HALKAN KA DAAWO: Khasaaraha ka dhashay Dhalinyaro ay soo abaabushay Xukuumadu oo Rabshad ka dhex Bilaabay Goob xisbiga Waddani Kusoo dhaweeyay Taageereyaal laxaad leh

0
24

Xuukuumada siilaanyo ayaa saaka u adeegsatay  dhalinyaro tiraadoodu kor u dhaafayso 300 boqol inay rabshaan xaflada uu xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ku soo Dhaweynayay tageerayaal tiro badan oo kusoo biiray saaka xisbigaasi ,taas oo saaka si habsi ah ugu socotay Hotel Crown ,ayaa xukumada siilaanyo  oo ka maroor dilaacsan  tageerayaasha kala duwan ee sida daadka ugu qulqulaya xisbiga WADDANI ,kadib markii ay ka adkeysan weyday  ayaa waxay   soo adeegsatay saaka kooxo dhalinayor ah oo ay ku soo hubaysay dhagaxaan Budhadh iyo mido kuwaas oo shiid hadhka kaga dhigay  Hotelka Cronwka  magaalada hargaysa oo saaka ay ka socotay xaflada uu xisbiga WADDANI,dhalinyarada  ay soo abaabushay xukuumada siilaanyo  ayaa khaasare kala duwan soo gaadhsiiyay gaadii masuuliyiinta xisbiga iyo baabuurkala  oo barxada Hotelka taalay isla markaan waxay khasaare  soo gaadhsiiyeen dadkii xaflada ka soo qaybgay ,

Dhalinayaradan ayaa  xukuumada Sii Galbanaysa Ee KULMIYE ku soo kiraysatay Lacag Gaadhaysay min 30,00 sodon kun oo shilin ,kuwaas oo loo soo kiraysaty inay rabshaan xaflada xisbiga WADDANI ,

kooxadan ayaa weerarka shiidka iyo budhadhka watay soo qaaday kadib  markii uu guudoomiyaha xisbiga WADDAN Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi Cirro u  khudabadiisa bilaabay ,

Khasaaraha kala duwan ee weerarka ayaa la sheegayaa inay muraayadihii dhulka ka dhigeen gaadii kor u dhaafaya 15 baabuur iyo  muraayadii Hotelka oo ay dhammaan rigaaxeen,

waxa kale oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaadhsiiyeen dadkii ka soo qaybgalay xaflada oo dhagaax iyo budhadha la dheceen,intaa kadiba ayaa  xukuumada KULMIYE ee   dhalinyarada rabshada samaysay soo  abaabushay markii hore waxay goobta soo gaadhsiisay ciidanka RRU-da ,kuwaas oo  u hanjabay mulkiilaha  Hotelka Crown   Cismaan  Hindi isagoo ay ciidanku ugu xaga hugleeyeen inay xidhi doonaan ,

Arinata ayaa Wejigabax weyn ku  noqonaysay xukuumada KULMIYE isla markaana  calaamad u ah guudadara siyaasadeed ee soo waajahday Xisbiga Calaantiisu Caadatay  ee KULMIYE

rabsha

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here