HALKAN KA DAALLACO: UCID Oo Xaflad Soo Dhaweyn Ah U Sameeyay Taageerayaal Miisaan Leh Oo Ka Soo Jeeda Gobollada Salal Iyo Gabilay

0
20

Hargaysa (Hubaal)Taageerayaashan iyo musharaxiintan oo ka soo jeeda Gobolka Salal ayaa xisbiga ucid ku qaabilay munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay taas oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe , Musharaxa Madaxweyne Ku Xigeenka Ee Xisbigaasc/Rashiid Xasan Mataan , Xoghayayaasha Xisbiga Ucid . xildhibaano ka tirsan aqalka wakiilada, , taageerayaal iyo dadweyne aad u tiro badan .

Munaasibaddan waxaa ugu horeen ka hadlay Ayaanle Daahir oo ku hadlayay afka taageerayaasha waxaanu sheegay in ugaaska beesha ciise ugu duceeyay beesha xisbiga ucid maanta wixii ka danbeeyana ay xisbiga ucid ka tirsanaan doonaan .

Waxaa halkaasi ka hadlay Murashax Dr Maxamed Nuur Hufane oo ah murashaxa ka soo jeeda gobolka salal isla markaana u sharaxan doorashoyinka golaha wakiilada murashaxu waxaa uu sheegay in ay xisbiga ucid taageersanyihiin isla markaana aaminsanyihiin xisbiga ucid .Waxa uu intaasi ku daray oo uu sheegay in gobolka salal ay wada tashi ku yimaadeen xisbiga Ucid . Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Garabka Haweenka Ee Xisbiga Ucid Iyo Masuuliyiin Kale oo dhamaantood gacmo furan ku soo dhaweeyay masuuliyiintaas iyo taageerayaasha ka soo jeeda Gobolka Salal .

Dhinaca kale waxa munaasibadan ka hadlay  xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka tirsan xildhibaanada golaha wakiilada  somaliland, musharaxiinta xisbiga ku soo biiray oo ka soo kala jeeda gobolada Gabiley iyo Salal, xubno ka tirsan garabka haweenka ee xisbiga Ucid iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood sheegay inay barbar taagan yihiin xisbiga mucaaridka ah Ucid kana shaqaynayaan sidii uu xisbiga Ucid ugu guulaysan lahaa doorashooyinka soo socda.

Murashaxa Madaxweyen Ku Xigeenka Xisbiga Ucid Aqonyahan C/rashiid Xasan Mataan waxanu si farxad ku dheehantahay u soo dhaweeyay taageerayaasha mugga leh eek u soo biirray xisbiga waxaanu ku si adag uga hadlay xaaldu dalka ku suganyahay isagoo halkaasi ka ballan qaaday in xisbiga ucid uu yahay xisbiga dalkan is beddel kheyr qaba ka dhalinayaa .

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng: Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay munaasibadan ayaa si diiran u soo dhaweeyey taageerayaashan, waxaanu sheegay inuu rajaynayo inuu xisbiga Ucid ay u soo baxaan xildhibaano dadka wax u qabta, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan jecelahay inay umada somaliland ee aan ka muuqan awooda qaranka inay ka muuqdaan, dadka reer Saylac ee qaadacay  doorashadii hore ee golaha wakiilada waxaan rajaynayaa inay wakhtigan si fiican uga qayb qaadan doonaan oo ay  dhulkooda ku soo noqon doonaan, waaanan soo dhawaynayaa musharaxa reer Saylac ee iska soo sharaxay xisbiga Ucid, waxa kale oo aan soo dhawaynayaa musharaxa reer gabiley ee isaguna iska soo sharaxay xisbiga, waxaanan leeyahay doorkan waa markii xisbiga Ucid waxaanan leeyahay dadka reer somaliland toosa.”  Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

soo baxaan xildhibaano dadka wax u qabta, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Waxaan jecelahay inay umada somaliland ee aan ka muuqan awooda qaranka inay ka muuqdaan, dadka reer Saylac ee qaadacay  doorashadii hore ee golaha wakiilada waxaan rajaynayaa inay wakhtigan si fiican uga qayb qaadan doonaan oo ay  dhulkooda ku soo noqon doonaan, waaanan soo dhawaynayaa musharaxa reer Saylac ee iska soo sharaxay xisbiga Ucid, waxa kale oo aan soo dhawaynayaa musharaxa reer gabiley ee isaguna iska soo sharaxay xisbiga, waxaanan leeyahay doorkan waa markii xisbiga Ucid waxaanan leeyahay dadka reer somaliland toosa.”  Ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid.

Si kastaba ha ahaate xafladdan ayaa ahayd mid ay soo buux dhaafiyeen taageerayasha xisbiga ucid ee gobolka salal iyagoo ku dhawaaqayay weedho muujinayaa taageerada xoogan ee ay u hayaan xisbiga ucid .

DSC00427-tile

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here