HALKAN KA DAALACO: Da’yarta Subeer Awal Ee Ku Dhaqan Gobolka Togdheer Oo Taageero Laxaad Leh U Muujiyey Ururka Jiidali, Kana Hadlay Ciidammada ay Xukuumaddu Dul Dhigtay Balliga Diiriye Guuleed

0
45

Burco (Hubaal) Shir-Jaraid Oo Maanta ku Qabteen Hotel Abco Ee Magaladda Burco Dhalin-Yarada,Waxgaradka iyo Aqoon-Yahanka Beesha Subeer Awal Ee Gobalka Togdheer ayaa Tagero Mug Leh u Muujiyay Ururka Jidaale Oo ah Urur ay ku Midaysan Yihiin Guud ahaanba Dhalin-Yaradda,Aqoon-Yahanka iyo Waxgaradka Beesha Habar Awal.

Dhalinyaradani ayaa Sidoo Kale Shegay inay Marti Gali-Donaan Shirwayne Baladhan Oo ay isagu imanayaan Beelaha Subeer Awal kaasi Oo ka Dhici Doona Sida ay Shegeen Magaladda Burco si Looga Tashado ayay Dhaheen Masiirka iyo Danaha Beelaha Habar Awal.

Waxaanay Sidoo Kale ay Dhalinyaradani ay Xukumada Talada Haysa ay ku Eedeyeen inay ka Danbayso Colaada ka Taagan Degaanka Baliga Diiriye Guleed Oo Dhanka Waqooyi ka Xiga Magaladda Burco.

Ugu Horraynba Waxa Shirkaasi Jaraid ka Hadlay Gudomiyaha Ururka Jiidale Ee Gobalka Togdheer Cabdi-Samad Axmed Waxaanu Fahfahin ka bixiyay Ujeedada Shirkani Jaraid.

Waxaana ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Waxaanu Maanta Shirkan Jaraid u Qabanay in Aanu ku Taagerno Ururka Jiidale Ee Beelaha Subeer Awal,Waxaanu Leenahay Taagero Hiil iyo Hooba ah ayaanu idinla Barbar Taagan Nahay,Ururka Jiidale Waa Urur ay ku Midaysan Yihiin Dhamaanba Beelaha Habar-Awal,Waxaanu Dhawaan Halkan Magalada Burco ku Qaban Donaa Shirwayne Baladhan Oo ay isugu Yimadaan Beelaha Subeer Awal Si ay Uga Tashadaan Tacadiga Joogtada ah Ee Xukumadda Silanyo,Hadii Aanu Nahay Dhalin-yarada,Aqoon-Yahanka iyo Waxgaradka Gobalka Togdheerna Anaga ayaa Qabanayna Shirwaynahaasi,Waxaanu Sidoo Kale Halkan ku Canbaraynaynaa Tacadiga ka Dhacay Waqooyiga Gobalka Togdheer gaar ahaana Degaanka Baliga Diiriye Guleed,Baliga Diiriye Guleed Taarikhdiisa Waa la Yaqanaa Waa Degaan Soo Jireen ah Oo ay Leeyihiin Beesha Cabdala Arab,Waa Nasiib Darro in Layska Dumiyo Degaan ay Dad Leeyihiin iyadoo Laga Farxinayo Beesha Dad Gaar ah,waxaanu Leenahay Xukumadda Silanyo Waxaasi Waa Wixii ay ku Dhacday Dowladii Siyaad Barre”  Ayuu Yidhi Gudomiyaha Ururka Jiidale Ee Gobalka Togdheer C/Samad Axmed

Gudomiye ku Xigenka Ururkaasi Jiidale Ee Gobalka Togdheer Axmed Cali ibraahim Oo isaguna Dhankiisa Halkaasi ka Hadlay ayaa Shegay in Loo Baahan Yahay Sidii Looga Tashan-Lahaa Sidii Cod Gacan ah loogu Bedeli-Lahaa Xukumada Silanyo.

Waxaana Ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan ” Waxaanu Soo Dhawaynaynaa Dhalinyarada Galbeed Ee Ururka Jiidale Ee Beesha Habar-Awal ,Anagoo ah Dhalinyarada Beesha Subeer Awal Bari Waanu Soo Dhawaynaynaa Dhalinyaradaasi Waxaanu ku Marti Qaadi Donaa Gobalka Togdheer,Waxaan Shacabka Reer Somaliland Leenahay Waynu Aragnaa Maanta Xasuuqa ay Xukumadu ku Hayso Dadkii Doortay Sida Degaanka Baliga Diiriye Guleed aynu Cod Doorasho ah aynu ku Ridno Dowladda Silanyo,Si Looga Baxo Tacadiga ay Xukumadu Shacabka ku Hayso” Ayuu Yidhi Gudomiye ku Xigenka Ururkaasi Jiidale.

Xoghayaha Ururkaasi Jiidale Ee Gobalka Togdheer C/Rashiid Xasan Guleed Oo isaguna Shirkaasi Jaraid ka hadlay waxa ka Mid ahaa Hadalidisii Sida Tan:

“Xukumaddu ha Joojiso Tacadiga iyo Xasuuqa ay ku Hayso Beesha Cabdalle Arab Waayo Degaanka Baliga Diiriye Guleed waa la Yaqanaa Cid Degaan ah Degta Waa Beesha Cabdala Arab,Hadii ay Xukumadu Joojin Waydo Tacadigaas ay ku Hayso Beshaasi Waxaanu Balanqadaynaa in Aanu Taagero Hiil iyo Hooba la Barbar istaagno Beesha Cabdala Arab” Ayuu Yidhi Xoghayaha Ururkaasi Jiidale.

Sidoo Kale Waxa isaguna Shirkaasi Jaraid ka Hadlay Xamse Kaluun Oo ah Afhayeenka Ururkaasi Waxaanu Ugu Baaqay Qurba-Jooga Beelaha Subeer Awal inay Tagero la barbar istagaan Ururka Jiidale Oo Uu Tilmaamay inuu ka Shaqeeyo Danaha iyo Masiirka Beelaha Habar Awal.

Si Kastaba ha ahatee Shirkani Jaraid ayaa Daba Socda Shirar Baladhan Oo ay Mudooyinkii u Danbeyayba ay Yeelanayeen Beelaha Habar-Magaadle Kaasi Oo ay Kaga Tashanayaan Sidii Laysugu Xidhi-Lahaa Guud ahaanba Belaha Habar-Magaadle.

vlcsnap-2014-08-17-15h04m48s199-tile.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here