“Xukuumada Tallada Haysaa waxay Xooga Saartay Biyaha,Waddooyinka “
“Xukuumada Waxay Qoday 48 ceel markaa qiyaastaasi Culayska ay yarayn karto waad garan kartaan”
“Awooda Biyaha aynu ahaynaa Way Xadidantahay”
“ Meelina jano noqon Mayso Meelna Noqon Mayso Meel Lagu Oomanyahay”
-Hargeisa(Hubaal)Wasiirka Warfaafinta oo Ka Hadlay Khilaafka biyaha oo Dhawanahan Taagnaa oo ku Saabsan Biyo balaadhanta Caasimada Hargeisa,Wasiir Cukuse ayaa sheegay in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo Awooda Saartay Sidii Ay bulshadu u heli lahayd biyo ku filan ,Waana Laga hawl galay. Dhawaan ayay ahayd Markii Uu wasiirka Arimaha Dibada Somaliland ka hadlay Arinka biyo balaadhanta Somaliland ee Caasiimada Kaasi oo khilaaf balaadhani ka taagan yahay halka la marinayo biyahasi. Wali kama hadal Wasiirkii Xukuumada uga Masuulka ahaa Biyaha Somaliland Ee uu dhawaan Uu Madaxwayne Siilaanyo Magacaabay.