Shirweynaha oo ayaamahan socday ayaa u jeeddadiisu ahayd in kooxda dibad-wareegga ahi ay doorato madaxweyne, maadaama uu dhamaaday xilligii hore loo doortay madaxweynihii wakhtigiisu dhamaaday ee maxamed Yuusuf indha-sheel.
Madaxweyne-nimada haatan ee Kooxda Hubaysan, ayaa waxa ku tartamayey Madaxweynihii hore ee Indha-sheel iyo Xildhibaan Cali Khaliif oo go’aansaday inuu khaatumadiisa ku qaato ka midho dhalinta Hanka kooxdaas ee ah inay Maamul noqdaan.
Cod qaadistii oo haatan soo gebo gebowday ayaa waxa madaxweynenimo loo doortay Xildhibaan Cali Khaliif oo helay 21-cod, halka uu maxamed Yuusuf Indha-sheel ka helay 9-cod oo kaliya.
Haatan waxa la sheegayaa inuu socdo qorshe kale oo kooxdu ku dooratay madaxweyne-ku-xigeen, iyadoo lagu wado in shirka lasoo gebogebeeyo dhawaan.
Kooxdan ayaa muddo saddex sano ah dagaallo ka wadday deegaanada Bariga gobolka Sool, balse ma dhicin inay Guulo ka keentay hankeeda, waxana ay wali qabaan rajo ah inay kamid noqoto maamullada Somalia laga aqoonsan yahay ee Puntland ka mid tahay.