Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta soo dhawayn aan kala go’lahayn ku soo dhaweeyey Shacbiga Caasimada Hargeysa iyo Baligubadle isaga oo xadhigana ka jaray Wajigii koowaad ee wadada uu hore u dhagax dhigay Madaxweynuhu ee Baligubadle iyo Hargeysa isku xidhi doonta.
Waxay ahayd goob aad loo soo agaasimay oo madaxweynaha loogu qado sameeyey xadhigana lagaga jaraayey Wajigii koowaad ee wadaasi oo ah 5KM, wadadan oo noqonaysa wadadii ugu horaysay ee shacbiga iyo xukuumadu iska kaashadaan ee tayadeeda iyo qaradeeduba ay tahay heerka ugu sareeya ee wadooyinka isaga goosha laba gobol ama Degmo