-Hindisaha Ganacsade Maxamed Aw Siciid Ee Dhisida Muuse Biixi+Shirarkii Madaxweynaha Iyo Wasiirada Isgarabsanaya+Madaxweyne Siilaanyo Iyo Badheedhihiisii+Kulmintii Xirsi iyo Muuse Biixi
Hargeysa (Horweyn) Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Aw Siciid oo ka mid ah ganacsatada ugu waawayn Somaliland, balse inta baddan saldhigiisu yahay dalka Djibouti, ayaa la sheegay todobaadkii u danbeeyay inuu ku hawlanaa sidii uu qodxaha uga guri lahaa dhabaha murashaxnimada Madaxweyne ee Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi u marayo mustaqbalka hoggaaminta talada dalka, isla markaana u noqdo musharaxa sida rasmiga ah ugu taagan marka la gaadho doorashada wixii ka danbeeya mudada Madaxweyne Siilaanyo sii joogo.