Gabiley (Hubaal) Dadweynaha reer Gabiley ayaa maanta isugu yimid kulan ay ugu baroor-diiqayaan sarkaal Maxame Yuusuf aw-Ramaax oo isaga iyo sarkaal kale uu askari ka tirsan ciidanka qaranka Somaliland si badheedh ah ugu dilay tuulada Qorilugud.
shacabkan baroor diiqayay oo wajiyadoodu ka muuqatay tiiraanyo islamarkaana muujinayay sida ay uga xun yihiin dilkaa foosha xun ee lagula kacay labada sarkaal waxaanay u duceeyeen Maxamed Yuusuf aw Ramaax oo ahaa sarkaal dhalin ah oo aqoon lahaa oo ay sheegeen inaanay helayn badalkiisa.
hadaba halkan ka daawo: