HALKAN KA DAAWO: Af-hayeenka Ururka Jiidali Ee Dhalinyaradda Subeer Awal Oo ka Waramay Ujeedada Loo Aasaasay Ururkan + Farriin Xambaarsan Baaq Iyo Digniin Oo Uu Xukuumadda Siilaanyo Hawadda U Mariyay
Hargeysa (Hubaal) Afhayeenka ururka Jiidali ee ay ku bahoobeen dhalinyarada beesha Subeer Awal Faysal Mux. Madar (faysal qumuj) ayaa fariin qadhaadh u diray xukuumadda madaxweyne Siilaanyo. Mar uu ka hadlayay madasha loogu wanqalaayay ururkaas oo lagu qabtay hoteel Crown ayaa waxa uu afhayeenku tilmaamay in aayaha dhalinyarada Subeer Awal aanu mad-madow ku jirin isla markaana farta ku fiiqay in maanta laba xisbi oo mucaarad ahi dalka ka jiro oo aanay marnaba ku eeganayn xukuumaddan halka ay dalka marinayso