HALKAN KA DAALLACO Kormeerkii Ay Ku Soo Mareen Weftigii Ka Socday Dalka Itoobiya Magaalooyinka Berbera,Gabiley Iyo Wajaale Ee Gobolada Saaxil Iyo Gabiley

0
29

War-saxaafadeed laga soo saaray xafiiska warbaahinta ee aqlka madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan

Sida ay warbaahintuba ka war haysay waxa dalka ku sugnaa weftigii abadi ugu balaadhnaaa oo ka socda Dalka aynu jaarka nahay ee wada shaqaynta iyo xidhiidhka qotada dheeri inaga dhexeeyo ee Ethiopia, Weftigaasi oo saaka ka kicitimay Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waxaa hogaaminayeena wefti culus oo wasiirada xukuumada ka tirsan, kuwaasi oo abaaro 10-kii Subaxnimo gaadhay Gobolka saaxil gaar ahaan magaalo madaxdiisa Berbera, oo ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiinta gobolka saaxil gaar ahaan Badhasaabka Gobolka Fahmi Cabdi Bidaar, Maayarka Magaalada Cabdishakuur Maxamed Xasan (Cidin), Maareeye ku xigeenka Dekeda Berbera Cumar Abokor Jaamac , maareeyaha Haamaha Shidaalka Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, Gudoomiye ku xigeenka Gobolka, Xoghayaha Dawlada Hoose Suhayb, Maamulaha Kastamka Berbera, Maxamed Cabdi Gurxan, masuuliyintaasi oo dhamaantood ku soo dhaweeyey weftiga gobolka hadalo mahadnaq iyo soo dhawayn ahna ka jeediyey kulan nasasho ah oo ka dhacay Xafiiska Maareeyaha dekeda oo uu ku sii sime ka ahaa maareeye ku xigeenka dekeda Cumar Abokor, safar shaqo oo maareeyihii guud dalka kaga maqan yahay awgeed, ka dib weftigaasi waxay ugu horaynba kormeer indha-indhayna ku soo mareen guud ahaan dekeda berbera oo ay socod lug ah ku soo mareen goobkasta oo shaqo ka socoto.

Ugu dambeyn waxa ay weftigu usoo amba-bexeen dhinaca Gobolka gabiley iyaga oo ujeedadooduna ahayd inay soo kormeeraan Wajaale oo ah halka ay labada dal ay ku wadaagaan xuduudka u dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia kaasi ah goob ku caana ganacsiga iyo dhaqaalahaba, waana mid ka mid ah xudunta wax soo saarka dhaqaalaha dalka, waana sababta dhalisay inay weftiga miisankaasi lihi ay indhaha ka soo qaadaan.DSC_0002-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here