Hargeysa (Hubaal)—Laba Guddi farsamo oo ay labada Dawladood ee Itoobiya iyo Somaliland u sameeyeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha Dhaqaalaha, Nabadgelyada iyo isu-socodka labada Bulsho ayaa ka dhacaya magaaladda Diridhaba.
Sida lagu daabacay degelka Idaacadda Hillaac, Wefti ka kooban Agaasimayaal, Maareeyaha Dekedda Berbera iyo Rugta Gnaacsiga ayaa shalay ka ambabaxay magaaladda Hargeysa, iyagoo ku sii jeeda magaaladda Diridhaba, halkaas oo ay kula kulmi doonaan saraakiil dhigooda ah oo ay hore kulamo noocan oo kale ah ugu yeesheen hargeysa iyo Diridhaba.
Kulanka labada Guddi yeelan doonaan ayaa lagu wadaa in uu soo af-jaro qaabkii labada Dal uga macaamili lahaayeen sidii loo fulin lahaa adeegyada ay midiba mida kale uga baaha tahay, maadaama Dawladda Itoobiya oo aan Bad lahayni danaynayso inay 30% ganacsigeeda kala soo degto Dekedda Berbera.
Is-faham waa dhinaca farsamada ah ayaa labada Dawladood muddo dhawr sano ah uga dhaxeeyey sidii heshiis rasmiga ah looga gaadhi lahaa danaha ka dhaxeeya labada dhinac, hase yeeshee kulankii ugu danbeeyey eek a qabsoomay Hotel Ambassador ayaa lagu soo dhaweeyey aragtiyihii kala fogaa ee ay ka kala qabeen arrimaha qaarkood.
Kulamada labad Guddi ay yeelan doonaan waxa kaloo ka mid ah ka dhinaca Amaanka, kaasoo xilligan ku soo hagaagayw akhti xaasaasi ah oo ay dawladda Itoobiya Somaliland ka xidhatay safaradii dhinaca Dhulka, kadib markii Kooxo Al-shabaab ah oo qaraxyo ka fulinayey dalkaasi la qab qabtay.
Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland oo weftigan ka mid ahaa isla markaana wasaaradooda laga ambabaxay ayaa war-fidiyeenada u sheegay in marka ay kulankan soo dhameeyaan war-murtiyeed wadajir ah labada Dawladood ka soo saari doonaan natiijada usoo baxda.
War-saxaafadeed dhawaan wasaaradda Arrimaha Dibeda Somaliland soo saartay ayaa lagu sheegay in safarkani u qorshaysan yahay weftiga Somaliland isla markaana ay Diridhaba kula kulmi doonaan dhigooda Itoobiya.
Kulamada Noocan ah ayaa haddii la isku af-garto Somaliland u horseedi doona inay dhaqaale buuran iyo ku tiirsanaan dhinaca walba ah ka hesho Dalka Itoobiya oo ay muddo dheer xidhiidh fiican soo lahaayeen, waxaanay tani meesha ka saari doontaa tuhuno badan oo loo jeedin jiray inaanu wanaagsanayn xidhiidhka labada Maamul eek a taliya labada dal.