HALKAN KA DAALACO: Kooxda Al-Shabaab oo Dhagax ku dilay Haweenay ay ku eedeeyeen inay Saddex Nin wada Guurtsaday!

0
32

Baraawe(Hubaal):- Kooxda Al-shabaab, ayaa dhagax ku dilay Haweeney 33-jir ahayd oo ay ku eedeeyeen inay isla mar keliya wada guursatay saddex nin, iyadoo dilku uu ka dhacay degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada Hoose.

Boqolaal qof ayaa isugu soo baxay barxadda dilka Haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Safiyo Axmed Jimcaale uu ka dhacay maalinnimadii Jimcaha ee 26-kii bishan September sannadka 2014-ka, iyadoo xubno ka tirsan Al-shabaab oo wajiyadu ay u qarsanaayeen ay ku dileen dhagax, kaddib markii ay qaybta hoose ee jirkeeda dhulka lagu aasay.

dhagaxAxmed C/llaahi oo ka mid ah dadweynihii daawanayay sida dilka loo fuliyay ayaa Reuters u sheegay in dadkii goobta ku sugnaa ay qaarkood matageen. Dilka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan mas’uuliyiinta kooxda Al-shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Hoose.

“Markii ay dhimatay haweeneyda, waa laga soo jiiday godkii markii hore lagu aasay, iyadoo la jiiday laguna aasay qabri horay loo diyaariyay,” ayuu mar kale yiri Cabdullaahi.

Qaalli ka tirsan Al-shabaab ayaa goobta ka sheegay in Safiyo ay mar keliya isku guursatay saddex nin sida ay qiratay. Isagoo intaas ku daray inay kala qarisay haweeneydan saddexda nin, ayna ku dhaarteen sadexdooda inay isla qabteen Safiyo iyagoo aan is-ogeyn.

“Safiyo waxay si cad maxkamadda horteeda uga qiratay inay saddexda nin isla guursatay, ayna u tahay diyaar in dhagax lagu dilo si uu Alle ugu dambi-dhaafo,” ayuu hadalkiisa ku daray garsoorka Al-shabaab ka tirsan ee goobta ka hadlay.

Maxkamadaha Al-shabaab ayaan laga ogoleyn qareer qofka eedeysanaha ah u dooda iyo sidoo kale in qofka uu xukunku ku dhaco uu qaadan karo rafcaan si uu mar kale dacwadda loo haysto u furo.

Fulinta xukunkan ayaa imaanaya iyadoo horraantii bishan duqeyn lagu dilay hoggaamiyihii hore ee Xarakada Al-shabaab, Cabdi Axmed Godane, sidoo kale xukunkan fulintiisa ayaa imaanaysa iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay deegaanno badan kala wareegeen Al-shabaab.

Xigasho Aftahannews.com.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here