseen natiijadii ka soo baxday Shirka Beesha.
“waanu ka dhegeysanay Iddeecadaha bayaankii ka soo baxay Shirka, waxaanu ahaa mid lagu diirsaday.” Ayuu yidhi. Waxaanu intaas ku daray “bayaankii halkan ka soo baxay oo dadka qaar cabsi ka qabeen waa la waayay wixii laga baqayay” – “ waa la waayay waa la waayay.” ayuu yidhi Cadami.

shirka xiingalool

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here