HALKAN KA DAALLACO: Sir-culus:Fadeexad Qaran(10 Guri oo xukumada Siilanyo si qarsoodi ah u iibsiey+Liiska dadka laga iibiyey & kuwa laga saarayo)!.

0
43

Hargeysa-(Hubaal)-Muddooyinkan danbe xukumada Siilanyo waxay si qarsoodi ah,isku halayna ka muuqato u istaadhey iibka ,boobka iyo musuqmaasuqa hantida guud sida Guryaha,dhulka banaan iyo dhismayaasha hayadaha dawlada hoos yimaada.

Sida xoggo Qarannews soo ururisay tibaxayaan waxay xukumada Siilanyo si hoose u bixisay dhul Dan-guuda ama Hanti-qaran ah oo isagu jira Daaro,Guryo, Dhismayaal hore iyo Agab kaleba.

Waxaa kaloo intaas dheer, dhulka iyo guryo intooda badan si hoose loo iibiyey oo aan si waadax ah qandaraas loogu soo bandhigin hase yeeshee dad la xushay oo dano siyaasadeed iyo mid dhaqaale laga leeyahay si hoose looga fasaxay iyadoo qiimayaasha lagaga iibiyeyna aan la aqoon oo sir laga dhigay.

Sida qoraalkan hoose ku cad waxay xukumadu fasaxday Toban guri oo hoos ku qoran iyadoo dadkii guryaha degaana qaarkood amartay inay muddo 7 cisho gudahood kaga baxaan iyadoo ku afgobaadsanysa in heshiiyadii lacag shubista ee ay la galeen Dawlada ka baaqsadeen inay fuliyaan balse arintu sidaas way ka sii daba-dheer tahay oo lacag shubistani waa marmarsiiyo, qiilkii ama foodsaaridii dadka qaarkood guryaha loogaga saari lahaa inkastoo ay awoodaan inay iibsadaan.

Ku darsoo qaar ka mid ah dadka guryaha lagu amray inay ka baxaan waxay Qarannews u sheegeen inaan wax digniin iyo ogeysiina iyo lacag keena toona la odhan ama la siin balse ay ka war heleen in guryaha lagu dul baayacay halka dadka magacyadoodu warqada ku qoran yihiin qaarkood yihiin kuwii ,laga iibiyey ee laga shubay lacagta badhkeed halka kuwa kalena boroseeskii lacag bixinta ku jiraan,sadexdaa qolo ayey dadka magacyadoodu halkan ka muuqdaan isagu jiraan.

Yeelkeede iibka guryahan ayaaney waxba kala socon siday noo xaqiijeen Hawl-wadeeno arintan u dhuun daloolaa Hayada dawlada u qaabislan Qandaraasyada oo badiyaaba lagu tilmaamo inay tahay Tuul (Rubber Stamp) ay xukumadu waxay qarsanayso ku musuqmaasuqdo.sir culus

Warqadan ayaa u eeg in laga been abuuray Hayada qandaraasyada Qaranka,waxaana taasi daliil u ah lama naadin iibka guryaha ,lamana soo bandhigin qandaraaska Guryaha.

Aan idin su’aale akhristayaal miyaa maqasheen iibka guryo Xukumada Siilanyo ama Hayada Qandaraasyada qaranku naadisey ama la baahiyey inay iibinayso,yaa loo soo bandhigay ee la yidhi guryaaahaasi waa ii bee tartanka iibka ka qeyb gala,Bal adba!.

Taas ka sakow waxaa xoggaha Qarannews soo ururisay ka dhex muuqda in ugu yaraan 20 Guri oo kale oo mid ah kuwa Guryaha Dawlada iibkoodii Borosees ku jiro oo dadkii laga iibin lahaa la xushay,lacag shubistii oo keliya hadhay waxaana sidaas Qarannews u xaqiijiyey qaar ka mid ah dadkii guryaha loogu balanqaadey.

Isku soo wada duuboo waxay tibaaxaha Qarannews heshay sheegayaan in tobankan guri ee hoos ku qoran ka ugu yar ama ugu qiimaha hooseeya xukumada Siilanyo ku iibisay &320.000 halka ka ugu qiimaha qaalisana lagu iibiyey $1.200.000.Hadaba Totalka lacagta Tobankaa guri lagu iibiyey ayaa lagu qiyaasey $6.800.000.

Markay arini sidaas tahay,xukumadana muddo xileedkeedii ka hadhay Todoba Bilood xaggee lacagtaas iyo guryaha danbe ee la iibin doono la geynayaa ma ololaha doorashdey ku gelayaan,ma Yurub iyo Amerikay guryo kaga iiibsanayaan,kolley miisaaniyada qaranka lagu dari maayee tlo xaggee la geyn!.

Waxaa kaloo intaas ii dheer Guryaha ,Daaraha iyo dhulka danta guud ee Qoyska madaxtooyada,xididkooda iyo xigaalkoodu Boobeen,inta wasiirada tunka waaweyn ee Xirsi Cali X.xasan,Maxamuud xaashi iyo Xuseen Cabdi Ducaale ugu horeeyaa qoondeysteen ama qaateen .

Qarannews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here