Qaybtii 18aad
Tobanka dambe ee Ramadaan
Tobanka u dambeeya Ramadaan, waa habeennada ugu qiimaha badan habeenno uu Alle SWT abuuray, marka tobanka dambe soo gasho, waxa loo dadaallaa si ka sii wanaagsan intii hore oo dhan, Caa’isha Rc waxa ka sugnaaday, “Markuu bilaabmo tobanka dambe Rasuulku dhiisha ayuu guntiga ka xidhi jiray, habeenkana wuu noolayn jiray, ehelkiisana wuu toosin jiray.” Markaa adna waa inaad qorshaha ku darsato in aad xawligaaga kordhiso marka toban kani soo galo. Inta badan dadku marka tobankaa dambe soo galo daal ayey la kulmaan ay labaatankii hore ku soo yar caajiseen, taasana keentay in dardar galin xagga cibadadaa ah la sameeyo, waxana soo korodha cibaadada Tahajudka la yidhaa, salaadda oo firfircooni badan oo dadku u hayaan keenta.
Dadka qaar baa tobankaa dambe meheradahooga ku mashquula oo tobankaa ka dhigta maalmo ganacsi, sidaa darteed waxa aynu leenahay waar laydinma diidana shaqadee tobankaana ka faa’iideeya waa jaanis aydaan hubin inuu mar dambe idin soo mari doono.
Tobankan dambe waa habeenno hurdada la kala tago, Caa’isha Rc waxa ka sugan, “Labaatanka hore Rasuulku marna wuu seexan jiray marna wuu cibaadaysan jiray, laakin tobanka dambe hurdo way kala tagi jireen.” Tobankan waxa la qabtaa oogista salaadda iyo Alle SWT oo dambi dhaaf la wayddiisto isagana la xuso.
Marka laga hadlayo xuska Alle SWT waa waynayn la waynnaynayo, iyo in laga kor yeello xumaan, waxa kale oo xus la yidhaa in Alle SWT loo mahadceliyo
Ilaahay SWT cid caddaalad samaysa isagaa ugu sarreeya, adigoo khasab lagugu leeyahay inaad Alle xusto ayaa haddana lagu leeyahay mar kasta oo aad Alle SWT xusto isna wuu ku xusayaa, Alle SWT wuxu ydih,i “I xusa aan idin xuse,”. … Xuska aad adigu Alle SWT xusaysaa waa adoo dambi dhaaf wayddiisanaya, adoo xumaan ka kor yeellaya iyo adoo u mahad celinaya galladaha uu kugu deeqay dartii.
Sidoo kale xuska uu Alle SWT adiga ku xusayaana waa inuu dambi dhaaf ku siiyo. Xilliga aad Alle SWT xusaysaa ma laha xilli sooc ah, se mar walba waad xusaysaa Alle SWT waxa ka sugan, “Kuwa in badan Alle xusa, iyagoo taagan, fadhiya ama jiifa.” Adoo iska jiifa ayaad Allaha xusaysa, adoo suuqa iska dhex maraaya, adoo shaqadaada ku jira.
Mar kasta oo carrabkaagu barto xuska Alle waa mar walba oo naftaadu xasilayso, dareemayso na deganaan, Alle SWT waxa u yidhi, “Ragga iyo dumarka Alle xusa, wuxu u diyaariyey dambi dhaaf iyo janno.”
Qaybtii 19aad
Fadliga ducada
Duco waa baryo ama tuugis Alle uu baryayo addoonkiisu, cidda kaliya ee la baryi karaa waa Alle SWT, sokadii cidna lama baryi karo. Alle SWT xadiis-qudsi wuxu ku yidhi, “Anigu waxa aan ugu deeqsanahay cidda wax layla wadaajiyo, waan uga tagaa anuu.” Baryadu Alle SWT xaqa u lahaa haddaad cid kale la doonato adiga unbaa wax is yeellay. Ducadu is dhul dhigid aad Alle SWT isku basaasinayso, una muujinayso inaad gargaarkiisa u baahan tahay, la’aantiina aanad waxba helayn.
Cibaadadu waa inaad muujiso inaad tahay addoon baari ah, adigoo la imanaya wax kasta oo Alle ku faray inaad samayso, kana joogsanaya wixi lagaa reebay inaad fasho, markaasad tahay addoon dhab ah, oo baryaya Allihii, baryaduna waa cibaado, Rasuulku CSW wuxu yidhi, “Ducadu waa cibaado.” Mar kasta oo aad Alle SWT barido isna agtaada ayuu joogaaye wuu ku jawaabi sidu Alle SWT sheegay, “I barya aan idinka aqbale.” Soomaalidu waxa ay tidhaa, “Baryo badan iyo bukaan badan waa laysku naca,” halka Alle SWT uu ka leeyahay “I baryaa aan idinka aqbale.” Alle SWT mar kasta oo aad gacmaha hoos dhigato wuu kugu farxayaa waxaad wayddiisatana wuu ku samaynnayaa.
Mar haddii aynu nidhi baryadu waa cibaado bal ka warrama kuwa iskala deeqtoonada inay Alle baryaan amase wax dan ah aan ka galin inay Allahood baryaan, Alle SWT wuxu yidhi, “Kuwa iska waynneeya baryadayda, waxay galayaan jahannama iyagoo dulaysan.” ogow in uu yahay ka ka maaga inu Alle SWT baryaa mid ka quustay, Alle SWT sidu sheegay ba, “Addoomahayga u sheeg, oo ku dheh haka quusanina naxariista Alle,” taaso muujinaysa damiir iyo imaan xumo qofka ka quusanayaa ma wuxu moodayaa inuu Alle ka dheer yahay, “Haddii ay ii kaa wayddiiyaan addoomahaygu u sheeg inaan u dhawahay, ka i baryayaa marku i baryayo, hay addeecaan oo hay rumeeyaan si ay u hanuunaan.” Alle SWT ayaa sidaa leh, adna waad iska quusanaysaa micno daro, subxanallah.
Qaybtii 20aad
Xilliyadee ayaa ugu dhow in ducada la aqbalo?
- Qofka soomanni marka uu afurayo
- Marka aad sujuudsan tahay
- Fadhiga dambe ee salaadda ‘taxyaadka’
- Eedaanka iyo aqiimka dhexdooda
- Habeenka xilligiisa dambe
- Maalinta jimcaha salaadda Casar ka dib (sida culimo badan ku tagsan yihiin).
Waxa jira caqabado diida in la aqbalo ducadaada sidaa Rasuulka CSW ka sugan, “Hagaaji cuntadaada, ducadaada waa la aqbaliye.” Xaaran cunistu waxa ay ka mid tahay arrimaha is hortaaga in la aqbalo baryadaada. Nin baa jiray Alle baryey isagoo la yimid saddex arrimood oo ducadiisa in lagu aqbali lahaa; Safar buu ahaa, Allena magacyadiisa ayuu ku baryayey, gacmahana kor buu u taagayey.
Saddexdaa arrimood ba waxay sababayeen in baryadiisa la aqbalo, hase ahaatee waxa is hortaagay habdhaqankiisi nololeed, Rasuulkaana tilmaamay isaga oo leh, “Wuxuu quudanayey xaraan, hugiisuna xaaraan buu ahaa, wuxu ku soo barbaarayna waa xaraan e’ sidee looga aqbalaya baryadiisa?.” Xadiiskaa su’aal baa ku jirta inaga garaadkeena lagu wayddiinayo ninka sidaa ah sida looga aqbalayo. Haddaa saddex arrin oo sababi lahaa in degdeg loogu aqbalo baryadiisa waxa ka hor istaagay inuu xaaran quute ahaa, markaa haddaad baryadada falcelinteeda waydo bal naftaada uun ku noqo.
Inta badan Rasuulku waxa uu ku ducaysan jiray sida Caa’isha sheegayso, “Allahayow waad samaxaad badan tahay cidda wax saamaxdana waad jeceshay ee na saamax.” Waa baryo Rasuulku CSW ku ducaysan jiray, khaas ahaan tobanka dambe habeennada kala dhiman, sida 21, 23, 25, 27, 29, se waxa ay tahay in habbeen kasta iyo mar kasta ku ducaysato, ducaduna mar walba waa mid furan.
Qaybtii 21aad
Fadliga masaajidka
Marka la qeexayo erayga masjid waxa lagu qeexa sujuud, oo ah goobta lagu sujuudayo, waxana eraygaa looga soo dheegta inay tahay goobta qofku ugu dhaw yahay Alle SWT, siduu Rasuulku CSW inoo sheegay, “Marka uu addoonku Allihii ugu dhaw yahay waa marka uu dhulka foodda ku hayo.”
Masaajidku waa hoyga cibaadada, waa dhiska ugu xasiloon dunida ee qof ku nagaado, sida Rasuulka CSW ka sugan, “Goobta Alle ugu jecel yahay waa masaajidda, halka uu ugu neceb yahayna waa suuqyada.” Maaha goob qofku kohdo oo uu idhaa meeshan waanu ku sii soconnaa uune maanay naga dhammaanayn, hase ahaate mar walba oo u galo wuxu ku dareemaa degenaan, taaso u keenta inu ku soo noqnoqdo.
Masaajidku waa goob cibaado oo lagu amray inaad xilli kasta oo salaadda la oogayo aad tagto taasood ku ammaanan tahay sida uu Rasuulku ba sheegayey, “Kuwa u socda masaajidka gudcurka, kuwaasi waa kuwa hela naxariista Alle.”
Maalinta qiyaame waxa la soo dhaweeya cadceedda oo qof kasta madaxiisa lagu soo beega, kulkedana Alle unbaa garan kara. Waxa jira dad maalintaa hadh ka hela cadceeddaa la soo dhaweyey, kuwaaso leh tilmaamo ay kaga soocan yihiin dadka intooda kale, dadka tilmaamaha laga helay waxa ka mid ah sida xadiisku sheegayo, “Qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka,” haa xilli walba masaajidka laga helo, la yaqaan marka la gaadho xilli salaadeed halka uu joogo iyo masaajidka u ku xidhan yahay.
Sidoo kale Rasuulku CSW wuxu yidhi isagoo u bushaaraynaya dadka gudcurka u guureeya masaajidda inay maalinta qiyaame iyagu iftiin helayaan, “Haku busharaystaan kuwa habeenka gudcurka ah u guureeya masaajiddu inay maalinta qiyaame iftiin helayaan.”
Haddaad aragto qof mar walba qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka ogow inu yahay qof horreeya, waxa aad maqashaa qofkaasi waa nin horeya, se ninka qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka u qir nin hore inu yahay oo iimaan leh, sida Rasuulku CSW sheegay, “Haddaad qof afartan salaadood masaajidka ku aragto u qiir imaan.” Sidoo kale mid aakhiro rumaysanna weeye, “Waxa camira masaajidda Alle kuwa Alle rumeyey iyo maalinta qiyaame.”
Qaybtii 22aad
Fadliga masaajidka (2)
Waxa laga warramaa maalinta qiyaame ee bacadka la taagan yahay sidoo kale cadceedda la soo dhaweeyo illaa qof kastaa uu is moodo in foodda ay u taagan tahay inuu jiro mid aan cadceeddaa iyo kulaylkaa laga cabanaya aan dareemin ba, haa todobada maalintaa loo hadheyey waxa ka mid ah qof qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidka, markaa waa ku adi.
Ganacsigu shaqo la qabto waa ta ugu mashquulka iyo halleelka badan, xilli gooni ahna aan lahayn se shaqo furan xilli walba ah, taaso qofka inuu Alle SWT u cibaadaysto xilliyada cibaadada inta badan ka mashqulisa, oo uu is arko uun iyadoo salaaddii ba laga soo baxay, se waxa jira qaar iyagu masaajiddana camira salaadahana ka adkaada, eeg aayadda Alle leeyahay, “Guryo lagu xuso magaca Alle gelin hore iyo gelin dambe ba, rag aanay ganacsigoogu iyo iibkoogu ka mashqulin xuska Alle.”
Xoogaaga adduun ee lagu siiyey waa mid lagugu eegayo sida aad ku samayso, maalinta qiyaame na waxa lagu warsan doonaa xoolaha halkaad ka keentay iyo halkaad ku bixisay. Wax kastood hor mariso oo xoolahaaga ahna iyadoo ka khayr badan baad heli siduu Rasuulku CSW sheegay, “Qofka Ilaahay u dhisa masjid, Allena guri buu uga dhisa jannada.” Eeg abaalka degdega ah ee ku soo noqday durba. Adiga un baa wax is taraya hubaashi.
Xilligii Rasuulka CSW, iyo xilliyadii Saxaabada, Taabiciinta iyo intii ka dambaysay ba Masaajidku wuxu ahaa goob shaqooyin badan qabta, wuxu ahaa xarunta looga taliyo ummadda Muslimiinta, ee ay ku oogaan salaadahooga, sidoo kale wuxu ahaa xafiiskii Rasuulku CSW fadhisan jiray ee uu wax ku maamuli jiray, sidoo kale wuxu ahaa goob aqoon korodhsi oo wax lagu baran jiray oo Rasuulka CSW wax lagaga baran jiray.
Masaajidku wuxu ahaa jaamacad shacbi ah, oo albaabkeedu furan yahay gu’ iyo jilaal, lana kala aqoon dayr iyo xagaa, la kala saarin rag iy dumar, la kala soocin da’ wayn iyo da’ dhexe, lagu barto diinta, lagu ogaado aqoonta dheefta, lagu dhiso akhlaaqda iyo dad la dhaqanka, naftana lagu edbiyo, sidoo kale lagu soo saaro kii hoggaamin lahaa ummadda.
Wuxuna masaajidku ahaa hoygii jaamacadaha, waayo inta jaamacadood ee hirgashay qaarkoodna illaa maanta shaqeeyaan waa kuwii asaaskoodu ahaa masaajidka sida As-harta Masar, jaamacadda Saytuuniya ee dalka Tuunis.
Maanta in lagu soo koobo uun salaadaha may ahayn, dhaqankii wanaagsana ee laga dhaxlay Rasuulka CSW iyo intii raacday habdhaqankiisi, hase ahaate markii maskaxada layska soo guumaystay ee layska soo itaal roonaaday ayaa sidaa laynoogu soo arrimiyey.
La Soco Qaybaha Dambe…………………………