Hargeysa (Hubaal)- Qaar kamid ah Mujaahidiintii guutaddii saddexaad ee jabhaddii dhaq-dhaqaaqa wadaniga Soomaaliyeed ee SNM ee dhalasho ahaan kasoo jeeda beellaha Daa’uud Garxajis ayaa shir jaraaid oo ay maanta ku qabteen hotel-ka Dalxiis ee magaallada Hargeysa waxaa ay wax aan suurto gal ahayn ku tilmaamay in la siyaasaddeeyo magaca tolnimadii ay kasoo tafiirmeen [Garxajis], isla markaana aan wada-dhalashada walaallahood [Siciid Garxajis] loo adeegsan amuuro kale.