DAAWO Muuqaal VIDEO Ah Oo Uu Iska Soo Duubay Gacan-ku-dhiiglihii Muqdisho Ku Dilay Agaasime Mursal & Farriin Dilkaas La Xidhiidha Oo Uu Dalbaday

0
79

 HALKAN KA DAAWO Gacan-ku-dhiigle Faarax Cali Nuur oo uu Garab-fadhiyo Sarkaal Ciidammada Soomaaliya Ka Tirsan Oo Ka Hadlaya   dilkan iyo hawlo Amni oo kale

Muqdisho(Hubaal/Aftahannews):- Faarax Cali Nuur oo ah Ninkii gacantiisa ku dilay Agaasimihii guud ee Maxkamadda sare ee Federaalka Soomaaliya Mursal Cumar Cismaan oo ay Hay’adda Nabad-sugidda Soomaaliya gacanta ku hayso, ayaa sheegay in uu dilkaas isagu geystay dhawr habeen ka hor, iyaga oo ay ku wada sugnaa Guri ay wada degganaayeen oo Muqdisho ku yaalla.

Faarax ayaa codsaday in Qoyskii Mursal ka dhashay cafiyaan, maaddaama oo sida uu sheegay uu ahaa Walaalkiis oo kale oo ay Gasiin wada cuneen, Gurina ku wada noolaayeen, waxaanu intaas ku daray in Shaydaan ka adeegay dilkaas uu ku kacay ee godob ka dhaxaysay iyo cid u adeegsatay Mursal dilkiisa toona jirin.

Gacan-ku-dhiigle Faarax Cali Nuur oo uu Garab-fadhiyo Sarkaal Ciidammada Soomaaliya Ka Tirsan Oo Ka Hadlaya dilkan iyo hawlo Amni oo kale

Waxaannu Faarax Cali Nuur iyo Taliye Ciidammada Booliska ka tirsan oo is-garab-fadhiya kana hadlaya dilkan iyo hawlo Amni oo kale, idiinku soo gudbinaynaa Hadalkooda Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here