Xarunta dawladda Hoose ee Berbera o calan duug ahi sudhan yahay, dadkana ku boorisay inay calamo cusub guryahooda sudhaan + Golaha Degaanka Hargeysa oo liiska ganacsi kala noqonaya meheradaha astaanta laga waayo calanka Somaliland
Hargeysa (Jam)- Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa iyo dawladda Hoose ee magaalada Berbera, ayaa digniino adag u diray meheradaha ganacsi, guryaha iyo baabuurta dadweynaha ee laga waayo calanka Somaliland oo ku xardhan, arrintaasoo qayb ka ah xuska maalinta qaranimada ee 18-ka May.
Ku-simaha maayirka Hargeysa, ahna maayir-ku-xigeenka Md. Cabdicasiis Maxamuud Xaashi (Cago-weyne) oo kulan la yeeshay shalay iskaashatooyinka kala duwan ee ka jira caasimadda, ayaa ku baaqay in dhammaan meheradaha ganacsi ee dhinacyada ka xiga waddooyinka waaweyn la sudho, laguna xardho astaanka Jamhuuriyadda Somaliland oo callanku ugu horreeyo, isagoo xusay in meherada astaamahaas laga waayo lagala noqon doono liisanka ganacsi ee ay ku shaqayso.
“Waxaannu idiin sheegaynaa dhamaan ganacsatada suuqyada waawayn ee meheradaha ku soo jeeda leh laamiyada waaweyn inaad sudhaan astaanta Jamuuriyadda Somaliland oo ah calanka laga bilaabo, kuna xidhaan laydh ka turjumaya maalinta qaran ee 18-ka May, meherada aannu ka weyno calanka, waxaannu ka qaadi doonaa liisanka ganacsi, mana ogolaan doono meherada aannu calanka Somaliland sudhnayn, dadka ku nool caasimadana waxaannu ugu baaqaynaa in ay muujiyaan maalinta qaran ee 18-ka May, isku soo bax ballaadhan ka dhigaan caasimadda, iyagoo caalamka tusaya halka ay ka taagan yihiin Mabda’a Somaliland. Guryaha iyo xaafadahana, waxaan u soo jeedin lahaa in ay xaafad waliba qashinka iska hor gurto, calankana ku xidhaan guryahooda,” ayuu yidhi Maayir-ku-xigeenka Hargeysa.
Waxa kale oo uu dadweynaha ugu baaqay inay nabadgelyada ilaashadaan qof waliba halkiisa ku noqdo boolis ammaanka qaabilsan, waxaannu yidhi; “Waxaan shacabka u soo jeedin lahaa inay ilaaliyaan amniga, qofkastaana maalintaas waa askari, waxa uu garan waayan waa inuu la soo xidhiidhaa ciidanka am halka ugu dhaw rug ciidan, qofkasta waxa uu maalintaas yahay ciidan, innagaa ilaashanayna nabadeena, dawladuna way feejigan tahay, shacabkuna waa uu ogyahay, waxaanu leeyahay qof waliba qofka kugu xiga ka war hay, guri walowba ka war hay guriga kugu xiga.”
Dhinaca kale, Dawladda Hoose ee magaalada Berbera, ayaa faafisay in gaxaan culus laga qaadi doono meheradaha, guryaha iyo baabuurta laga waayo calanka Somaliland iyo calaamadaha xuska u ah maalinta qarannimada ee 18-ka May, iyadoo maamulka dawladda Hoose ee Berbera ka gaabiyeen inay dhismaha xaruntooda guddoon ku sharraxaan calanka iyo astaamaha muujinaya xuska 18-ka May.
Sida weriyaha Jamhuuriya ee Gobolka Saaxil ku warramay, cod-baahiyey la saaray baabuur dawladda hoose ee Berbera leedahay, ayaa magaalada ku wareegay, kaasoo dadweynaha ku wargeliyey in la ganaaxi doono meheradda, gaadiidka iyo guryaha laga waayo calanka Somaliland, waxaanna bulshada lagu dhiirigeliyey inay si weyn uga qaybqaataan dabaal-dega maalinta qarannimada ee 18-ka May.
Hasayeeshee, weriyaha Jamhuuriya oo xarunta dawladda Hoose ee Berbera iyo fagaaraha 26-ka June ee lagu qabto xusaska, ayaa sheegay inuu arkay in aan diyaargaraw xooggan ka socon dawladda hoose, isla markaana aan dhismayaasha xarunta u ah lagu xardhin calanka Somaliland iyo astaamaha maalinta qarannimada, isagoo xusay in calanka dalka oo duug ahi ka dul-babanayo xarunta dawladda hoose, taasoo muujinaysa in aanay wax diyaargaraw ah ku jirin, balse dadka loogu hanjabay in la ganaaxi dooni haddii calanka Somaliland laga waayo xarumahooda ganacsi, baabuurtooda iyo guryaha, halka ay ka qurux badnaan lahayn in marka hore dawladda hoose iska bilawdo, astaamaha qarankana ku qurxiso xaruntooda guud, ka hor inta aan dadweynaha loo dirin fariinta digniinta ah.
Waxa kale oo jira inta badan xarumaha dawladda ee magaalada Berbera oo aanay ka muuqaan diyaargarawga xuska maalinta qarannimada ee 18-ka May, kuwaasoo ay ka mid yihiin; Xarunta Cashuuraha Barriga ee Berbera, kastamka guud, Wakaallada Korontada iyo madaarka Berbera, balse, waxa abaabul xooggan laga dareemayaa dekedda Berbera oo wajahada hore ee dhismaheeda ku sharaxday calanka Somaliland iyo astaamaha qarannimada, halka sidoo kale Xarunta Waxbarashadda ee Gobolka Saaxil laga wado diyaargarawga 18-ka May.
Guud ahaanba bulshadda ku dhaqan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland, ayaa si xooggan looga dareemayaa xuska maalinta qarannimada ee 18-ka May oo loo dareeri doono Axadda toddobaadkan, waxaanna xaami ah, aadna u camiran goobaha iyo suuqyada lagu iibiyo calanka Somaliland, sidoo kale waxa aad u shaqeeya dawaarayaasha oo ku mashquulsan inay dhar kala duwan ka tollaan calanka.
Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa 18 May 1991 xoriyadiisa kala soo noqday Soomaaliya, iyadoo Somaliland iyo Soomaaliya si mutadawacnimo ah isku raaceen, kadib markii ay madaxbannaanida ka qaateen dalalka Ingiriiska iyo Talyaaniga sannadkii 1960-kii, balse dhibaatooyin badan, tacadiyo, caddaaddis, dil, xasuuq iyo barakac ayey dadweynaha reer Somaliland kala kulmeen is-raacaas, kuwaasoo sababay in ururkii SNM halgam hubaysan oo qaatay muddo toban sanno ah kadib ku guulaysteen inay dhulka Somaliland ka xoreeyaan taliskii Siyaad Barre.
Hubaal Media News Desk
Hargeysa, Somaliland