Daawo Sawirrada..Taageerayaal Waddani ah oo la xidh-xidhay, Gaadiid la jajabiyay iyo Booliska oo Daawasho ka bogtay
Hargeysa(Hubaal)-Ugu yaraan saddex qof ayaa dhaawacmay,rabshado ay Kooxo dhalinyaro ahi ku kediyeen Munaasibad Xisbiga Waddani ku qabsaday Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa Khamiista Maanta.
Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Boqolaal Dadweyne ah, ayaa markii laga soo dareeray waxa Albaabka Hudheelka ka bilaabmay Shiid iyo rabshad ay Kooxo Dhalinyaro ah oo abaabulani ku eekeeyeen Dadkii Munaasibada ka soo dareeray.
Dhalinyaradaasi, ayaa wax iska caabin kala hortagay Dhalinyaro ka mid ahayd ka qayb-galeyaasha Xaflada, taasoo sababtay iska hor-imaad laba dhinac ah oo laysu adgeegsanayay Dhagax iyo Shiid aan xad lahayn.
Dadka dhaawacmay oo u badan dhalinyaro, ayaa waxa ku dhacay Dhagax ay isweydaarsanayeen Dhalinyaradu.
Mid ka mid ah Dhalinyarada halkaasi lagu dhaawacay ayaa ahaa wiil yar oo da’diisu aanay ka weynayn Shan iyo toban jir, kaasoo uu Halka ay wajiga iyo Madaxu iska galaan ama Salxanta uu nabar kaga dhacay.
Wariyeyaal ka tirsan Gobanimonews oo Munaasibada ka qayb-galay, ayaa waxa kale oo ay la kulmeen laba qof oo kale oo iyaguna waxyeelo la gaadhsiiyay.
Gaadiid faro badan oo yaallay Barxada Baabuurta la dhigto ee dibada Hudheelka ayaa qaarkood Muraayadaha iyo Baangadaha laga jabiyay, kaddib markii ay dadkii watay ka yaaceen markii Shiidka lagu kediyay.
Booliska Ilaalada Hudheelka ayaa isku dayay inay kala dhex galaan Dhalinyarada is-dilayay, waxaanay muddo Rubuc saac ku dhaw oo rabshadu socotay cirka ay u ridayeen Rasaas, wallow aanay ku guulaysan inay meesha ka kaxeeyaan Dhalinyarada weerarka soo qaaday.
Waxa kale oo goobta soo gaadhay Askar tiro badan oo ka tirsan Saldhig-yada Kood-buur iyo Jig-jiga yar, kuwaasoo uu hogaaminayay Taliyaha Saldhiga Kood-buur Cabdisalaan Caydiid Cumar (Diinqale).
Askartan ayaa soo gaadhay iyadoo rabshadu socota, hadana aan wax talaabo ah oo muuqata qaadin, si ay u kala kexeeyaan dhalinyarada labada kooxood u dagaalamayay.
Hase ahaatee Rasaas si teel-teel ah u dhacaysay ayaa laga maqlayay meel ka fog Hudheelka oo Laamida ah, taasoo ay Ciidanku ku ridayeen Taageerayaashii Xisbiga ee iska caabinta ku muquuniyay Dhalinyarada soo weerartay.
Booliska oo shaqadooda gabay
Booliska ayaa la sheegay inay ugu yaraan saddex ruux oo ka mid ah Taageerayaasha Xisbiga WADDANI Xabsiga u taxaabeen .
Taageerayaasha la xidh-xidhay ,ayaa ka mid ahaa dhalinyaradii markii ay Xaflada ka soo dareereen dhaguxu ku qabsaday Albaabka, kuwaasoo sida ay goob-joogeyaal u sheegeen Gobanimonews la qab-qabtay iyagoo iska caabinaya Kooxdii soo weerartay.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Masuuliyiinta Xisbiga Waddani oo ku saabsan dhacdadan kediska ah ee hadheysay Xaflada Xisbiga.
Xukuumadda oo la tuhunsanyahay
Dhalinyarada Weerarka ku soo qaaday Munaasibada Xisbiga Waddani ayaa la tuhunsanyahay inay xukuumaddu soo abaabushay, isla markaana ugu talo-gashay inay ku khal-khaliso Munaasibadaha Asxaabta mucaaridku ku qabsadaan Hudheelkaasi oo is-daba joog noqday.
Xisbiga Waddani, ayaa khamiistii hore iyo Maantaba ku qabsaday Munaasibado waaweyn oo Kulmiyey boqolaal Taageerayaal reer Hargeysa ah , kuwaasoo badankoodu ka soo guureen Xisbiga talada haya ee Kulmiye.
Cuqdad siyaaasadeed oo ay ka qaaday soo dhaweynta aan kala go’a lahayn ee Taageerayaasha Xisbul-xaakimka ka soo baxay loogu sameeyo Hudheelkaasi, ayaa loo aanaynayaa inay Xukuumaddu u soo adeegsatay dhalinyaradani inay carqaladeeyaan Xisbiyada, gaar ahaana xisbiga Waddani oo Loolan kululi haatan ka dhexeeyo Xukuumadda.
Gobanimonews