Hargeysa (Hubaal) Iyadoo ay ahayd Maanta markii la bilaabay qaab cusub oo loo samaanayo wadooyinka dalka islamarkaan ku baxaya kharash ka yar kharashaadkii ku bixi jiray dhismaha waddooyinka,ayaa waxa ka waramay wasiirka madaxtooyada Somaliland Xirsi xasan Xaaji Cali oo sheegay in qaabkan loo samaynayo waddooyinka dalka ay soo miguuriyeen muwaadiniin reer Somaliland ah oo kaashanaya khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska,farsamadan cusub oo loogu yeedho (Top seal White and Top seal Black) ayaa wasiirku uu sheegay inay wax weyn ka tari doonto waddooyinka dalka.
Hadaba qoraal kooban oo uu wasiirku soo dhigay Blog-ga uu ku leeyahay barta internetka ayaa u dhignaa sidan:
…… Sadkaaga Waa Loo Sahan Tegaa……
“Maadama Dalkeenu yahay Mid Curdin ah oo aan Caawin ka helin dalalka Caalamka, Marwalba waxaan ku dedaalaynaa in aanu keeno qaab dhimi kara Kharashka inaga baxa inaga oo aanan marnaba ka Tanaasulayn Tayada Wanaagsan ee Raandhiiska le”
Subaxnimadii saaka ayaa ahayd maalin aanu bilownay farsamo cusub oo Waddooyinka dalka lagu samayn doono hadii lagu guulaysto.
Farsamadan cusub oo loogu yeedho “ Top Seal White and Top Seal Black” ayey soo minguuriyeen Muwaadiniin reer Somaliland ah isla markaana kaashanaya khubaro ka socota Cariga Ingriiska
Badhitaano badan oo lagu sameeyey saamaynta tabban ee ay keeni karto “Side effects” ayaa la xaqiijiyey in aanay dadka iyo deegaankaba wax dhibaato ah u gaysanayn sidoo kale farsamo yaqaanada takhasuska gaarka ah u leh waddooyinka ayaa soo jeediyey in qodobka uugu muhiimsan dhanka tayyada jidadku ay tahay caro-tuulka la dhigo daamurka ka hor waxaanay sheegeen in Kimikooyinkani “Chemicals” aad uugu fiican yihiin isku haynta caro-tuulka sidoo kalena bilic ahaana yihiin kuwo aad u heer sareeya
Maalmo kahor ayey ahayd markaan Bandhiga farsamadan kaga qaybgalnay hotelka Maansoor ee Caasimada Hargeysa halkaas oo ay khubrada ka socotay Shirkadu faahfaahin ka bixiyeen dunida iyo sida looga isticmaalo farsamadan.
Hadii lagu guulaysto farsamadan cusub ayaa waxaan rajaynaynaa in ay 50% yarayn doonto kharashkii ku bixi jiray samaynta jidadka dalka.
Tijaabada Farsamadan ayaanu ku bilownay waddada tegta Jaamacadda Hargeysa University oo dayac badan ku jiray.
Marwalba waxaanu dedaal uugu jirnaa maadama dalkeenu yahay dal curdin ah oo aanan caawin ka helin dawladaha caalamka in aanu keeno qaab walba oo inoo tashiili kara kharash kasta oo inaga baxaya inaga oo aanan marnaba ka tanaasulayn tayada wanaagsan ee raandhiiska leh
Guud ahaan waxaan uugu baaqayaa shacabka reer Somaliland ee khibrada iyo aqoonta-ba u leh qaybaha kala duwan ee horumarka in ay kaalintooda ka qaataan horumarinta dalka iyagoo uuga faa’idaynaya khibradaha kala duwan ee ay ka dhaxleen dalalka horumaray ee ay ku noolyihiin, anaguna ka xukuumad ahaan waxaanu ku qaabilaynaa qalbi furan.
HALKAN KA DAAWO faahfaahinta warkan
Hadal Yar iyo Hawl Badan waa Horumarkeena
Wa Bilaahi Tawfiiq