Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa ka qayb-gashay Munaasibad loo qabtay Dufcaddii Shanaad ee ka qalin-jabisa Jaamacadda International Horn University (IHU) ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo ka kooban 70 Arday oo wax ka bartay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacaddu ka kooban tahay.