Hargeysa (Hubaal) Wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland oo dhexdhexaadinaysay khilaafkii labada garab u kala qaybiyay dalladda SONYO ayaa si toos ah shaaca uga qaaday natiijada doorashadii shiweynahii 7aad ee muranka dhalisay ee hogaanka dalladda dhalinyarada Somaliland ee SONYO.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska wasiirka wasaaradda ciyaaraha iyo dhalinyarada Somaliland oo loo kala diray Dhammaan saxaafadda Somaliland ayaa lagu sheegay in hogaanka rasmiga ah ee muddada labada sanno ee soo socta ay noqonayaan xubnihii lagu doortay xarunta dhexe ee dalladda SONYO kuwaas oo kala ahaa Siyaad Cumar Cali oo loo doortay guddoomiyaha dalladda iyo guddoomiye ku-xigeenka oo xubno golaha sare ahi ay fadhi deg-deg ah oo ay yeesheen ku doortay inuu noqdo Cabdiqani Maxamuud Jiidhe
Hadaba Halkan ka daallaco nuqulka wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland ay ku shaacisay hogaanka rasmiga ah ee dalladda SONYO ee muddada labada sano ah