HALKAN KA AKHRI:Xarunta Xuquuqal insaanka Somaliland oo soo saartay Warbixin sanadeedkii 2aad

0
31

Xarunta Xuquuqda Aadamahu waxay ka dayrisay Xaalada Xuquuqal insaan ee Somaliland Sanadkii u dambeeyey.

Hargeysa(Hubaal)Ururka Xuquuqal insaanka Soomaliland ee Human Right Center ayaa soo saaray Warbixin Sanadeedka Xaalada Xuquuqda Adaamaha Somaliland ee sanadkii ugu dambeeyey, Warbixintan oo ahayd Tii lamaad ee ay soo saaraan tan iyo intii uu Ururkaasi Jiray ayaa waxay ku sheegeen Qodobo aad u tiro badan oo meel ka dhac ku ah Xuquuqda Dadka oo lagu kacay Sanadkii ugu dambeey.

Munaasibad lagu soo bandhigayey Warbixintaasi oo lagu qabtay Hotelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa Halkaasi ka akhriyey Gudoomiyaha Ururka Human Right Center Guuleed Axmed Jaamac waxaanu ku bilaabay “waxaanu sanadkan soo saarnay Warbixin sanadeedkayagii labaad ee Xaalada Xuquuqal insaan ee dalka laga soo bilaabo December sanadkii hore, waxa kamid ah xadhiga Sharci darada ah oo tiro ahaan iyo baaxad ahaanba aad u balaadhan, Distoorka Dalku wuxuu damaanad qaaday qaab loo xidhayo marka la doonayo in qof xoriyadiisa laga qaado, qaabkaa wixii aan ahaynina waxay Jabin ku tahay Distoorka” ayuu yidhi Gudoomiyaha

 xuquuqal in

Mar uu ka hadlayey Boolisku qaabka uu dadka u xidho waxa uu yidhi “Booliskeenu waxa uu caadaystay inuu marwalba xidho dadka isaga oo aan raacin habkii sharcigu dhigayey, waxa dadkan la xidhay sanadkan ka mid ahaa  Siyaasiyiin, Warbaahin iyo dadka u dhaq dhaqaaqa Siyaasada oo ay ka mid yihiin dhalinyaradii Jiidali, habkaa Boolisku u dhaqmayaa maaha mid ku kooban dadka magaca leh ee dadka Shacabka ah ayey dhibaatada inta badani haysataa, waana mid ka soo horjeeda Nidaamka Ditoorkeenu Jideeyey” ayuu yidhi Guuleed.

Gudoomiyaha oo Hadalkiisa sii watay ayaa Walaac ka muujiyey Xadhiga saldhigyada Booliska oo uu xusay ina Mudo Badan lagu hayo oo aan Maxkad hore loo gayn, halkaasi oo aan lahayn, Adeegyada asaasiga ah ee ay Dadku u baahan yihiin sida Caafimaadkii iyo Cuntada iyadoo meel aad u yar lagu wada xidhao tiro badan oo Maxaabiis ah ayuu ku sheegay warbixintaasi.

 xuquuqal

Gudoomiyaha Xuquuqal insaanku waxa kale oo intaasi ku daray “waxyaabaha kale ee ay Warbxintani Koobsanayso waxa kamid ah Ciidaamada loo taba baray Arga gixisada iyo Cida Hubka Sidata oo loo dalbado Dadka lasoo xidhayo ama siyaasi lasoo qabanayo, waxa mararkaa qaar loo diraa mudo haraad mana yaqaanaan iyagu qaabka loola macaamilo, waxa kaliya ee ay adeeg san karaana waa xabad taasina waxay dadka ku keentaa Dhibaato.”

Waxa kale oo ay koobsanaysay Warbixintaasi Doorashooyinka oo had iyo jeer dib loo dhigo Sida Golaha Wakiilada oo mudadii la doortay mudo leeg jooga, dhica warbaahinta waxya Xuseen in ilaa 23 wariye sanadkan la xidhay iyo laba Wargeysa iyo Television ka HcTv oo loo diiday Xafiisyada Dawlada inuu ka warbixiyo, oo ay Wasaarada Warfaahintu awood u yeelatay cid kasta oo aan afkaarteeda qaadan in si dhibyar loo xayiri karo oo aanay Warbaahinta Somaliland ku shaqayn karayn Nidaamka Xorta ah ee Distoortku Jidaynayo.

Waxa kale oo ay warbixintaasi ku soo qaadeen Ururka Xuquuqal insaanku maxbuus u dhashay Somaliland oo ay dawladu u gudbisay Jabuuti taasi oo lagu sheegay inay Xad gudub cad ku tahay Distoorka oo sheegay inaan qof muwaadin ah Wadan kale loo gudbin Karin, waxayna meel ka dhac ku tahay Xuquuqda Aadaha.

 xuquuqali

Gaba gabadii waxa uu ururka Xuquuqal insaanku soo Jeediyey in qodobadaasi  oo dhan meesha laga saaro si loo ilaaliyo Xuquuqda bani aadamka ee Shacabka Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here