HALKAN KA DAAWO: Caasimada Hargeysa Oo Lagu Caleemo-saaray Caaqil Cusub Oo Ku Soo Biiray Beelaha Ciidagalle

0
48

DAAWO SAWIRRADA: Cawayskii Xalay Ee Madasha Lagu Caleemo Saaray Caaqil Cabdillaahi Axmed Mataan Oo Kulmiyey Madax-dhaqameed Mucaarid iyo Muxaafidba Leh+Khudbado Dar-daaran U Badan Oo Loogu Duceeyey

 

Hargeysa (Hubaal)- Caaqil Cusub oo la yidhaahdo Caaqil Cabdilaahi Axmed Mataan Aw Xasan oo ay doorteen Beesha Ugaadh Yoonis ee (Beel Weynta Ciidagale), ayaa si weyn Xalay loogu caleemo saaray magaaladda Hargeysa.

pageXafladan Balaadhan ee Caleemo saarka Caaqilka Cusub ee Caaqil Cabdilaahi Axmed Mataan Aw Xasan, ayaa lagu qabtay Huteel Dalxiis ee Magaaladda Hargeysa, waxaana Caaqilka Cusub ee ay doorteeb Beesha Ugaadh Yoonis ee (Beel Weynta Ceedagale), ka soo qaybgalay munaasibada Caleemo saarka Saldaadiin, Madax dhaqameed, Marti Sharaf iyo Dadweyne kale oo tiro badan.

Suldaan Axmed Cadde Gude oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay waxa uu yidhi “Waxaan halkan ku soo dhaweynaynaa Caaqilka Cusub ee aynu madashan ku caleemo saareyno Caaqil Cabdillaahi, waxaan leeyahay waa nin firfircoon oo hawl kar ah, waxaanan ku dardaarayaa in uu ogaado Diinta iyo hoggaaminta suuban, annaguna sidaasi uu yahay ayaanu ku qaadanay ,waxaanan is leeyahay waa in lala shaqeeyo oo la garab istaago oo wax lala qabto waanan u duceynaynaynaa ee hoggaankii lagu badhaadho ALLE ha kaa dhigo.” Ayuu yidhi Caaqil Cadda-gude, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlay Sooyaalka taariikheed ee Jufada uu Caaqil Cabdillaahi ka soo jeedo “Reerkan doortay caaqil Cabdillaahi waxa uu ka mid yahay reeraha ugu taariikhada wanaagsan marka dhinac kasta laga eego, salaadiinta inta halkan aan imanina waxay ii soo dhiibeen in aan u cudur daaro, marka Caaqilka Cusub ALLE wax ha la qabto” ayuu Suldaan Caddo-gude hadalkiisa ku soo xidhay.

Boqor Raabi Yusuf Cabdillaahi oo isna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey una duceeyay caaqilka Cusub isaga oo ku dardaaray in xilka uu qaaday u yeesho dulqaad iyo samir, “Marka hore waxaan leeyahay waanu soo dhaweynaynaa Caaqilka Cusub, waxaan u sheegayaa caaqilka horta waa in aad dulqaad badan la timaada waayo Annaga ayaa kaaga soo horeynay dhaqanka, markaa waa in aad dulqaad badan la timaada, waanan u duceynaynaa Caaqilka Cusub ALLE ha garab galo”

Caaqilka Cusub Ee La Caleemo saaray: Caaqil Cabdillaahi Axmed Mataan Aw Xasan
Caaqilka Cusub Ee La Caleemo saaray: Caaqil Cabdillaahi Axmed Mataan Aw Xasan

Suldaan Cali Baane oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Horta waxaan marka hore soo dhaweynayaa Caaqilka Cusub ee Caawa Caleemo saarkiisa aynu u fadhino…. Wixii la odhan lahaa waa la yidhi ee waa in uu intaasi loo sheegay ee looga baahan yahay uu yeelo oo aqbalo, waana in arrinta umadda dooratay xaqa ugu leedahay uu sideeda u fuliyaa, intaasi Caaqilka cusub u dhaafi mayo”. “Caaqilka meel intaasi hore aan u dhaafo garan maayo ee dadkiisa ALLE ha u saqiro waayo dadkiisa qaar ayaa xataa gacanta ula iman doona, ee waxa aad yeelaysa sida ay xaajadu ku wanaagsan tahay adigu u dedaal ummada oo hawl kar noqo ” ayuu yidhi Suldaan Cali Baane

Chief Caaqil Cali Warsame oo isna halkaasi hadal kooban ka jeediyey waxa uu yidhi “Caaqil adiga ayaa maanta zafladan lagugu caleemo saaray waanu ku ducaynaynaa ALLE ha ku la qabto in oo xilka hakuu fududeeyo umaddaddana waa in aad cadaalad u sameyso oo cid kasta waad la kulmi doonta ee aad dulqaadkeeda yeelato, anaguna ka beel ahaan waanu qaadanay oo waanu kugu barbartaaganahay wixii kasta ee hawsha caaqilkaasi la xidhiidho waanu kugu taageerayna”.

Waxa kale oo madasha khudbado ka soo jeediyey haldoor ay ka mid yihiin Suldaan Cawil Axmed Warsame, Suldaan Aadan Xasan, Caaqil Maxamed Xirsi Faarax, Guddoomiyaha Guddida Beesha Dan-wadaago Axmed Tarabi Xasan, Oday Cismaan Yuusuf, iyo xubno kale oo Madax dhaqameed kala duwan iyaga oo halkaasi talooyin, waano iyo duco ah uga jeediyey Caaqilka Cusub, iyagoo alla uga baryayay in uu Xilka loo dhiibay u fududeeyo isagana loo baahan yahay in uu daacadnimo iyo hawl karnimo ugu adeego bulshaddii dooratay.

Gebo-gabadii Waxa Madasha Caleemo-saarka lagu soo dhaweeyey, codbaahiyahana looga yeedhay Caaqilka Cusub ee Martida loo ahaa, [Caaqilka Beesha Ugaadh Yoonis Adaraxmaan Caaqil Cabdillaahi Axmed Mataan Aw Xasan, waxaana ugu horeyn khudbadiisa ku bilaabay ereyo mahad naq ah oo uu u jeedinayo dadkii soo agaasimay marti-qaadkiisii iyo intii ka shaqaysay xilka dhaqan ee dusha loo saarabya . Waxaanu ballan qaaday in uu dadkii doortay daacad u noqon doono sida ay caddaaladdu ku sifaysan tahayna ku hoggaamiyo beesha.

Ugu Horeyna waxa uu khudbadiisa ku bilaabay tilmaamaha uu ku hagi doono bulshadiisa, waxaana isaga oo tix-raacaya talooyinkii loo soo jeediyey yidhi “Waxaan leeyahay Cuqaal-yahay innagu qaadan meyno xeer ee Kitaabka Allah SW ayeynu haysanaa, waxa aynu isku og nahay waa Ilaalinta Kitaabka ALLAAHAY, waxan leeyahay aad iyo aad ayaad u mahadsan tihiin dhamaantiin”.

2-vert

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here