CAB OO SADAQAYSO: Halkan Ka Akhriso: Qaabka Ay Macaamiisha Shirkadda Somaliland Beverage Industry Kula Bixi Karaan Sadaqad Bisha Ramadaan Oo Ay SBI Soo Bandhigtay+DAAWO SAWIRRADA
Hargeysa, (Hubaal)- Shirkada Sharaabka ee Somaliland Beverage Industries (SBI), ayaa shalay soo bandhigtay nidaam casri ah oo Bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu caawinayo dadka danyarta ah iyo kuwo Xanuunsanaya, taas oo dadkii iibsadda sharaabka laga jarayo sadaqo shirkaddu gudoonsiin doonto dadka masaakiinta ah.
Shirkaddan ayaa sheegtay in qof kasta oo bisha barakaysan iibsadda hal sharaab ah inuu ku sadaqaysanaya lacag la sii doonno agoomaha iyo dadka dhimirka ah taas oo halkii sharaaba konton shilin ugu deeqi doonno dadkaasi.
Munaasibad lagu shaacinayey qaabka macaamiisha shirkaddu sadaqaddaasi uga qaybqaadanayaan, ayaa lagu qabtay xarunta guud ee shirkadda, isla markaana waxa ka soo qaybgallay wasiirka Diinta iyo Awqaafa iyo madax ka socota shirkadda SPI.
Ugu horayna waxa shirkan jaraa,id ka hadlay maamulaha iibka ee shirkada SBI Liibaan Yuusuf Cismaan kaas oo tafaasiil ka bixiyey sida uu barnaamijkani noqon doono iyo sida looga faa,iidayn doono waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aanu nahay shirkada SBI waxaanu hanbalyo u diraynaa shacab weynaha iyo macaamiisha reer Somaliland ee shirkada SBI ku xidhan gobol, degmo iyo xaafad kasta meel kasta oo ay joogaan, barnaamijkani waxa uu ku saabsan yahay mid khayri ah oo shirkada wadaniga ah ee SBI ugu tala gashay bisha barkaysan ee Ramadaan kaas oo ah “CAB OO SADAQADAYSO” taas oo macnaheedu yahay qof kasta oo reer Somaliland oo caba caagad ka mid ah sharaabka SBI waxa uu sadaqadaysanayaa oo uu ugu deeqayaa dadka danyarta ah iyo dadka tabaalaysan ee ku dhaqan Somaliland guud ahaan ee ay ka mid yihiin xarumaha dhimirka iyo agoomaha 50Shilin oo lacagta Somaliland”
Maamulaha iibka ee shirkada sharaabka ee SBI Liibaan Yuusuf Cismaan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Markaa qof kasta oo caba caagad sharaabka SBI ah waxa uu ugu deeqay oo uu sadaqadaysay 50shilin oo lacagta Somaliland ah, maadaama oo ay tahay bishii sadaqada bishan barakaysan ee Ramadaan waxaanu ugu tala galnay dadkayaga sidii dhaqanka iyo sunaha u ahayd shirkada wadaniga ah ee SBI inay lacagta faa,iidada ah ee ay ka hesho wadanka dib ugu soo celiso bulshada, tanina ay ka mid tahay barnaamijyadaas oo ay ku jirto kuwii ugu khayrka badnaa, imikana waxa raacaya cabitaankii in qof kasta oo sharaabka cabaa uu u niyoodo inuu sadaqado siiyey qof walaalkeen ah oo baahan, sharaabkana lama saarin wax lacag ah oo dheeraad ah balse shirkada ayaa faa,iidadeeda ka goynaysa lacagtan loogu tala galay dadka danyarta ah.” Ayuu yidhi Liibaan Cismaan Yuusuf.
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa soo dhoweeyey nidaamka casriga ah ee qofku sadaqadda ku bixinayo, waxaanu xusay inuu nidaamkani yahay mid dalkeena ku cusub balse caalamka islaamka uu ka jiro, isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi“Waxa sharaf noo ah inaanu maanta ka soo qayb galno bilawga la bilaabayo nooc cusub oo ka mid ah qaabka sadaqada, waa nooc ku cusub dalkeena balse lagaga dhaqmo wadamada islaamka ah waayo waxa lays dhex gelinayaa ganacsigii iyo sadaqadii, waana waji cusub oo ay inoo bilawday shirkada SBI oo markii aanu maqalnay aanu dhiiri gelin darteed uga soo qayb galno, waana mawduuc loo baahan yahay in la dhiiri geliyo waayo dadkeenii baahnaa ayaa dadkii maal qabeenka ahaa wax tarayaan oo si fudud wax u tarayaa waayo marka la yidhaahdo sharaabka aad iibsanayso ayaad sadaqadii wax ku leedahay macnaheedu waxa weeyaan adiga oo wax cabaya ayaad wax sadaqadaysanaysaa adiga oo ka faa,iidaysanaya sharaabka aad iibsanayso oo aan is ogayn shucuur badana u hayn ayaad wax sadaqadaysanaysaa qof walaalkaa ah oo baahan oo agoon ah ama dhimirkiisu dhiman yahay, ama curyaan ah oo aan waxba qabsan Karin, waxaanu ilaahay mar kasta inagu waaninayaa inaynu is caawino oo isku naxariisano tana waxay ka mid tahay waxyaalaha loo baahan yahay inaynu isku kaalmaysano.”
Sidoo kale isu duwaha wasaarada diinta iyo awqaafta ee gobolka Maroodi jeex Sheekh Maxamed Ibraahin iyo Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore oo ka mid ah culimada wasaarada diinta iyo awqaafta ayaa si weyn usoo dhowweeyey nidaamkan casriga ah ee dadka masaakiinta ah loogu caawinayo, isal amrkaana dadku iyagoo is ogeyn u sadaqadaysanayaan, waxaanay shirkadda SPI ku hambalyeeyeen nidaamkaasi dadku iyagoo sharaabka cabanaya sadaqana u bixinayaan.
Shirkadda SPI ayaa sheegtay in marka bishu dhamaato la xisaabi doono qof kasta sharaabkii uu cabay iyo inta uga go’aysa sadaqadda taas oo magaalo walba la siin doonno inta ay ku sadaqaysteen, iyagoo wax lacag ah loogu kordhin balse qof kasta lacagta uu sharaabka ku iibsadday looga jarayo konton shilling oo uu ku niyeysanayo inuu qof miskiin ah oo walaalkii ah ku caawinayo.