Waxaa tan iyo intii xukuumada Kulmiye ee Madaxweyne Siilaanyo hogaamiyaa ku guulaysatay talada dalka sannadkii 2010 ay dalka ku soo kordhisay qabyaalad iyo qaraabo kiil qaawan oon loo meel dayin. Tiro malaha qandaraasyada iyo shaqooyinka sida eexda ah xukuumada Siilaanyo ku siisay dad ay xigto, xasabo iyo xidid yihiin.
Haddaba waxaa aanu halkani idiin soo bandhigaysaa xog ay saxaafadu heshay oo muujinaaya tabaha xukuumada Siilaanyo u isticmaasho naas-nuujinta dadka ay Madaxweyne Siilaanyo isku beesha yihiin. Xogtan iyo arrimaha kale ee la midka ah ee ay xukuumada Siilaanyo dalka ka wado ayaa markaad u dhaba-gasho aad kuu soo xusuusinaya wakhtigii keligii taliye Afweyne ee dadka ay isku beesha yihiin la odhan jiray ‘’orod meel soo eego’’.
Haddaba xogtan oo ku saabsan nin ay Madaxweyne Siilaanyo isku beel ka soo wada jeedaan oo heshiis hordhac ah oo xukuumada Siilaanyo dabada ka riixayso la galay Shirkada Dayuuradaha ee dalka Itoobiya (Ethiopian Airlines) isagoo raba inuu la wareego adeegyada ay hadda samayso Shirkada Nasha. Ninkan oo magaciisa la yidhaahdo Cumar Siciid ayaa dhawaan loo habeeyay Shirkad la yidhaahdo Safeway Travel oo uu heshiiskan ama isfahamkan hordhac ah kula galay Shirkada Dayuuradaha ee Itoobiya.
Hoos ka akhriso heshiiska oo aanu Af-Somali idiinku soo turjunay iyo isagoo Afka Ingiriisiga ku qoranba;
ISFAHAM HESHIIS DHEXMARAY MUDANE CUMAR SICIID IYO SHIRKADA DAYUURADAHA ITOOBIYA.
Mudane Cumar Siciid oo ah Maareeyaha Shirkada Safeway Travel ayaa magaalada Addis Abeba kula Kulmay 24kii Bishii April 2014 Mudane Hailemelkoute Memo oo ah Maareeyaha Shirkada Dayuuradaha ee Itoobiya u qaabilsan mandaqada. Sidoo kale wuxuu Mudane Cumar Siciid 28kii bishii April 2014 la kulmay Mudane Abraham Amiga oo ah Maareeyaha Shirkada u qaabilsan Somaliland.
Sababaha kulamadan uu Mudane Cumar Siciid la qaatay wakiilada Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ayaa looga gol lahaa sidii looga wada hadli lahaa in Shirkada Safeway Travel ay mustaqbalka uga hawl-geli lahayd dhanka rarida iyo rogida alaabada ee Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal. Waxaana la iskula meel dhigay in la abuuro Shirkad ay wada leeyihiin Mudane Cumar iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya oo ka hirgelin doonta adeegyadaasi Garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.
Qodobada heshiiskan ee darafyadani gaadheen ayaa u dhignaa sidan;
Mudane Cumar Siciid ayaa u soo xasilin doona Liisanka ay Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ku fulin lahayd rarista iyo dejinta alaabada.
Marka uu Mudane Cumar Siciid soo helo Liisanka isaga iyo Shirkadu waxay isla diyaarin doonaan imkaaniyaadkii sahlayay adeegan cusub ee rarista iyo dejinta.
Marka ay Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya abuuraan shirkadan ka dhaxaysa waxay adeegan u qaban doonaan Shirkada Dayuuradaha Itoobiya ka dibna waxay uga sii gudbi doonaan inay adeegan u fidiyaan Dayuuradaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Magaca iyo nooca Shirkada waxaa isla meel dhigi doona Mudane Cumar Siciid iyo Shirkada Dayuuradaha Itoobiya. Magaca ay qaadan doonto Shirkada cusub ayaa noqon doona mid dhex-dhexaad ah oo ka baxsan labada Magac ee Shirkada Safeway Travel iyo Ethiopian Airlines.
Mudane Cumar Siciid wuxuu cadeeyay in isla markaasba uu Shirkadan ogolaan doono Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan. Waxa sidoo kale isna ogolaan doona Wasiirka Duulista iyo Hawada Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi.
Mudane Cumar Siciid wuxuu sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay fursadan cusub taasoo muujinaysa buu yidhi mar labaad xidhiidhka adag ee guusha ah ee ka dhexeeya Shirkada Dayuuradaha Itoobiya iyo Shirkada Safeway Travel.
Heshiiskan hordhaca ah waxaa ku wada saxeexan Mudane Cumar Siciid iyo Abraham Amiga.
Hoos ka akhriso qoraalkan aanu turjunay oo ku qoran Af-Ingiriisi.
Qarannews