Hargeysa (Hubaal)iyadoo Muddooyinkii u dambeeyay ay iska soo daba dhacayeen Wareegtooyinka la helayo ee Madaxweyne Siilaanyo ama Xukumaddiisuba ku bixisay Guryo Dawladeed oo la siiyay Dad gaar ah ama Masuuliyiin Dawladdeed ayaa haatana waxa soo baxday Warqad muujinaysa Guri dawladeed Oo Madaxweyne Siilaanyo siiyay Gudoomiye XIgeenka Koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.
Inkasta Oo Dastuurka Somaliland u fasaxayo Xukumadda Iibinta,Kiraynta,Siinta ama si kale uga faa’iidaysiga Dhulka Dawladda,haddana waxaan ilaa hadda jirin Xeerka nidaamin lahaa ee dastuurku jideeyay,kaasi oo muujin lahaa sababaha iyo sida loo isticmaalayo Lacagta ka soo xaroota.
Mucaaradka ayaa Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo Muddooyinkii u dambeeyay ku Eedaynayay inay boob ku hayso Dhulka Dawladda iyo hantida la wada leeyahay.
hadab halkan ka daallaco warqada lagu siiyay oo sexeexan