Wasiir Maxamuud Xaashi, Taliyeyaasha Sirdoonka iyo Laanta Socdaalka ee Somaliland oo London kaga qaybgalay shir 30 dawladood lagu martiqaaday
London (Hubaal)- Wasiirka Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa sharraxaad ka bixiyey shir dhinaca ammaanka iyo duullimaadyada maddaniga ah khuseeya oo ka dhacay magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Wasiirku waxa uu sheegay in wefti ay xubno ka yihiin Taliyaha Laanta Socdaalka Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Yuusuf (Ina Cambaro), Taliyaha Sirdoonka iyo sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka qaybgaleen shir ka dhacay London, isagoo xusay in shirkaasi yahay mid muhiim ah oo dawladda Somaliland lagu martiqaaday, kaasoo ay sidoo kale ka qaybgaleen ilaa 30 dal oo ka socda qaaradaha Afrika iyo Aasiya.
“Waxa halkan ka socda shirweyne qiimo badan oo laga hadlayo arrimaha ammaanka; hadday tahay duullimaadyada maddaniga ah, socdaalka iyo sirdoonkaba. Waxa aannu shirkan ku nimi wefti ka socda xukuumadda Somaliland. Shirka in aannu qaybgalo waa mid muhiim ah oo waxa ila socda Taliyaha Laanta socdaalka, Taliyaha Sirdoonka iyo sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Waxa aannu u nimi in aannu xubnaha shirka la wadaago khibradaya, sida la ogyahayna dunidu maanta way ka wada shaqaysaa ammaanka, maadaama uu xasaasi yahay, isla markaana waa waxa ugu qiimaha badan ee adduun lagu bixiyo, caalamka waxa u xeer ah inuu ka wada shaqeeyo,” ayuu yidhi Wasiirka Duulista oo magaalada London waraysi ku siiyey shabakadda wararka Salaanmedia.
Wasiir Xaashi oo ka hadlayey waxyaabaha uu ka rajaynayo inay ka soo baxaan shirka ay kaga qaybgaleen London, waxa uu yidhi; “Shirkan waxaan ka rajaynaynaa aqoon iyo waayo-aragnimo ayaannu ka korodhsan karnaa, annaguna wax ayaannu ku kordhinaynaa ka qaybgalayaasha shirkan oo socday laba maalmood, waxana ka qaybgalay ilaa soddon dawladood.”
Shirka dawladda Somaliland lagu martiqaaday, waxa lagaga hadlay xoojinta iyo adkaynta ammaanka madaarrada iyo duullimaadyada, iyadoo si xooggan loogu falanqeeyey xaaladda ammaan ee qaaradaha Afrika iyo Aasiya.