Halkan Ka AKHRISO: Xildhibaan xukun Maxakamadeed Ku Dhacay Oo Xabsiga Hargeysa Dhexdiisa Kasoo Diray Istiqaallad Ku Suntan Xasaannadii Qaqranku Huwiyey+AKHRI Nuxurka Warqada Uu Soo Qoray

0
100

Halkan Ka AKHRISO: Xildhibaan xukun Maxakamadeed Ku Dhacay Oo Xabsiga Hargeysa Dhexdiisa Kasoo Diray Istiqaallad Ku Suntan Xasaannadii Qaqranku Huwiyey+AKHRI Nuxurka Warqada Uu Soo Qoray

Hargeysa (Hubaal)- Mustafe Cismaan Daahir oo ka mid ahaan jiray Golaha Degaanka Hargeysa, kaasoo Maxkamadda Gobolka Hargeysa ku xukuntay xukun dil ah, kadib markii lagu helay dilka muwaadin ay saaxiibo ahaayeen, ayaa shalay xabsiga dhexdiisa iskaga casilay xubnimadii Golaha Degaanka Caasimadda Hargeysa uu ka hayey.

SONY DSCMustafe Daahir oo ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa oo Maxkamadda Gobolka Hargeysa oo December 9, 2013 xukunka dilka ah lagu xukumay, ayaa qoraal uu ku saxeexan yahay isaga, isla markaana uu markhtaagi ahaan ugu saxeexan yahay Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Hargeysa Gashaanle Dhexe Muuse Abokor Qorsheel ku sheegay inuu iska casilay jagadii uu Golaha Degaanka ka hayey, isla markaana ku amray Golaha Degaanka in ay soo buuxsadaan xubinta ka bannaanatay.

Nuqulka qoraalka is casilaada xildhibaanka oo ay ku taalo shaambada Xabsiga Dhexe waxay u dhignayd sidan;

Iscailaadd

Geesta kale, Xeerka Ismaamulka, Gobollada iyo Degmooyinka (Xeer lr. 23/2002) qoddobkiisa 25aad oo ka hadlaya waayida xubnimada mudanaha, gaar ahaan faqradiisa 9aad, waxay sheegtay in xildhibaanka Golaha Degaanka ka tirsan xubinimadiisa waayayo haddii uu ku dhaco xukun ciqaabeed kama dambays ah oo maxkamad ka soo baxay.

Haddaba, Xildhibaan Mustafe Daahir waxa xukunka lagu riday uu yahay xukunka Maxkamada darada 1aad, mana aha xukunka kama dambays ah.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here