HALKAN KA DAALACO GORFEYNTA TODDOBAADKA: Caqliga Sami Wuu Arkaa Waxtar La Hubo Ee Wasiir Samsam, Cadceedna Sacab Laguma Qarin Karo
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Samsam Cabdi Aadan, waxa ay kamid tahay tiraba afar haween ah oo xilal ka haya xukuumadda. Haykal ahaanna wasaaradda ay masuulka ka tahay waa mid ka caagan in la siyaasadeeyo, lana dhaleeceeyo waxqabadkeeda iyo hawlaha ay bulshada u hayo. Wasaaraddu waa wasaaraddii Barbaarinta ubadka, waa wasaaraddii kobcinta garaadka tacliimeed ee dhalinyarada berry inoo noqonaya madax-deenii, sidaasi oo ay tahay waxa biyo kama dhibcaan ah oo aan been ahayn in si gurracan loo adeegsado canaanta iyo la talinta wasiirrada waxbarashada, xataa haddii ay jirto waxyaabo gar loogu leeyahay in ay wax ka qabato, hase ahaatee waxaa aniga iyo inta ila fikirka ahi ila qabaan in aan la caayin qof u adeegaysa bir-magaydada bulshada, cidda sidaasi samaynaysa ee sida dhuumashada ah wax u caayaysaana waa cid aan habeen jirin oo far ku gabbanaysa…….
Si aad uga bogato Qormadan Gorfeynta ah oo Aad U Faahfaahsan, fartana ku fiiqaysa Hummaaga waxqabad ee dhabta ah ee ay ku astaysan tahay wasiirrada waxbarashada Somaliland, Fadlan Guji Sawirradan xidhiidhsan ee Hoose: