Salaadiinta Somaliland qaarkood oo maanta shir Jaraa’id ku qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargaysa ayaa ku bogaadiyey Madaxweynaha JSL, Golaha Guurtida, labadii dhinac ee Golaha Wakiilada ee qaatay Go’aankii lagu dhawaaqay, Xukuumadda iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay xallinta khilaafkii Golaha Wakiilada, waxayna shacabka Somaliland u soo jeediyeen inay ilaashadaan Qaranimadooda iyo nabadgelyadooda. halka sidoo kalena ay siyaasiyiinta Dalka ugu baaqeen inay ilaaliyaan danta caamka ah lagana wada shaqeeyo qabsoomidda Doorashooyinka soo beegan.
Salaadiinta Shir Jaraa’idka qabtay waxaa ka mid ahaa:
Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-Qani
Suldaan Yuusuf Maxamuud Xiirey
Suldaan C/raxmaan Cabdilaahi Aw-Good
Suldaan Cali Cumar
Ugaas Xuseen Geelle Abokor
Suldaan Mahad Maxamuud Xirsi
Haddaba halkan ka daawo muuqaalka salaadiinta oo ku boggaadinaysa guddidii golaha guurtida ahayd ee xalisay khilaaf mudada soo jiitamay ee golaha wakiiladda Somaliland iyo nuxurka hadaladooda