HALKAN KA AKHRISO: Waddada Carro-Baydhe Ee Bariga Caasimadda Hargeysa Oo Biriij Cusub Loo Binaynayo+Meeyor Cabdiraxmaan-Soltelco Oo Dhagax Dhigay
Hargeysa (Hubaal)-Maayirka Caasimada Hargeysa Mudane Md:Cabdiraxmaan Caydiid Soltelco, ayaa dhagax dhigay Biriij cusub oo ay yeelan doonto Wadada Carro-baydhe ee bariga magaaladda Hargeysa.
Maayirka waxa dhagax dhigiisa ku wehelinayey xoghayaha Dawladda Hoose ee Hargeysa, xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka iyo cuqaal ka soo jeedda bariga Hargeysa.
Jidkan ayaa isku xidhi doonna Tuuladda Diinqal iyo Beder wanaag, waxaana munaasibadda dhagax dhigga ka soo qaybgalay Maayarka Caasimada Hargeysa Cabdirxmaan Soltelko, Xoghayaha Dawlada Hoose Mr.Mowliid Waris Cabdilaahi, gudoomiyaha Gudida Dhulka ee dawlada hoose Xildhibaan Maxamed Warsame Caalin (Timacade) iyo Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Degmada Sabawanaag Mr.Cali Hugur Galab iyo sidoo kale Madaxdhaqameed tiro badan oo ay ka mid ahaayeen Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre ,Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey , Ugaas Xuseen Geele Abokor, Caaqil Axmed ,Ganacsade Xaaji C/fataax Xuseen Gamaameeye
Dadweynaha Deegaanka Carro-baydhay ayaa siweyn usoo dhaweeyey biriijkan cusub oo ay baahiweyn uqabeen hirgalintiisa iyagoo isla markaana xiliyada roobabka kala kulmi jiray wadada dhib aad u badan gaadiidka isticmaalaa.
Sidoo kale masuuliyiintii kasoo qayb-gashay dhagax dhiga biriishkan cusub ayaa dhamaantood iska daba maray muhiimada hirgalintiisu ummadda u leedahay iyo siday uga go’antay dhamaystirkiisuba.
Dadweynaha ku dhaqan deegaankaasi ayaa si balaadhan usoo dhoweeyey dhagax dhiga biriijkan loogu dhisayo deegaankooga kaasi oo baahi weyn u qabaan.