Axmed Sheekh Jaamac: Halyey baa Ifka ka tagay
Waa run oo ifka waa laga wada tagayaa. Alle ayaa xaggiisa loo wada laabanayaa. Hayeeshee Axmed iyo intii la mid ah geeridoodu waa tu culus oo naxdin gaar ah leh. Dadka na isugu mid
ma aha ee qofkii yaqaannay bay sidaas ku sii tahay. Axmed Sheedkh Jaamac Yuusuf, Alle ha naxariisto; tan iyo toddobaannadii qarnigii labaatanaad baanu isnaqaannay oo jid iyo jidiin ba wadaagnay. Sidaas darteed is-aqoon oo keli ah ma ahayn ee saaxiibtinnimo dhow baanu lahayn. Hawlo la wada galo, shirar iyo doodo iyo goobo lagu madadaasho inta ba waanu soo wadaagnay. Qofka, marka aad wax badan, intaas wada yeelataan, raad buu naftaada ku reebaa. Haddii uu kaa maqan yahayna waad tawdaa; haddii uu kaa geeri horreeyana xanuun bay kugu reebtaa. Kuwa se iiga sii dhawaa, ubad, oori iyo ehelo kale ba, intii uu ka tagay baa ayana jooga. Dadka Soomaalida na kaalin weyn buu ugu jiray. Giddigeen ba samir Eebe ayaa inagu waajibay.
Malaha marka la soo qaado hadda magaca Axmed Sheekh jaamac, waxa madaxa ku soo dhacaya maansoyahan buu ahaa. Waa run oo wuu ahaa; ka se badan buu ahaa. Waxaa uu ahaa aqoonyahan si ballaadhan u dabagalay aqoonta cilmiga, fikirka falsafada, iyo taariikhda aadanaha. Isla markaas waxa uu ahaa nin aqoonta dhaqanka iyo hiddaha, iyo afka Soomaaliga ku xeeldheer. Way yar tahay tirada aad Soomaali dhexdeeda maanta ka soo qaban karto ee labadaas kulansatay. Aqoontiisa labadaas- ta adduunka iyo ta Soomaaliyeed ba- waxaad ugu tegeysaa buugga sheeko maanseedda Cadlidoonaha Daal Allaa Baday.
Waxa uu ahaa maansoyahan kaalin horaad ah kaga jira maansada Soomaaliyeed ee xilligan. Da’aad iyo halabuurnimo ba waxa uu ku la fac ahaa Hadraawi, Cabdi Aadan (Qays) oo maanta nool iyo Cabdilqaadir Xirsi(Yamyam), Ibraahim Sheekh Saleebaan(Gadhle), Maxamed Xaashi Dhamac(Gaarriye) iyo Cabdillaahi Macallin Axmed(Dhoodaan) oo hortii adduunka ka tegay. Raggaas badi sunsumay ayuu suugaan iyo adduun arag ba ku la fac ahaa. Isku hiraal iyo qiyam bay sugaantoodu ahayd. Hayeeshee da’dii ka weyned ee ay ka mid ahaayeen Cabdillaahi Suldaan(timo Cadde) iyo Axmed Diiriye(Qaasin), oo kale, ayagana sifaaleyaale gaar ah buu la wadaagay. Waxa aan ka wadaa soojireenkii hiddaha gabayga ayuu ku dhegganaa. Casriyeynta qaabka maansada Soomaaliyeed ee adeejisay badaha jiiftaada, dhaantada, baarcaddaha iyo kuwo kale oo badani, ma ay soo jiidanin asaga. Tii raggii hore lagu ogaa buu ku adkaystay; baddiisuna ta gabayga ayey ahayd. Ma aha taas oo keli ah, ee weliba tixdiisa gabayga ah, sidii raggii hore, ayuu ku luuqayn jiray. Dhoodaan baa, malaha, taas kala mid ahaa. Maalin baan arrintan la soo qaaday, si baannu ugu kala aragti noqonnay. Aniga aragtidaydu waxa ay ahayd in curinta tixda nudda gaabani ka adag tahay ta nudda dheer, sida gabayga. Soo-noqnodka xarafraaca ayaan sidaas ugu maleeyey. Asagau sida kale ayuu u arkayey oo waxa uu ii sheegay in uu waqti aad u kooban ku samayn karo tixo aad u dhaadheer oo jiifto iyo kuwa la midka ahba ah. Mar haddii aanan ahayn curiye maanseed, xujo aan tayda ku sii difaaco ma haynin oo lama sii doodi karaynin.
Waxaa uu ahaa macallin ka soo hawlgalay meelo badan. Waxa uu ka soo kororsaday aqoonta dadka Soomaalida. Waxay ka mid tahay meesha ay ka soo jeeddo abwaannimadiisu. Macnaha ereyga abwaan asaga oo kale ayaa runtii mutaystay.
Marka aynyu u nimaadno asaga, gaar ahaantiisa qof ahaaneed, waxa uu ahaa nin cid walba u dhow u na dhinac debecsan; qof aan cidna iska weyneynin buu ahaa; bal tiisa ma sheegan jirin. Waxa uu ahaa nin aad u furfuran oo si fudud saaxiibnimada dadka kale u kasbada. Dadka qaar baa kaftama, hayeeshee kaftankoodu dadka mudaa. Ma ahayn asagu kaas. Kiisu qofka wuu u soo jiidayey oo xidhiidhkooda ayuu sii xoojinayey. Gabayga in badan buu saaxiibbada ku la kaftamay; raggii ay gabayga ku kaftami jireen, waxaan hadda xusuustaa, Alle labadooda ba ha u naxariisto ee kornayl Afgaab. Gabayo badan oo uu gabyaaga saaxiibbadiis ahaa kula kaftamay baa jiray. Waa gabayo qurux suugaaneed ku dhammayd; mase garanayo maanta in la helayo iyo in kale. Kaftankana fartiisa goonida ah buu ka lahaa.
Qiiradii wadaninnimo iyo jacaylka horumarka dalka iyo waayohii lixdanaadkii la soo maray dad aad u badan bay u jiideen teegaarada taliskii Afgembiga ku yimid ee Maxamed Siyaad Barre. Dadkaas ayuu Axmed ka mid ahaa. Maanso se Siyaad Barre ugu ma deeqin oo loo ma tiriyo suugaan Siyaad Barre ammaanaysa. Waxa uu ka doortay in uu galo waxqabad, sidaas ayuu kaga qayb galay hawlihii “kacaanka”. Dad badan oo aan anigu ba ka mid ahaa buu taas la qabay. Qof ba se maalin uun buu faraska “kacaanka” ka degay; inta badan se si fudud loo ma ogaan jirin. Ammuuraha qaarkood labdii afkoodu isu ammaan yahay oo qudh ah ayaa isaga warrami jiray. Ku ma uu raagin Axmed qiiradii hore. Saaxiibadiisa dhow baa taas ogaa.
Maansadiisa siyaasadeed ee waagaasi uma aabboyeelin waxa talisku jecel yahy ee tiisu meesha ay la marto ayuu ka bogan jiray. Tixdiisa Afgaanistaan waxay soo baxday ka dib intii ay taliskii Siyaad Barre isa seegeen Midowgii Soofiyeti ee uu Maraykan uga guuray. Axmed se tiisa ayuu marsadday, in kasta oo aan lagu jecalaysanin. Dirita gabagayna gobannimadeeda ayuu lahaa. Dabayaaqadii toddobaatannadii qarnigii labaatanaad ayuu Muuse Cali Faruur gabay, si kulul, ugu weeraray hawlwadeennadii xisbiga ee Hargeysa. Markii gabaygaasi ugu yimid Muqdisho ayuu, Alle ha u naxariistee, Axmed Sheekh Jaamac, gabay weerar celin ah ugu jawaabay Muuse. Hayeeshee tu aanu Axmed jeclayn baa dhacday oo Muuse ayaa la xidhay. Ka dib markii la soo daayey, Muuse wuxuu yimid Muqdisho. Markii la isu yimid ba si weyn buu Axmed Muuse u soo dhaweeyey Muuse. Waxay noqdeen laba saaxiibtinimo fog leh.
Gabayaa ahaan, Axmed Sheekh Jaamac, Alle ha u naxariistee waxa uu ahaa nin sirta ereyga hantiyey oo laylyey. Ereyga iyo hummaaga maanseedba, ka ku dareen kiciya ee bilicda luqada ku dhadhansiiyo ayuu heli ogaa. Doorashada ereyga culus ee mugga leh iyo fikradda falsafiga ah iyo murtida maguuraanka ah ayaa astaan u ah maansadiisa. Sifaalayaasha tixdiisa waxa ka mid ah sida uu isugu dhafo murtida iyo muusiqa maanseed ee dhismaha tixda. Waxaynu taas ka deyi karnaa tixaha ku jira Cadli Doonaha Daal Allaa Baday. Bal tusaale ka soo qaado tixda 43aad ee Ceel nin galay baa laga waraystaa. Labada erey ee “wuxu yidhi” sida ay ugu taxan yihiin beyd kasta, waxa ka dhalanaya muusiq gaar ah oo si gaar ah ugu soohan murtida tixda. Tixda 42aad(Sabo Qabow) ee ka horraysa, isdiiddada runta qadhaadh iyo been-adeegsiga sawaxanka badan leh iyo labada erey ee waa iyoweeyaankelidood waxa ay samaynayaan muusiq gaar ah oo tixda ku dhafan. Xaaladdan oo kale, buunbuunadiisu waa mid kaa qoslinaysa. Isla tixdaas oo uu shuuciyada ku kajamayo, waxaa ku jira beydadkan: “Sidka uurlayd’oo idilna waa la’ysku simayaaye. Riyahana waxaa loo samayn saayid laba naase”. Riyo beenaadda xukun kelitalis ahi dadka qasabka ku liqsiiyo bay suuraddani ina tusaysaa. Waa been qadhaadh, qosol baynu se ku liqaynaa.
Sheekada Cadli Doonaha Daal Allaa Baday, Waxay muujisay hibada Sheeko curinta ee Alle ha u naxariistee, Axmed Sheekh Jaamac. Waxay ka muuqataa geeddigelinta sheekada ka bilaabantay dameerka toogadiisa iyo ta xoolaha u ordaya ee hadba hay’ad hunguraynaya ee meel kasta hungada kala tagaya iyo sida ay sheekadu ugu guurayso halgan guud oo ay xooluhu u dhan yihiin. Qaybta labaad ba waa laga tagayaa keli-orodkii dameerka oo dood kulul baa xoolaha ka dhex oogmaysa. Waxay kale oo ka muuqataa dhuumashada curiyaha aanad sheekada toos uga dhex arkaynin. Waxa aynu daawanayn filim ama masraxiyad cajiib ah; curiyeheeduna marna isma keen tusayo. Qaayo dhismaha faneed na taas ayuu ku jiraa. Uga ma jeedo taas in aanu Axmed, Alle ha u naxariistee, in soo hirdhigin si-arag iyo mowqif. Wuu ina soo hordhigayaa; yeeshee falcinteenna ayey taasi ku tallaalan tahay. Marka aad akhrido ama dhegaysato sheeko maanseedda, saamaynta ay kugu reebto uun eeg. Taas ayaa ku tusi aragtida iyo mowqifka curiyaha. Waa sida lagu garto halabuurka qaayoha sare leh.
Weedho kooban oo gunaanad ahi waxay yihiin: Axmed sheekh Jaamac, Eebbe ha u naxariisto ee nin jacayl leh buu ahaa, jacayl buu u noolaa, khayrka aadanaha ayuu jeclaa. Halyey baa ifka ka tagay. Alle naxariis iyo janno ayaan uga baryayaa, dadkiisa iyo giddigeen na samir eebbe.
13/07/2014
Rashiid Sheekh Cabdillaahi “Gadhweyne”
HALKAN Ku Dhufo Degelka WEEDHSAN Oo Qormadan Baahiyey