HALKAN KA AKHRISO: Xukuumadda Somaliland Oo Dalka KENYA Kasoo Daabacatay Laba Noodh Oo Lacag Cusub Ah+ Bangiga Dhexe  Oo Dib U Bilaabay Xawillaada Lacago Dhawaan La Joojiyey Oo ay Hore Ganacsatadu Ugu Adeegsan Jirtay Cashuurta & Sarrifka

0
40

Hargeysa (Hubaal) Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa labadii maalmood ee u danbeeyey la soo degay lacago cusub oo uu soo daabacday, kuwaas oo laga soo waariday dalka Kiiniya isla markaana laga soo dajiyey Madaarka Berbera.

Lacagta cusub ee uu Baanku soo daabacday waa Noodhadhkii shan shanta kun iyo kunka isugu jirtay ee ay sanadkii hore soo daabaceen oo kale, hase yeeshee warar ay mareegaha qaarkood qoreen oo ay ku sheegeen Noodhadh cusubi inay ku jiraan ayuu Guddoomiyaha Baanka Dhexe beeniyey waxaanu isagoo ka hadlaya lacagtaas la sheegay yidhi “Lacagta soo gashay ee dalka soo gaadhay waa tii hore ee aynu isticmaali jirnay, waxaanan idiin sheegayaa in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in lacago cusub la soo daabacay.

Marka ay timaado baahida loo qabo Lacag cusub oo la soo kordhiyaa waxa khasab ah ama sharcigu dhigayaa in Barlamaanka la hor geeyo, dabadeedna ay ansixiyaan, sidaas uun baa lagu soo daabici karaa, laakiin lacag la soo daabacay oo cusub ayaa soo gashay, waa been” ayuu yidhi.

Lacagtan oo soo degtay labadii maalmood ee u danbeeyey sida ay Ilo wareedyo u dhuun daloolaa Farriinnews.com u sheegeen waxa laga keenay dalka Kiiniya halka lacagihii hore ee Somaliland laga keeni jiray Dalka Ingiriiska oo laga soo daabacan jiray mid ka mid ah shirkaddaha ugu wanaagsan Lacag samaynta.

Lacagtan ayaa noqonaysa tii saddexaad ee Baanku soo daabacdo xilligan la galayo Moosinka Xajka ama Carafada oo dhaqdhaqaaqa kala Iibsiga lacagaha Qalaad iyo kuwa Somaliland xawli ku socdaan maadaama ganacsatada Xoolaha dhoofisaa soo galiso lacag adag oo ay xoolaha ku Iibsadaan, waxaanay lacagahan cusub ee Baanku soo daabacdaan ku raad leeyihiin sidii Baanku ugaga faa’iidaysan lahaa Sarrifkooda.

11Baanka Dhexe ee Somaliland ayaa toddobaadkan Ooda ka qaaday in uu dib u bilaabo lacagihii xawilaadaha ahaa ee uu u samayn jiray Ganacsatada Reer Somaliland ee Kastamada Dalka ka soo cashuurata badeecadaha ay soo dajiyaan, kuwaas oo wasaaradda maaliyaddu dhawr bilood ka hor joojisay kadib markii khilaaf xoogani soo dhex galay iyaga iyo Baanka.

Daabacada lacagta cusub, soo dajinteeda iyo Jeegaga Baanku ku xawilo baananka kale ee Dalka ayaa u muuqda kuwa sanadkasta Baanku ku macaasho, maadaama oo uu ku dhisan yahay faa’iidada dhaqdhaqaaqa uu sameeyo, taasoo uu Dastuurka Dalku u madax banaaneeyey, hase yeeshee waxa jira caqabado xad dhaaf ah oo bulshada kala soo darsa Sarrifka lacagaha Dalka laga Isticmaalo, kuwaas oo uu Baanku xakamayn kari waayo.

Si kasta ha ahaatee, waxay Dad badan oo isugu jira Ganacsato, Sarriflayaal iyo dadka lacagaha loo soo diraaba wadnaha farta ugu hayaan in dhaqdhaqaaqa Faa’iido doonka ah ee Baanku ku soo kordhin doono hoos u dhac ku yimaada noloshooda, isla markaana uu ku abuurmi doono Sicir barar khadka ka saara deganaanshaha sarrifka iyo Sicirada badeecadaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay.

Guji Halkan Si Aad U Akhrisato Warkan Oo Faahfaahsan

Baanka Dhexe oo Carafa kasta soo Daabacda Lacago cusub oo Suuqa Saamayn ku yeesha+ Baanku wuxuu toddobaadkan dib u bilaabay in uu xawilo lacagihii dhawaan laga joojiyey ee ganacsatadu u isticmaali jirtay cashuuraha iyo Sarrifka

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here