Halkan Ka Akhriso: Xawaaladaha Soomaalida Oo Laga Cabsi Qabo In La Xidho Iyo Culayska Dhaqaale Ee Ay Dalka Somaliland Ku Keenayso –

0
50

xaliimoHargeysa (Hubaal) “Xaliimo Maxamed oo ah gabadh ku takhasustay cudurrada caabuqa ka dhasha, ayaa xanuunsatay iyada oo ka shaqaynaysay mashruuc ku saabsan caafimaadka aasaasiga ah oo ay ka waddo magaalada Ceerigaabo ee bariga Somaliland. Xaliimo waxa ay garatay in waxa hayaa uu yahay caabuq sambabka ah, dawooyinka ay isticmaali lahayd waa laga heli karayey Ceerigaabo, laakiin qiimahooda ayaa aad u qaali ahaa oo lacagta ay markan sidatay uma’ ay goynayn.

Sidoo kale Xaliimo waxa ay ogeyd in magaalada ay joogto ee Ceerigaabo ay ka mid tahay meelaha Somaliland ah ee uu gaadhitaankoodu ugu dhibka badan yahay, iyo in aanay bangiyo lahayn. Waxa ay la xidhiidhay agaasimaha laanta Ingiriiska ee shirkadda Dahabshiil oo ah shirkadda ugu weyn xawilaadda lacagta oo deegaankanna xarumo ku leh, waxa aanay ka codsatay in lacag u taallay xafiiska Dahabshiil ee London uu ugu soo wareejiyo faraca Dahabshiil ku leeyahay deegaankan ay joogto.

Daqiiqado gudahood ayaanay lacagtii ugu timid” Sidaa waxaa lagu bilaabay warbixin ay Michela Wrong oo ah saxafiyad qoraa ah oo u dhalatay dalka Ingiriisku ka qortay Somaliland. Michela waxa ay bishii Siddeedaad ee sannadkan timid magaalada Hargeysa oo ay kaga qayb gashay munaasabaddii bandhigga buugaagta ee Hargeysa. Waxa aanay intaas ku sii dartay, Dhaq-dhaqaaqan maaliyadeed ee dhaqsaha ah qiimihiisuna jaban yahay ayaa ah tusaalaha ugu fiican ee aynu u soo qaadan karno xirfadda sarraysa iyo hufnaanta ay caanka ku tahay xawilaadda lacagaha ee Geeska Afrika ka shaqaysaa.

Taas oo lagu qiyaaso in ay sannadkii dhulka Soomaalidu degto gaadhsiiso qiyaas ah 1.3 Bilyan oo doolar, laakiin xawilaadahaas maanta waxaa ku soo waajahan khatarta ah in ay joogsadaan, cabsida dowladaha reer galbeed qabaan ee ah in ay xawaaladuhu gabbood u noqdaan dhaqidda lacagaha iyo maalgelinta kooxaha Islaamiyiinta hubaysan ah ee gobolka awgeed, taas macnaheedu waa in shaqadan xawilaaddu dhowaan joogsan doonto” Warbixintan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay majaladda Foreign Policy ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa tusaale u soo qaatay xidhitaankii uu bangiga Barclays ee dalka Maraykanku sannadkii 2013ka ku xidhay xisaabtii ay shirkadda xawilaadaha lacagta ee Dahabshiil ku lahayd, isaga oo arrintaa ka waramayana waxa uu yidhi, “Go’aankii uu bangiga Barclays bishii Shanaad ee 2013kii ku xidhay dhammaan shirkadaha xawilaadda lacagaha ee Soomaalida oo maxkamadda sare ee Ingiriisku hadda dib u dhigtay, balse aanay laalin, ayaa sii badiyey xaaladda argagaxa ah iyo baqdinta ay qabto Hargeysa oo ah caasimadda Somaliland, “Runti ma garan karo waxa dhici doona.

Intaa waanu qaylinaynaa oo aanu cabaadaynaa” Sidaa waxaa yidhi wasiirka qorshaynta Somaliland Sacad Cali Shire, oo ah nin af-macaan oo ay adag tahay in isaga laga fisho in uu arrin noocaas ah wax ka qabto. Waxa aanu intaas ku sii daray, “Madaxweynuhu waxa uu qoraa dhambaallo, si is-daba joog ah ayaanu codsiyo u dirannay, laakiin waxba lagama qaban.

Waxa aanu nahay dad hal-abuur leh, laakiin waxa aan u baqayaa in arrintan cawaaqibkeedu uu ki habsado dadka ugu faqiirsan bulshadayada” Dhinaca kale marka aynu ka eegnana, qadiyadda xawilaadaha lacagtu waxa ay kor u qaadayaan cabsida ah in ay dhacdo mushkilad maaliyadeed, taas oo sii xumaan doonta haddii ay ku beeganto, saadaasha ay khuabrada beeruhu bixinayaan ee ah in Soomaaliya ay ka jirto xaalad abaareed oo ah tii ugu xumayd tan iyo sannadkii 2011, taasina waxa ay saamayn taban ku yeelanaysaa dalagga beeraha, xoolaha nool. Marka aynu eegno hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo ganacsatada Somaliland, xawaaladaha oo la joojiyaa waxa ay daciifinaysaa dadaal 23 sano soo socday oo lagu xaqiijinayey doonista wadareed ee umaddan oo illaa hadda aan aqoonsi helin. Sidoo kale shirkado caalamiya oo tiro badan oo xataa ay ka mid yihiin, Bangiga adduunka iyo hayadda caafimaadka adduunka iyo kuwo kale ayaa ku tiirsan adeegyada lacageed ee ay bixiso shirkadda Dahabshiil, si ay lacagaha u gaadhsiiso shaqaalaha hayadahan.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa aaminsan in shirkaddan oo keliyi ay sannad kasta gudaha u soo xawisho lacag naqad ah oo gaadhaysa illaa 400 oo milyan oo doolarka Maraykanka ah, taas oo boqolkiiba 25 illaa 40 ka noqonaysa dakhliga wax-soo-saarka sannad laha ah, arrinta khatarta ahina waxa ay tahay in Somaliland iyo Soomaaliya labaduba aanay lahayn bangi shaqeeya oo buuxin kara kaalinta ay banneeyaan xawaaladuhu. Sannadkii horena baarlamanka Somaliland waxa uu ku fashilmay in uu meel-mariyo xeerkii abuuri lahaa bangiyada ganacsiga. Haddii bangiga Barclays uu xidho xisaabta shirkadaha xawilaadda lacagaha ee Soomaalida, waxa ay taasi cawaaqib xun ku yeelan doontaa gebi ahaanba gobolka Geeska Afrika oo kumannaan qoys oo ku dhaqan Jabuuti, Uganda, Itoobiya, Kenya, Suudaan iyo Koonfurta Suudaan ayaa ku tiirsan xawilaadaha ay ka helaan ciddooda ka shaqeysa dalalka dibadda.

Dowladda Ingiriiska ayaa hadda wadda qorshe ah in la abuuro marin aamin ah oo la mariyo xawilaadda lacagaha, daraasad arrintan lagu sameeyeyna waxa ay tilmaamtay habab lagu wanaajin karo arrintan, iyo in la abuuro daraf saddexaad oo lagu kalsoon yahay oo dib u eega lacagaha la xawilayo. Laakiin marinkaas aaminka ah ee la hadal hayaa weli waa arrin fog, wax kasta oo uu noqdo xalka bilaha soo socda arrintan laga gaadhaa, waxa ay u muuqataa in xawilaadaha lacagtu ay goor aan habeen iyo maalin midna ahayn ka bixi doonaan nolosha dadka deegaankan.

Michela Wrong oo ka hadlaysay dhinaca siyaasadda ee Somaliland ayaa warbixinteedan oo uu Geeska Afrika si guud mar ah u soo koobay ku yidhi, “Somaliland oo hore u ahaan jirtay maxmiyadda Ingiriis, oo hoy u ah xasilooni, ayaa masiirkeeda gaarka ah ka tashatay tan iyo markii ururkii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ku dhawaaqay in ay ka madax bannaan yihiin nidaamkii keli-taliska milateriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, sannadkii 1991kii” Michela Wrong oo ah saxafi iyo qoraa caan ah oo si aad ah u baadha arrimaha la xidhiidha dalalka Koongo, Ereteriya, Kenya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika, waxa kale oo ay warbixinteedan kaga warrantay furitaankii gegida Cigaal international ee magaalada Hargeysa oo ay sheegtay in dadka musaafuriinta ah ay ka furatay safarkii iyo jawigii kululaa ee madaarka Berbera, waxa aanay tilmaam ka bixisay muuqaalka gegida diyaaradaha ee Hargeysa oo ay sheegtay in gidaarrada lagu dhejiyey sawirrada madaxweyne Siilaanyo oo la kulansan wufuud kala duwan oo ay ku jiraan hoggaamiyeyaal Afrikaan ah iyo wasiirka arrimaha dibadda ee Ingiriiska. Iyada oo ka hadlaysa aqoonsi la’aanta Somaliland iyo sababaha ay la tahay in ay hortaagan tahayna waxa ay qoraalkeedan oo aad u dheeraa ku tidhi, “Runtii aad ayaa loola dhacsan yahay Somaliland. Waxaana suurtogal ah in dalalka deeqda bixiya ee reer galbeedka aanay u suurtogelin in ay iyagu si rasmi ah ugu horreeyaan aqoonsiga Somaliland, oo daciifinaya tobannaan sano oo ay taageero dhaqaale badani ku baxay la garab taagnaayeen dowladda Federaalka ah ee taagta daran ee Muqdisho, isla markaana ay dhiirrigeliso dhaqdhaqaaqyada gooni goosadka ah ee ka jira daafaha qaaradda oo dhan” iyada oo ay sidaas tahay haddana waxa ay Michela qoraalkeedan ku sheegaysaa in aanay taasi hor istaagin u bogitaanka guulaha ay Somaliland gaadhay, waxaana qoraalkeeda ka mid ahaa, “Si aan rasmi ahayn ayaa masuuliyiinta shisheeyuhu u bogaadiyaan guulaha ay Somaliland gaadhay; oo ay ka mid tahay nidaam dowladnimo oo noociisu dhif yahay, kaas oo isku daraya dimuqraadiyad ku dhisan xisbiyada badan iyo nidaamkii dhaqanka ahaa ee ay odaayasha qabiilku kaalinta ku lahaayeen. Sidoo kale waxa ay dowladdu raacda nidaam fiican oo doorashooyinka lagu kor-meero, waxaa aad u yar dembiyada, xaaladda amnigu waxa ay joogtaa heer la janto”  Michela Wrong oo u dhalatay dalka Ingiriiska qoraalladeedana ay qaataan wargeysayada iyo majadalaha ugu waaweyn reer galbeedku waxa ay ka warrantay dadaalka ay Somaliland ku doonayso in ay soo jiidato maalgashiga caalamiga ah iyo caawimo, iyo sidoo kale sanduuqa horumarinta Somaliland ee loogu talo galay in ay deeq-bixiyeyaashu ku ridaan dhaqaalaha ay ku caawinayaan si loogu horumariyo biyaha, laydhka iyo jidadka. Iyada oo sii wadda arrinta dhinaca horumarka la xidhiidhana waxa ay qoraalkeeda ku tidhi, “Somaliland baasaboor waa ay soo saari kartaa, laakiin dalal yar ayuun baa ogol in loogu safro, qofka reer Somaliland ah ee doonaya in uu helo baasaboor la aqoonsanyahay waxaa ugu dhow ka Soomaaliya oo ay tahay in qofka doonayaa uu u safro Puntland oo dhinaca Bariga ka xigta… Somaliland ma maamusho hawadeeda, waxaana ay hadda u socda wada-hadallo ay dowladda Federaalka ah iyo Qaramada Midoobey kala xaajoonayso sidii ay u heli lahayd xaqaas. Sidoo kale Somaliland kama jiro nidaamka boosta iyo caymis, arrintaas oo cabsi ku abuurtay maalgashigii shisheeyaha, dhinaca kalana Somaliland waxa ay weli u baahan tahay nidaam bangi oo dunida aqoonsantay, waana sababta keentay in ay ku tiirsanaato xawaaladaha lacagta, oo iyagana jiritaankoodu hadda khatar ku jiro”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here