Cilmibaadhis dhinaca bulshada ah oo lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa daahfurtay in sababta ku kallifta da’yartu inay qaataan go’aamo is-miidaamin ah iyo tallaabooyin dhib badani marka dambe ka dhalato aanay ahayn aragti xumo iyo qorshe la’aan balse ay tahay xiise ay u qabaan inay ku kacaan wax dadka xiiso gelinaya iyo wax aan caadi ahayn oo soo jeedinaya dareenka cidda ku xeeran, si ay ugu muuqdaan halyeey ama dad karti dheer qayrkood.